-
Published On: Sun, May 20th, 2012

Somaliland: Tacadiga Saxaafada iyo Gabood-falada Shacbiga lagu hayo yaa u Aanoobay? faallo: SCC(Kalshaale)

Smiley face
Share This
Tags

wariye4.jpgInkasta oo ay Mandaqada Geeska Afrika tahay meesha loogu tacadiga badan yahay Saxaafada, haddana Somaliland oo ah wadan wali Qariib ku ah dunida saddexaad iyo  Caalamka intiisa kaleba hirgelinta Dimuquraadiyad ku dhisan tix-gelinta Afkaarta Mawaadiniinta dalka u dhashay ee

 

arimaha siyaasada gudaha iyo Warbaahinta madaxbanaan ee udub dhexaadka u ah gudbinta fariimaha cusub  iyo codka bulshada ee saxda ah, ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay si isdaba jooga ugu talaabsatay hawl-galo guracan oo lagu bartilmaameedsanayo Saxaafada madaxabanaan ee dalka ka shaqaysa iyo ashkhaasta fikirkooda siyaasasiga ahi ka horimanayo rabitaanka xukuumadda talada haysa ee madaxweyne Siilaanyo.

Howl-galadaas oo wer-wer iyo walaac badan ku abuuray qaybo badan oo ka mida Beesha caalamka, gaar ahaana wadamada Somaliland taageerada Dhaqaale ku siiya Taabo-gelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan hanaan dimuquraadiya  oo ay Astaantiisu tahay in Doorashooyin asxaab badani ku tartantay lagu soo doorto hay’addaha Xukuumiga ah ee madaxweynuhu ugu sareeyo, kuwa sharci dejinta, Golayaasha deegaanka ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada magaalooyinka iyo in Xoriyatul-qawlka saxaafada iyo mawaadiniintu inay lama taabtaan noqdaan, kuwaasoo dhinaca kalena ka caawiya dhismaha Hay’adaha Garsoorka dawliga ah oo ka madaxbanaan hadba xukuumadda talada haysa inay si caadalada ka baxsan ugu xukunto cida ay ciqaabayso.

Somaliland waxay leedahay Dastuurka dhaqan gal ah oo 97% ka mida shacbiga wadanku codkooda ku meel mariyeen iyo Xeer si waadax ah u damaanad qaadaya xoriyada saxaafada iyo gudbinta afkaarta bulshada oo ay shan sanadood ka hor Hay’adaha Xeer dejintu ansixiyeen, kaasoo dhaqan-galkiisa uu sanadkan qabyo tiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, hase yeeshee shuruucdaasi maaha kuwo sida ay yihiin loogu dhaqmo ee waxa meesha ka saaray awoodaha  ay sida khaldan u istcmaalaan madaxda dawladu ee ay hadba qofka ay rabaan handidaada ugu gaystaan, kuwaasoo mudooyinkan dambe si gaara loogu adeegsanayo Xadhiga Warfidiyeenada madaxbanaan.

Hay’addaha amniga iyo kuwa Cadaalada Somaliland waxa ay Labadii sanadood ee ugu dambeeyay Xukunka Qar-qoosh ah,  Xadhig, Garaacis iyo Cago juglayn u geysteen in ka badan 106 wariye, kuwaasoo dhibaatooyinka loo geystay iyagoo gudanaya waajibaadkoodii shaqo ee War gudbinta iyo raadinta xogo caam ah oo ay umadda u soo bandhigaan, waxaana qaarkood lagu xukumay Xabsi dheer iyo Ganaax lacageed, qaarna waxa mudo xabsiga loogu hayay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo si gaara u xidhay iyagoo isticmaalaya Shaadhka dawlada, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiir Duur, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayirka Degmada Caynaba oo saddexdooduba Wariyayaal u xidhay arrimo Awood sheegasho.

Inta badan Wariyayaashaasi waxa xadhigooda amray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo tan iyo Markii xilka loo magacaabay ku sifoobay bixinta  awaamiir Khaldan oo uu marka dambe fulintooda ka dhaxlo fadeexado cul-culus oo saamayn ku yeesha Qaranka, Hanjabaad iyo Tacadiyada ka dhanka ah Saxaafada oo ilaa maalintii uu Xilka la wareegayay xadka ka sii baxaya.

Wasiirka Daakhliga Somaliland Mr.  Duur oo markii Xilka loo magacaabay ahaa shakhsi si aad loogu soo dhaweeyay Saaxada Siyaasada, gaar ahaana ka mid noqoshada xukuumadda Siilaanyo, ayaa  noqday masuul hab-dhaqankiisa maamul dibada uga soo saaray quluubta dad badan oo u han-weynaa xiligii uu Xildhibaanka ahaa, isla markaana kashka iyo laabta ku qaabilay dharaartii Madaxweynuhu Wasiirka  Wasaaradda Daakhiliga u doortay.

Mr Duur waxa uu si badheedha u xidhay 24 Wariye oo aan waxba galabsan, kuwas oo saddex ka mida uu u xidhay isagoo ugu awood sheeganaya xilka qaranka, isla markaana laba ka mid ahi ay todobaad u xidhnaayeen, Maxamed Cabdi Curad oo ah Tafaftirihii Wargeyska Yool-na maalintii shanaad u xidhan yahay, halka uu 21 kale maalin kaliya Xabsiga ku uruuriyay, ka dib markii ay ka dhiidhiyeen amar kasoo baxay isaga (Wasiirka) oo albaabada loogu laabayay TV-ga Caalamiga ah ee Horn-cable xaruntiisa magaalada Hargeysa, kuwaas oo iyaguna Saldhiga dhexe ugu xidhnaa in ka badan 40 Saacadood, balse lasoo daayay markii danbe.

Sidoo kale waxa uu fariimo hanjabaad ah u diray  Wariyayaal kale,  kuwaas oo uu ku haysto warar ku salaysan Dhaliilaha ka muuqda shaqadiisa oo ay qoreen, waxaanay gabood-falada noocaas ahi meesha ka saareen xidhiidhkii ka dhexeeya isaga iyo saaxafada dalka oo hada meel xun maraya , inkasta oo uu mar isku dayay inuu saaxiib dhaw la noqdo Wariyayaasha, isla markaana heshiis afka ah la galay in ka badan 30 Wariye oo ay ku jireen kuwo markaas uun xabsiga lagaga soo daayay raalin gelin la siiyay wixii dhacay maalintaa.

Marka laga yimaado Xad-gudubyada Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku hayo Warfidiyeenada dalka, waxa uu sidoo kale dhibaatooyin lama ilaawaana u geystay shacbi badan oo rayid ah, kuwaas oo waxyeelo nafeed, Dhaawacyo jidh ahaaneed iyo Dhaqaale bur-bur xoogani ka soo gaadhay hawl-galo uu gadhwadeen ka yahay oo ay hay’addaha amnigu qaadeen lixdii bilood ee ugu dambeeyay.

Hawl-galadaas oo inta badan sabab iska hor-imaadyo dhimasho iyo dhaawac keena oo dhex mara Ciidamada amarkiisa ku socda iyo Bulshada lagu waajaho oo naftu u geyso inay isdifaacaan, waxaana laga xusi karaa dhacdadii  bishii hore ka dhacay suuqa Injida ee Hargeysa, taas  oo todoba qof ku dhaawacmeen, hawl-gal jidadka Caasimada lagaga rarayay xoogsatada danyarta ah oo isagana laba qof ku dhinteen iyo hujuumkii qoysaska danyarta ah lagaga raray Cisbitaalkii Jajabka oo uu ku dhintay Wiil Jaamici oo uu ku soo tabcay Aabe Curyaana oo dadkii xaafadaasi degenaa ka mida.

Wasiir Duur xilka uu hayo ku noqday sida Awr Layliya oo Haamaha Korkiisa saaran ka didaya. Isla markana inta uu buuq iyo qas abuurto marka dambe ceebaha ka raaca ugu cadhooda saxaafada xaqiijisa runta biyo kama dhibcaanka ah ee Bulshada loo gudbinayo,  geesta kale  bil ka hor si qaawan ugu Hanjabay Wasiir Duur Madaxdhaqameedyada wadanka, gaar ahaana cuqaasha, isagoo  ku dooday inuu Aqoonsiga kala noqonayo, Mushaharkana ka jarayo  Caaqilka Warbaahinta ka dhaliila xukuumadda uu ka tirsanyahay, dhawaaqaas oo amakaag iyo af-kala qaad ku noqday qaybo badan oo ka mida Bulshada wadanka, isla markaana utun siyaasadeed kala dhex dhigay dawlada iyo  hogaanka dhaqanka ee dhinaca nabad gelyada kala shaqeeya.

Siyaasad xumadda iyo qalafsanaanta Wasiir Duur waxay sidoo kale todobaadkii hore  Mugdi geliyeen nabad-gelyada wadanka iyo kala dambaynta ka jirta, ka dib markii uu hadh cad ku dhawaaqay in Maleeshiyo beeleed hubaysani soo weerartay Xerada Ciidamada Qaranku ku leeyihiin Xaafada New Hargeysa, halkaas oo todobaadkii hore goor subaxa Iska hor-imaad ku dhex maray Dhalin yaro cadhaysan iyo Ciidan Milateri ah oo uu isagu dalbaday in lagu xoojiyo Bilayska ka hortaga Rabshada oo halkaa  loo geeyay si ay uga hortagaan kooxo dadka xaafada ka tirsan oo ka cadhooday xukunkii maxakmadda ciidanka ee kooxdii weerartay xerada ciidanka qaranka.

Waxaana Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Layliga ku ah xilka uu hayo, si isku mida u saluugay qofkasta oo maqlay lexejeclo wadanka ka hayso, waxaanu ahaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee afkiisa ka soo baxa ee u qaadan waa ku noqda shacbiga, isla markaana walaac amni ku abuuray dadka ajaanibka ah ee Somaliland daneeya oo si weyn uga walaacay falalka amni daro ee dalka ka dhacay iyo Hubka uu sheegay inay wateen meeshiyaadkii Milateriga soo weeraray oo aanay qaarkood filayn inay dadka rayidka ahi haystaan.

Dhinaca kalena isla dhacdadaasi arrinta kale ee la yaabka noqotay ee aanu Wasiirku ka madhnayn waxay ahayd xukunkii lagu riday 22 Eedaysane ee lagu soo qab-qabtay iska hor-imaadkaa,  kuwaas oo xukunka lagu riday ay ka cadhoodeen qaar ka mid ah dadka xaafada New Hargeysa.

Wasiir Maxamed ayaa Sidoo kale  isaga wasiiro kale oo ay isku koox yihiin Door muhiima ku leeyihiin Xadhiga Boqor Buur-madow ee Dhaliilaha dawlada u xidhan, kana qayb qaatay falkii foosha xumaa ee Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye dhaawacyada iyo dhabar-jebinta siyaasadeed loogu geystay shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, kaas oo markii uu isku dayay inuu ka doodo xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mida Ilaaladiisa gaarka ahi laba dibble Kursigii ugu soo tuuray, taas oo ku keentay Dhaawac ka soo gaadhay Dhabarka.

Si kasta ha ahaatee intii Wasaaradda Daakhiliga Somaliland loo magacaabay Maxamed Nuur Caraale Duur, waxa isa soo taraya gabood-falada lagula kacayo Warfidiyeenada dalka iyo Faashil ku yimi jawiga nabad-gelyada dalka ee gudaha oo maraya meel una baahan in wax laga bedelo hogaanka wasaaradaasi, isla markaana xukuumadda siilaanyo ka ka jawaabto walaaca ka muuqda daneeyayaasha siyaasada Somaliland, kuwaasoo  wadnaha farta ku haya  halka ay ku dambeyn doonaan sawirada aan fiicnayn ee ka soo bu’aya dhinaca gudaha dalka ee Cabudhinta Saxaafada iyo xadhiga Ra’yi qabuhu  ugu horayaan.

faallo: SCC(Kalshaale)

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>