Sheekadda Qurbe-joog , Qiso Qof, Qoys iyo Qaran! By Maxamed Haaruun.Qaybihii 7aad iyo 8aad

Aw Mirqaan saacad wax ku dhaw baanu hadlin, waxaanu isu geeyay warkii qoladii marfashka ee tilmaantooda ku gaabiyay wiil dariska ah, ninka uu saaxiibkiis tilmaamay ee Sh Saleebaan oo si wacan uu u garanaayo, iyo xidhiidhki qoyskiisa iyo qoyska Reer-Saleebaan ka dhexeeyay ee

aadka u dhawaa. Xidhiidhkaas in badan buu ka cawday, waxyaalihii uu inta badan ka digay, Farduusna ay iskuba seegi jireen ayaanu ka mid ahaa. Wax badan buu xaaskiisa isku dayay inuu ka dhaadhiciyo inay qoladan dariska ah iska fogayso, wax xidhiidh ahna aanay la yeelanin si ay sharafteeda u dhawrto. Wax badan buu xaaskiisa ku yidhi, “Halkuu kaa dhaafay hadalkaan, ku celceliyay dhawr jeer?” Waakii xataa mar inantiisa Saamiya ah iyadoo intan kaba yar ay ka doodeen sida uu qoyskan dariska u arko. Waakii inantiisa ku wacdiyay inay qoladan dariska dhalasho ahaan hooseeyaan, iyaguna ay sareeyaan, ayna tahay inay aad isaga saraysiiyaan, iskana fogeeyaan. Waakii isku dayay inuu doodiisa xujooyin cadcad ku taageero, ee inanta u sheegay inaan qoladan dariska iyo cidooda  samayskoodu jidh ahaan xataa iyaka la mid ahayn oo ay baabacooyin cadyihiin, carab la’yihiin, bakhtigana cunaan! Waxaas iyo wax la mid ah buu daldalay, waligiisna wuu daldali jiray, laakiin se inantiisii yarayd hal qodob kama fahmin!

Waatii waagaas oo ay 11 jir kaliya ahayd dood adag oo uu jawaabo u waayay ula timid ee ku tidhi, “Aabo waxan aad ka sheekanaysaa muxuu yahay?”, “Aabo, inaku dad madaw ah, qaxoontina ah miyaynaan wada ahayn? Miyaynaan wada ahayn kuwa ugu saboolsan xaafadan aan daganahay oo dhan? Kala saraynta aad ka hadlaysaa maxay tahay? Geesta kale, jidhkoodu keena uun buu u eegyahay ee ma anigaa waxan aad sheegayso kuba arkay, sidoo kale, waxa ay cunaan iyo waxa aan cunnona waxa laga soo wada iibiyaa isku hal dukaan oo ah midka dadka saboolka ahi ka adeegtaan ee Naatto, dukaanka danyartu ka arad-baxaan ee Primark na dharka ayaan ka wada iibsanaa. Intaas baan ogahay oo dhab ah, laakiin adigu waxan aad sheegaysaa muxuu ahaa? Maalintii ay sidaas ku tidhi yartu ayaa ugu dambaysay doodii noocaas ahayd. Wuxu isku dayay inuu hadalka soo ururiyo, waxaanu xiligaas yartiisa ku yidhi, “Aabo waxan ogahay wax aanad ogayn ee mar kale ha inoo ahaato…” Sida dhabtu tahay, wax uu ogaa oo intaas liidata, ee baal-dacarka ka jilicsan, ee caruurtii yaryarayd ay iibsan wayday ka badan ma haynin, laakiin waddo uu doodan kaga baxo ayuunbu rabay. Wuxu isku qanciyay marka ay waynaato inay dhaqanka iska baran doonto, markaana aanu uba baahan doonin inay doodaan, laakiin taasi ma dhicin! Sheekooyinkii noocaas ahaa buu filimkooda dib ugu soo ceshaday, waxaana u muuqatay dadaalkii ilaa waagii ay yaraydba uu waday ee kala fogaynta ahaa inaanu shaqanin.

Waxad moodaa in aduunyadii oo dhan tunkiisa la soo saaray culayska iyo cidhiidhiga uu dareemaayo, waxaanu ka fikirayaa wixii uu yeeli lahaa. Muu xasuusan gabaygii Gamuutte ee ahaa, “Dadku waa isku isir, isku aabiyo hooyo, ruux ammaarad leh, iyo astaan eebe ma sheegin. Ninkii Aw Mirqaan ahaa wuxu goostay inuu, si uu arintan u joojiyo, qoyskii wiilku ka dhashay, gaar ahaan wiilka iyo aabihiis dirir aan waxba la isula hadhin ku qaado. Wiilka qiimihiisu dadkaba kuma jiro, taageeradii qoyskiisa ay u fidin jireen qoys ahaan ee aan xadkaba lahayn, caawintii uu Axmed-waayeel caawin jiray caruurtiisa ilaa waagii ay intan kaba yaryaraayeen, iyo waliba, inay caruurtiisa iyo kuwa darisku yihiin dadka kaliya ee madaw ee dugsigaba dhigta, intaas midnaba ma qadarinin. Dhab ahaan inta uu caawimo qoyskiisa u gaystay, iyo inta qoyskani u gaysteen inaanay shaqoba isku lahayn oo boqol lab ay caruurtiisa isaga uga badsadeen ma oga, ama ogaan buu isu moogaysiinayaa. Heer uu isla hadloba ayuu gaadhay, wax kastana wuu ku tashaday! Wuxu isku dayay in arinta hadal lagu dhameeyo, waxaanu abaaray ninkii Sh Saleebaan ahaa ee wiilka dhalay, waxaanu ka dalbaday inuu wiilkiisa joojiyo oo arinta guurka aan hore loogu soconin. Wuxu adeegsaday odayaal beeshiisa ah oo halka uu arinta ka taaganyahay kala mid ah, aadna u cadhaysan.

Sh Saleebaan wuxu u sheegay arintu inay wiilka iyo gabadha ka go’do. Wuxu u sheegay inaanu qof ahaan jeclayn guur aan la isla wada ogolayn, oo aan raali la iskaga wada ahayn, laakiin hadana sabankan la joogo dadka waawayn talo gacan uguma jirto. Ayuu Sh Saleebaan si af-gobaadsi ah u sii yidhi. Isagoo jawaabtaasi ay waxoogay naruuro ah ku abuurtay, geesna ka warwar qaba xidhiidhka isaga iyo Farduus u dhexeeya ee aadka u liita, ayuu Aw Mirqaan ergo balaadhan, oo rag iyo dumarba leh, oo reerkiisa u badan u diray inay inantiisa iyo hooyadeedba ku qanciyaan qorshaha uu wado. Waatii raadku ku battay gurigii ay Farduus iyo caruurtu daganaayeen, waligoodna imika ka hor may arkinba qaraabo sedan u badan oo soo booqanaysa. Wax hadal batoba, wax dood isku mid ah lagu celceshoba, wax lagu yidhaaho ha ina ceebaynina, gabdheheena ayaa guur seegaaya, Farduus hal erey kama qaadanin. Mawqifkeedu mid kaliya uun buu ahaa, mawqifkaasina wuxu ahaa, “Qoyska reer Sh Saleebaan inaanay cidna ku doorsanaynin, cid ka xigta ehel ahaan oo arladaba ku noolina inaanay jirin.”. Farduus waa laga quustay, inanta yarna awalba in caqligeeda la bedelo rajo badan lagama qabin, talon a waxay ku soo gudhay, “Isma sheegano,” iyo “Awalba cidna maanu is sheegan jirin ee nabad galyo.” Waxa se jawigiiba sii cakiray markii ay Farduus shaaca ka qaaday in inanteeda afar usbuuc kadib la soo doonaayo, diyaargarawgiina dhamaaday. Tolkii oo dhami boodhka ayay maryaha ka tunteen, iyagoo wada aamusan ayaanay iska dareereen. “Dhamaantiin wad casuumantihiin.” Bay Farduus si cariigsi ah ugu sii tidhi.

Warkaas dhinaciisa quusta ka ah, laakiin dhinaca inantiisa naruurada ka ah, iyo waliba meherkii oo loo mudaystay ayaa lagu taabtay. Aw Mirqaan dhulka ayaa la wareegay, waxaanu bilaabay inuu tashi isugu noqdo, waxaanu ku gudoonsaday talaabadii ugu liidatay. Wuxu gudoonsaday inuu wiilka dillo, isagoo u arkaayay inaan arinta sidaas mooyee si kale lagu joojin karin. Waatii saaxiibkiis Been ma sheege uu ku xidhay qolyo ay jeelka isku barteen. Waa kooxdii budhcada ahayd ee The Red Brick Thugs oo ka mid ah 13 ka kooxood ee ugu caansan xaafada Enfield iyo guud ahaanba waqooyiga London. Wuxu durba la kulmay laba wiil oo iska dhal ah (madaw iyo cadaan) oo dhawaan uun ka soo baxay xabsi ay ku muteen dil ka dhacay xaafada oo ay wax ka ogaayeen. Waxoogay lacag ah oo uu ka sameeyay tahriibintii jaadka ee wadamada Yurub ee uu dhawrka sanno ku maqnaa buu u isticmaalay qorshahaas foosha xun. Waakii waxoogay lacag ah bixiyay, wax kalena ku balan qaaday. Waatii xog buuxda oo ku saabsan wiilka la maaganyahay sida sawiro, cinwaanka guriga, jaamacada uu wiilku dhigto, maktabada uu wax ku akhristo ee uu habeenkii ku raago, masjidka uu ku tukaddo iyo jidadka u badiyaa soo maro marka uu soo hoyanaayoba la siiyay. Labadii budhcad ee qandaraaska qaatay waxay qiyaaseen hawshooda sidii ay u fulin lahaayeen, waxaanay ku dadaaleen inay wiilka muuqaalkiisa oo aan sawir ahayn bartaan. Waa loo sheegay inaanay wakhti badan arintan ku qaadanin,ayna ku dadaalaan inay laba usbuuc gudahiisa qorshaha ku fuliyaan.

Makhaayad loo sheegay inuu cuntada ka soo qaato habeenkii marka uu soo hoyanaayo ayay isu qaybiyeen oo midkood ku sugay si uu u garto, si cadaan ah baanu u arkay. Hadiiba uu wajigiisa ka bogtay ayuu wiilkii dhalinyarada ahaa ee la soo kiraystay wajiga wiilka gartay, waxaanay ahaayeen isku dugsi todoba sanno horteed. Axmed-yare oo aan wax dareen ah qabin baa ishiisu qabatay ninka koofiyada gashan ee soo eegaaya, laakiin shido isma galin ee wuu baxay markii uu cuntadiisa iibsaday. Isla markiiba wuu ka daba baxay ninkii shirqoolka waday, meel aan meherada kaba fogayn ayaanu ku gaadhay. Markii uu la soo joogsaday buu koofiyadii iska qaaday, waxaanu ugu yeedhay magaciisa. Axmed muu aqoonsanin, laakiin se wuu bariidiyay. Ma aqoonsan karo oo ninkani jeel buu ka soo baxay, dayac badanina waa ka muuqdaa oo maaha wiilkii dhawr sanno ka hor dugsiga dhigan jiray ee wajiga furnaa. Markii uu hadlay ee afkiisa eegay buu yar xasuustay, saani na wuu u gartay aakhirkii. Waa wiilkii iskadhalka ahaa ee Mr Loran, wuxu se ugu yeedhay magacii iskuulka ee Mr P. Is aqoonsi kadib, ninkii Loran ahaa wuu la tacaadufay Axmed-yare, waxaanu uga dhacay warkii isaga ku saabsanaa oo dhan. Wuxu ku yidhi ninyahaw waagii iskuulka ayaad maalmo badan I caawisay, anigu se dugsiga ma jeclayn oo waatii aan iskaga tagay, laakiin abaal baan kuu hayaa. Waxan doonayaa inaan naftaada badbaadiyo ee ma kuu waramaa? “Naftaada badbaadiyo…?, Maxaad ka wadaa?” Buu Axmed ku qayliyay! 

Warkii buu u dhameeyay, waxaanay la ahayd filim oo kale. Wuxu sheegay in kooxdoodii Red Brik Thugs qandaraas lagu siiyay dilkiisa, caawana uu halkan u joogay si uu isaga u aqoonsado wajigiisa. Wuxu ku yidhi Axmedoow warkaasi maaha dheeldheel, inaan warkaas kula wadaagayna aniga ayaabay naftayda halis ku tahay. Xataa hadii anigu aan kuu waramay oo ku gartay, kuwo kale oo aan ku bixinaynin baa jooga, qorshuhuna wuxu yahay in laba usbuuc gudahood lagugu dilo ee arintaas ka tabaabulshayso, hana I sheegin. Axmed warkaas dhan uu u qaado ma garanin, laakiin wuu garawsaday in halisi jirto. Ninkii Loran ahaa uma sheegin cidda soo dirtay, isaguna ma qiyaasi karaynin. Isagoo warwarsan buu guriga tagay, waxaanu warkii la wadaagay aabihiis. Aabihiis arintaas aad buu uga naxay, waxaanu durbadiiba dareenkii shakiga oo dhan ku jeediyay ninkii Aw Mirqaan ahaa iyo qisadii guurka gabadhiisa. Isla habeenkiiba booliiska ayuu sheekadii u gudbiyay, siday ku dhacday oo dhan na wuu u tifaf tiray. Booliisku markiiba guriga ayay ugu yimaadeen, waxaanay kula taliyeen inuu isla baritoba ka guuro xaafadan, una wareego meel kale oo ay tahay inaan cidnaba loo sheegin. Sh Saleebaan warkii wuu qaatay, inuu fuliyona wuu goostay. Intaas wuxu ku daray talo uu wiilkiisa ugu noqday, waxaanu u sheegay meesha uu u malaynaayo inuu qorshuhu ka socdo. Wiilkiisa wuxu ku yidhi duco qaado oo inantaas iskaga hadh Aabo, baritona aan meeshaba ka guurno sida booliisku inoo soo jeediyay.

Wiilku aad buu u wareersanaa, go’aana ma gaadhi karaynin, wuu se la qaatay aabihiis talaabada geediga. Isla maalintiiba waxay u wareegeen guri ku meelgaadh ah oo Bariga London, xaafada Bethnal Grean ku yaalay. Waa markii ugu horaysay ee ay guuraan muddo 18 sanadood ah, laakiin geedigaasi ma ahayn mid caadi ah ee wuxu ahaa qaxoontinimo. Farduus iyo qoyskeedii waxay ku war heleen qoyskii dariska oo xidhxidhan, odaygii Sh Saleebaan ahaa baana warkii uga dhacay Farduus. Gabadhii Saamiya ahayd oo shaqo ku maqnayd galabtii bay hooyadeed warkii u sheegtay, si aan caadi ahayn baanay u naxday. Hadalba waa laga waayay! Axmed taladii aabihiis buu qaatay, waxaanu Saamiya ugu yimid booqasho isagoo xaalka uga waramaaya. Wuxu yidhi inaan naftayda halis u galiyo arin noocan oo kale ah ma doonaayo, halistaasina, sida uu aabahay ii sheegay, way joogaysaa inta aan arintan ku jirro, markaa raali aan kala ahaano. Saamiya oo awalba warkii hore naxdin ka qaaday, hadalkuna ku yaraa ayaa sii naxday, hal erey oo jawaab ahna uma celinin Axmed. Intay sidaas u eegtay, ayuunbay ilmaysay, iskana kacday oo qol isku xidhay. Axmed qudhiisu, in kastoo oo is adkaynaayay, hadana ilmadii indhaheeda, iyo dareenkii wajigeeda ka muuqday ee dhiilada lahaa ayaa si fog u taabtay.

Markii ay aqalkii ka furi wayday ayuu debedda u baxay. Isagoo banaanka taagan ayaa Aw Mirqaan iyo saaxiibkiis Been ma sheege ahaa oo budad sita, oo meel ay ka yimaadeenba aan la garanayni ay sidii waraabayaal raq arkay wiilkii kula soo yaaceen, isna wuu ka orday. Ilaa uu ka gaadhaayay goobta basaska laga raaco ee xaafada mar qudha ma istaagin, orodkaas ayaana ugu dambeeyay xaafadii iyo inantii Saamiyaba. Axmed-yare si sahlan uma ilaawi karaynin xidhiidhkii laba sano iyo dheeraadka jirsaday ee khaaska ahaa ee Saamiya u dhexeeyay, iyo xidhiidhkii caamka ahaa ee qoyskeeda intiisa kale u dhexeeyay ilaa maantii uu dab ka baydhay. Wuu hubaa inay qof munaasib ku ah ahayd, inay qof karti leh, maskax furan ahaydna aad buu u qadariyaa. Ma aaminsana inuu Saamiya oo kale heli karo, waxa se kaga sii adag taas, sababta ay isaga iyo Saamiya isku waayeen oo aanu fahmi Karin meesha ay ka imanayso, iyo halka ay ku ab-tirsato toona. Marar badan buu arintaas Saamiya la soo qaaday, gaar ahaan maalmihii u dambeeyay ee ergada badani gurigooda ku socotay oo uu dareemay inay waxoogay warwarsantahay. Laakiin sidaas oo ay tahay, iyada qudheedu jawaab may u haynin, manay uba haysanin in fikirka ambadka ah ee aabaheed uu saamayn ku yeelan karo go’aanka nolosheeda!

Axmed wuxu isku dayi jiray inuu si dhab ah Saamiya iyo wixii ay isku ogaayeen oo dhan u ilaawo, laakiin way ku adkayd! Wuxu xasuustaa inay qorshe nololeed oo dheer, oo xataa iyaka ka shisheeya ay wada dhiseen. Wuxu ogaa inay labadooduba si isku mid ah u doonayeen inay cafimaadka bartaan, oo isna dhakhtar caruurta ah uu noqdo, (Paediatrician), iyaduna dhakhtarad caafimaadka hooyooyinka ku takhasustay (gynaecologist) ay noqoto, kadibna ay dib ugu soo noqdaan dhulkoodii hooyo oo ka shaqeeyaan, una shaqeeyaan. Fikirkaasi iska riyo uun ma ahayn ee isagu jaamacada wuuba bilaabay, iyaduna way ku soo daba jirtay, labaduna xaga aqoonta ma kala dhacaynin. Intii ay tashigaas ku maqnaayeen, tashi kale oo madaw, oo qalbiyo madaw, oo dhaqan madaw ka soo fulay, ayaa kooda garab socday. Bilihii hore ee kala irdhawga jacaylka uu Axmed-waayeel u bixiyay noloshu way ku adkaatay, waxaanu badiyaa fadhiyi jiray beerta dadwaynaha ee la yidhaaho Bethnal Grean Garden oo Waqooyiga Bari ee xaafadda ku taalla. Badiyaa wuxu daawan jiray xasuus-reebyada dagaaladii 1aad iyo 2aad ee Aduunka oo qaarkood Beertaas Bethnal Grean Garden lagu kaydiyay, can na ay ku tahay. Abidkiis macno la’aan wakhti sedan oo kale u badan uguma qaadan meelaha noocan oo kale ah, mana garanaaya sababta uu imika sedan u yeelaayo.

Goorta uu daadaawashada waxyaabahaas ka daallo, badiyaa kuraasta beerta ayuu iska fadhiyi jiray, waxaanu akhriyi jiray buugag Ingiriis, Soomaali iyo Carabi ba leh oo suugaan iyo sheekooyin ah. Aabihiis Sh Saleebaan buu si wacan uga bartay luqadda Carabiga iyo Afka Soomaaligaba, aadna wuu ugu wacnaa labadaba. Maantii dambe oo uu buugagiisii suugaanta iyo sheekooyinka ku madadaalanaayo, ayuu ku soo baxay gabaygii Cismaan Aadan-dibi (Gun iyo baar eeg), ee uu hawada u marin jiray inaabtidiis Ugaaso Nuur oo ay aad isugu wacnaayeen, laakiin se reerkooda iyo keedu si xun u coloobeen. Wuxu aad uga helay gabayga Cismaan, iyo sheekada gabayga keentayba, waxaanu aad isu dul taagay meerisyadda ah:

“Geeluba Ugaasooy markuu, ayda miranaayo.

Abeerkiisa naaxiyo markuu, aaranku is waayo.

Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye.

Inaabtaay nin aragaaga jecel, kuuna iman waayay.

Oo’ ooddi kaga meersantahay, Aqalka aad joogto.

Oo eed sokeeyiyo ka baqay, ubatiyo qaylo.

Arrin sidaad u kala laasataan, adiga uun baa og.”

“Anigu ma gabyo, laakiin malaha hadaan gabay abaabuli lahaa, xaajadu xal bay yeelan lahayd.” Buu hoos isu yidhi. In kastoo uu wali Saamiya si wayn maanka ugu hayo, hadana si dhab ah buu u ogyahay inaanay xaajadaasi sii wadwad dambe lahayn. Sanad kadib buu bilaabay inuu waxbarashadii dib ugu laabto, waxaanay taasi ka caawisay inuu ka yaraado ku fikirka Saamiya iyo guud ahaanba wixii dhacay. Geesta kale, waxay maalmahaas is barteen inantii Maria Fernando ee hoos ahaan isagu uu ‘Shacni Wanaag’ ula baxay oo ka timid wadanka Spain. Maria waxay barataa cilmiga raadraaca jiritaanka quruumihii hore ee afka ingiriiska loo yaqaano Archaeology. Waxay marar dhawr ah si qiiro iyo hab-sami ba leh uga warantay, oo aadna qalbigiisa u ruxay, taariikhdii Spane iyo muslinkii dhulkaas 700 ka sanadood ku dhaqnaa ee laga dabar gooyay. Waxay ka warantay taariikhdii madobayd iyo Maxkamadihii Baadhista (The Inquisitive Courts) oo sanadkii 1480, ay sameeyeen Boqor Ferdinand 2 iyo Isabella 1. Maxkamadaha shaqadoodu waxay ahayd, inay dambiyo ku qaadaan cidii u hogaansami wayda amarkii boqorka oo ahaa inay Muslimiinta iyo Yuhuudii la noolaydba masiixiyoobaan, ama wadanka iskaga baxaan, hantidoodana lala wareego.

Waxay u sheegtay inay dad badani waagaas masiixiyoobeen, qaar kalena, si qarsoodi ah, laakiin dhib badan diintooda u haysteen. Waxay uga warantay inuu qoyskeedu asal ku leeyahay dadkii noocaas ahaa ee magaalada Qurduba la yidhaaho ku dhaqnaan jiray oo raadadkoodii maantaba joogaan. Waxay ahaayeen dadkii culuumta Sayniska iyo farsamooyinka casriga ah ee dhismahaba u bilaabay Yurubiyanka. Sidaas darted, waxay u sheegtay, inay Islaamka iyo Muslimiinta kalgacal badan u qabto. Muddo aan badnayn hadii ay is yaqaaneena, waxay gudoonsatay, oo isagana u sheegtay inay islaamka soo galayso, ayna ku faraxsantahay inay raadkii aabayaasheedii hore qabato, isaguna uu yahay qofka sidaas sabab ugu noqday. Maria magaceedii waxay u bedeshay Maryan, waxaanay ku gudoonsadeen inay nolol wada dhisaan. Axmed-waayeel si dhab ah buu ula qaatay Maryan arintaas, waxaanu ka dhabeeyay fikir waayadaba ku xooganaa oo ahaa inaanu gabadh Soomaaliyeed oo dambeba, Saamiya kadib, shaqo ku darsanin. Axmed-waayeel iyo Maryan mar dambe ayay is guursadeen, aadna way isugu badhaadheen.

Hadii isagu uu is daba-qabtay oo jihadaas u dhaqaaqay, waxa waddo taas aad uga duwan qaaday gabadhii Saamiya ahayd. Iyadu sidii ay maalintii qolka isugu xidhay miyir ba waa laga waayay. Hooyadeed iyo booliiska ayaa qolka ku jabiyay 24 saacadood kadib markii ay gashay, waxaana loola cararay cisbitaalka. Dhibaato wayni ma haynin ee fuuqbax jidhkeeda ku yimid, iyo awood darro ka dhalatay cunto la’aan uun bay ahayd. Dhakhsoba waa loo daaweeyay oo jidhkeedu caadi buu ku soo noqday, laakiin qalbigeedii ayaan soo noqonin. Hadalba waa laga waayay usbuucyo badan, nolosheeduna waxay ku ururtay sariirta dusheeda oo aanay dhannaba u dhaafin. Shaqadii lacag-qabtaha ahayd ee ay waagii dhawayd ka bilawday McDonald’s ka xaafadeedana way lumisay markii wax jawaab ahba laga waayay waraaqo badan oo loo soo diray. Waxaas iyadu dan iyo muraad toona kama laha, waxaana ka dhaadhacsan inaanay jirinba sabab ay u shaqaysaa mar hadii mustaqbalkii ay dhisaysay uu sidaas sahlan mugdiga u galay. Talo badan oo hooyadeed iyo asxaabta kaleba ay u jeediyeen maskaxdeeda kolnaba ma galin. Durba wakaas miisaankii jidhkeedu si aan caadi ahayn u soo kordhaaya, timo feedhasho iyo is dhaqaalayn kale ee gabadh dhalinyaro ah lagu yaqiinay, oo Saamiya ay aad ugu dadaali jirtayna, waa hore ayay kala dhaqaaqeen. Lix bilood oo kaliya ayay ugu ekaatay qof kale oo aan iyadiiba ahayn, banaan loo baxo iyo waayo kale oo aduunyona si dhab ah bay isu daayeen.

Sanad wareer iyo jiho-la’aan ah kadib, waatii bilawday inay Internet ka kala sheekaysato wiil ay duruuftiisa nololeed mideeda ula ekaatay. Waxay bilawday inay goor kastaba la hadasho, hooyadeedna waxay u qaadatay malaha inay Saamiya noloshii caadiga ahayd dib ugu soo laabanayso. Wiilkii waakii ku qanciyay inay banaanka u soo baxdo oo ay kulmaan, waanay ogolaatay. Waatii ay balan wada qaateen, si fool-ka-fool ahna u kulmeen. Wiilku wuxu qayb ka yahay koox dhalinyaro ah, oo wiilal iyo gabdhoba isugu jira oo isla baxdobay, oo can ku ah magaca ‘Shankstarz’ oo fadhigoodu yahay isla xaafada ay Saamiya dagantahay. Kooxda Shankstarz ku waa budhcad dadlays ah, waxaanay bedeleen kooxdii iyaga ka waawaynayd ee la odhan jiray Edmonton Mandem ee dadka midiyaha ku booby jirtay. Si fiican bay wadadii kooxda hore u hayaan, waxaana madax u ah wiilka Saamiya Internetka ka soo hogaamiyay oo la yidhaaho Aiden Palmer, waxay se kooxdu u yaqaanaan “Stormer,”, waxaana ku xiga wiil walaalkiis ah oo la yidhaaho Liam Palmer, kuna magic dheer “Danger”. Kooxda oo dhan, oo cadaan u badani waxay leeyihiin naanaysyo ay isugu yeedhaan, waxaana ka mid ah, Bugzy, Ice Murder, Brizzo, Dynamic, Kaos, Stormer, Terminator iyo qaar kale oo badan. Habeenkii koobaadba Saamiya waxa lagu soo dhaweeyay kooxda, waxaanay u bixiyeen Bisada shilis (The fat cat), laakiin iyada baryihii hore looma sheegin, cidina uguma yeedhi jirin.

Wiilkii ay Saamiya is barteen ayaa kooxda u sheegay inanay Saamiya wax balwad ah, haba yaraatee lahayn, aadna way ula yaabeen. Wuxu kooxda u sheegay, oo ay iyadana aad ula yaabeen, inay Saamiya aabo iyo hooyo ay labadaba taqaano leedahay, taas baana ka sii yaabisay. Kooxda mid aabihiis yaqaanaa kuma jiro, ka ugu dhawna magic nin aabihiis lagu sheegay buu hooyadiis ka maqlay. Wiilka ay Saamiya is barteen wuxu u sheegay inuu umaddo badan ka soo jeedo, mid uu isku tiriyona aanu dhab u aqoonin. Wuxu u sheegay inay hooyadiis iska dhal nus Jarmal ah tahay, ayna ka mid ahayd caruurtii loo yaqaanay (Brown babies = Caruurtii Binniga ahayd), kuwaas oo ay dhaleen hablihii Jarmalka ee askartii madoobayd ee Maraykanku ay wadan jireen kadib markii Jarmalka dagaalkii labaad looga adkaaday. Sidoo kale, wuxu u sheegay, inuu hooyadiis ka maqlay inuu aabihiisna sidoo kale iskadhal ahaa, kana soo jeeday wadanka Dominican Republic loo yaqaano, laakiin aanu waligiis arkin. Kooxda intooda kalena way kaba sii liidatay oo xataa wararkaas uu saaxiibkood ka sheegay meelaha uu ka soo jeedo badankoodu maba hayaan, inay hayaana ma rabaan. Gabadhii Saamiya ahayd maalmihii hore way ka yar nixi jirtay waxyaabaha ay kooxdu ku kacaan ee boob, dil iyo daroogoba leh, laakiin markii dambe way iska gaadiiday.

Gabadhii Saamiya ahayd, saaxiibkeed wuxu baray khamriga iyo xashiishada. Wuxu ugu sheegay inay farxad iyo degenaansho nafsadeed sabab u yihiin, la’aantoodna aanay farxi doonin. Baryihii hore bilaash bay ku siin jireen, laakiin maalmihii dambe xaalku waa is bedelay. Hooyo Farduus iyo qoyskii talo faro uguma jirto, waanay hubaan inay gabadhii jiho kale u socoto, waxba se kama qaban karaan. Baryihii hore Saamiya way diidi jirtay inay kooxda la hoyato guryahooda urta iyo foolxumada badan, laakiin waagii dambe markii laga joojiyay khamrigii iyo daroogadii bilaashka ahayd si dhab ah bay u ogolaatay shardi kasta oo ay diidi jirtay, oo ay ku jirto inay habeen iyo habeenoba la dhaxdo. Maalmo badan waatii goor duhur ah soo toostay iyadoo aan maryoba lagu ogayn oo jiifta sagxada qol banaan oo aan wax alaabo ahi ooolin. Waagaas bay si dhab ah u gashay caalam kale, isla markaana ay jartay xidhiidhkii qoyskooda gabi ahaantiisba. Waatii maalin baska ku aragtay aabaheed Aw Mirqaan ee iyadoo aan la hadlin iska dhaaftay, waxay se ku dirtay kooxdii ay ka mid ahayd oo hadhkii cadaa si xun gacan ugu gaystay.

****La soco qaybta 8aad****

By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *