Hargeysa (Araweelo News Network) Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay 70 sarkaal oo Booliska ka tirsan u furay tababar la xidhiidha shuruucda baadhista dambiyada.

 

Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo hadal ka jeediyey xafladii loo sameeyey furitaanka tababarkaas, ayaa sheegay in saraakiisha la bari doono xeerarka kala gadisan ee baadhista dembiyada, isagoo xusay in loo baahan yahay in sarkaalku yeesho go’aan qadasho hufan isaga oo muwaadinkana xuquuqdiisa dhawraya. “Waxaan idinku boorrinaya bani’aadamka caddaaladda deeqda, haddii aad taliye saldhig tahay, haddii aad madax lacageed tahay, haddii aad taliye waaxeed tahay, haddaad afar askari xukunto, waxaanan idinku boorrinaya inaad ogataan qof kasta oo muwaadin ah marka uu idiin soo dacwoodo warka uu kuu sheegayo inaad u qaadato xaqiiqo oo aad dhegaysato oo aad wax ka qorto, booliskana waxa mabnuuc ka ah marka uu qofku u soo dacwoodo inuu yidhaa kaasi kiis maaha.

 

Ragga saldhigyada haystaan la hadlayaa, waxa loo baahan yahay inaad unugyada baadhista gacanta ku haysaan oo aad ugu dhaqantaan sida xeerarku tilmamayaan, waxaannu nidaamku yahay in taliyaha saldhigu nimanka baadhayaasha uu ka akhiriyo galab kasta intuu isugu yeedho dacwadaha ay qoraan, caddaaladduna waxay ka bilaabantaa faylka OP-ga, aad iyo aad baanan idinku dardaarayaa ragga saldhiga joogow inaad dacwada saldhiga soo galaya ilaalisaan oo dacwadaha maxkamadda iyo xeer-ilaalinta aynu u gudbino aad ka daba tagtaan oo aad la socotaan oo aad ogotaao maxaabiistii aad bishaa xukuntay maxaad la xukumay, maxaa gar-suge ah. Sharicigu waqti buu inoo xadiday, marka waa in aan la dhaafin oo la ilaaliyo waqtigaas, haddii kiisku intaa ku dhammaan waayana sida nidaamku tilmaamaayo waa inaad u marto muddada kale ee u hadhay.

 

La xisaabtanku wuu badanayaa, garaadada ciyaar ciyaar qaranku uma bixin, marka nin walowba waa inaad taas ku xisaabtantaa, waana Ilaahay mahadii guusha iyo geesinimada uu gaadhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ciidammada kala duwan darajada ku siiyey, marka waxa la rabaa guushaas raggii ka midho dhalin lahaa ee ummadda iyo qaranka ugu adeegi lahaa, waana inaga oo nin walba waa inuu taas ku xisaabtamo,” ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *