Waa run in waddan kasta laga helo ganacsi iyo ganacsato ku dedaala horumarinta mihnadooda iyo dhaqaalaha dadka iyo dalka iyo dadka ay

ka dhex xoogsadaan, iyaga oo  u sii maraya horumarinta ganacsigooda.

 

Kama duwana xawaaladaha Soomaalidu.  Xawaaladaha waaweyn ee waddaniga ahi waxa ay muujiyeen karti, daacadnimo, dareen iyo dedaal dheeraad ah oo soo jiitey dhammaan indhaha caalamka, iyaga oo ka dhex gooshayey xaalado aad u murugsan oo u murugo badan oo badiba ay aafeeyeen dagaallo, colaado riiqay iyo abaaro raagey. Halka gini ama Doolar ee dunida gunteeda laga soo diro ayaa ilbidhiqsiyo gudahood ku soo gaadhayey, welina ku soo gaadha, dhul ka durugsan xadaaradaha magaalooyinka oo miyi iyo daabiyadba leh.

 

Xawaaladaha waaweyn ee jira ee ka soo doogey duruufahaa, waxa ay xoogga saaraan sidii ay sharciyad adag oo dhammaystiran ugula macaamili lahaayeen adduunka oo dhan, maadaama ganacsigoodu yahay mid aan xuduudi soo dabrin. Dhulalka Soomaalidu waa la xeer, oo sida caalamka kale, mid walba sharciyad ayay kaga dhaqmaan, oo lagu ixtiraamaa.

 

Dhinaca kale dhaqaale aad u tro badan , oo kumanaan jeer ka mug weyn deeqaha caalamka ka soo gaadha dadka Soomaaliyeed, ayaa qurbajoogtu u soo hurtaa dadkooda kaga hadhay gudaha.

 

Waxa iyaduna xusid mudan in shaqo abuur baaxad leh laga helo xawaaladaha – gudo iyo dibedba. Haddii tusaale aynu u soo qaadanno Dahabshiil oo in ka badan 150 dal ka hawl gasha, ma aha waxa hawlahaas kala wadaa kombiyuutarro Robots ah ee waa dad leh ku-tiirsanayaal, oo wadar ahaan iyaga iyo ehelkoodu tobanaan kun kor u dhaafayaan. Xawaaladaha kale  iyana waa sidoo kale oo inta guri ee Soomaaliyeed ee dabku u shidan yahay, iskuullana laga tago, iwm. Ilaahay baa loogu mahad hayaa.

 

Sida lagu soo qaaday maqaalka Waaheen ku soo baxay shalay, waxa taa barbar socda, in xawaaladaha iyo meheradaha kaleba lagu barbarb isyaago oo lagu ilaaliyo inaan wax ceebaal ahi ka soo gaadhin ganacsigooda, sida sharciyadda oo loo dhammystiro, iwm. Waa wax fiican oo xawaaladaha iyo gancsiyada kaleba soo dhoweynayaan waayo amniga, waddooyinka, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulsho ee kale oo idilba cashuurta laga helo ganacsiga – mid yar iyo mid weynba – ayaa lagu hagaa oo lagu kala asturaa.

 

Haddaba, sidaa li ajligeed, labada weji ee maqaalkuba  dhiirrigelin ayay mudan yihiin: in Xawaaladaha sharciyadooda iyo meeqaamkoodu sarreeyo lagu taakuleeyo gudashada waajibdkooda iyo in laga ilaaliyo wax kasta ama cadaw kasta oo waxyeellayn kara dhaqaalaha innoo soo mara xawaaladaha oo sidaa lagaga midaysnaado.

 

Dr. Deria N Jire

 

Nairobi, Kenya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *