Hargeysa (ANN)-Wefdi ka socday safaarada dalka Britain ku leeyahay dalka Ethopia oo labadii maalmood ee u danbeeyay booqasho ku joogay somaliland

 

ayaa ka hor intii aanay ka anababixin dalka ka hadlay ujeedada socdaalkooda iyo kulamadii ay la yeesheen saddexda xisbi qaran komishanka doorashooyinka iyo ururada Bulshada.

 

 

 

Safiirka Dalka Britain u fadhiya Addis Ababa Mr. Norman Link oo hogaaminayay wefdigaa ayaa shirkiisa jaraaid ee uu maanta ku qabtay hargeysa, wuxuu ku sheegay inay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen geeddi-socodka hawlaha doorashada Madaxtooyada iyo dumuqraadiyada ee Somaliland, isagoo yidhi, “ Somaliland waxaanu u nimi sidii aanu u muujin lahayn taageerada aanu u ahayno hanaanka doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhaci doonta 26-ka bishan Juun ee maalmaha yari ka hadheen, taas oo ah mid mihiim ah, isla markaana uu waqtigani yahay mid xiise gaar ah u leh taariikhda siyaasadeed ee Somaliland.”
Safiirku waxa uu sheegay in mudadii ay joogeen wefdigoodu kulamo kala duwan la yeeshay Xisbiyada siyaasadda ee doorashada ku tartamaya iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo sida uu xusay ay iska waraysteen hawlaha doorashadu sida ay u socdaan, isagoo ku tilmaamay inay si aad u fiican hawshu u socoto oo ay wefdi ahaan si weyn ugu farxeen qaabka loogu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada somaliland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhiftay in dawlada Britain door weyn ku leedahay hirgelinta dimuquraaddiyada curdinka ah ee Somaliland ka jirta iyo helitaanka doorashada maanta ololeheedu socdo ee madaxtooyada, isla markaana ay weli Britain diyaar u tahay taageera kasta oo awooddeeda ah oo ay ku horumarin karto hanaanka dimuquraaddiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Iyadoo si gaara u danaynay doorashada madaxtooyada Somaliland ee 26-ka bishan loo qorsheeyay in loo dareero.

Ambassador Norman Link , waxa uu sheegay inuu mudadii ugu danbaysay ee uu Somaliland yimaado oo ahayd kow iyo toban bilood ka hor ay liidatay hanaanka geedi socodka dumuqraadiyada iyo rajada laga qabay doorashada waqtigan diyaar muuqdo, isagoo xiligaa ku sifeeyay mid xaalada siyaasadu cakirnayd. Laakiin ay door mihiim ah ka qaateen xalinta khilaafkii iyo mushkiladii waqtigaa taagnayd.

Sidoo kalena ay hada u yimaadeen inay ogaadaan halka ay hawlaha diyaar garwgu marayaan, isagoo ku amaanay komishanka cusub hawshooda ay gudanayaan, isla markaana ay komishanka iyo dhinacyada tartamaya ee xisbiyadaba kulamada ay la yeesheen kagala hadleen waxyaabaha loo baahanyahay in laga taageero iyo inay si dhab ah ugu kuur galaan hawsha diyaargarawga doorashada madaxtooyada, taas oo ay kala hadleen masuuliyiinta ay la kulmeen weffdigoodu.

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *