Hargeysa(ANN)Shirkaddaha Dahabshiil Group, ayaa deeq xoolo nool ah u qaybisay bukaanjiifka labaatan magaalo, kuwaas oo ku jira Cusbitaalada magaalooyinkaa. Sidaana waxa
lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xidhiidhka dhinaca warbaahinta ee dahabshiil Group, kaas oo u qoraan sidan:- “Waxa shirkadaha Dahabshiil Group, oo kala ah Xawaaladda, Somtel, Dahabshiil Bank iyo Ganacsiga, farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan  ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada dadweynaha (Public Hospitals) ku kala yaalla 20 magaalo, oo ay ku yaalliin xafiisyada u waaweyn ee shirkadda Dahabshiil, deeq  xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.

“Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef  oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka  cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa  Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.

Waxa deeqdan dhmmaanteed laga qaybiyey 20ka magaalo isku mar oo ku beegan  5 August 2012.

“Deeqdani, oo ay ku baxayso xaddi lacageed oo ka badan US$50 000,  waxay ka mid tahay hawlaha lagu weyneynayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qayb ka ah hawlaha samafalka iyo daryeelka bulshada ee shirkadaha Dahabshiil Group ku taakulayso qaybaha kala duwan ee bulshada danleyda ah ee Soomaalida.”

Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawimooyinka sida joogtada ah bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah shirkadda Dahabshiil ugu taakulayso.

Shirkadda  Dahabshiil waxay ka shaqaysaa in ka badan 155 dal oo dunida ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska dahabshiil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *