Muwaadin, waad la socotaa hawl galadi kala duwanaa iyo marxaladihi kala duwanaa ee dalka loo soo maray  dib u xoreyntiisa,halgankii dheeraa ee dad iyo duunyoba lagu waayey burburkii iyo qixi ka dib,wixii dhacay

halkan laguma soo koobi karo.
Tusaale yar oo kooban hadii aan ka bixiyo cida aan u golleeyahay waxa ka mid ah nimanka isku sheegaya hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah sida gudoomiyaha xisbiga waddani mudane C/raxmaan C/Laahi Cirro oo haysta Basapor Yurub ah,
Jamaal Cali Xuseen Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID,sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo haysta Basapor Finland ah iyo xildhibaan Rayte 
Haddaba,markaynu soo qaadano xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray dalkan,mid waliba xaalad gooni u ah ayey soo martay,cadawguna geed sare iyo mid hooeba u fuul sidu u kala dhantaali lahaa Nabada iyo degenaanshaha ay ku caano maashay JSL.
Muwaadin ma taqaana cadowgaaga…? Cadowgu maaha kan debbada kaa soo weeraraya oo qudha,cadowga ugu xumi waa kan kula jooga ee makhaayadaha kaala shaahaya ee kula fadhiya kaana dhashay ee iimaankiisu yahay aduunyo[shillin] uu ku doonayo inuu dalkan iyo dadkiisaba ku iibsado,ku burburiyo oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn ,wixii dumaya ama burburaya oo aan ka damqanayn wixii ay ummadani soo martay oo dhanba.
Muwaadin,shakhsiyaad ka mida mucaaridka dalkan oo dhashoodi iyo hantidoodi dibadaha dalka soo dhigtay oo aanu ilmo yari ka joogin halkan,isla markaana baasaboor shisheeye jeebadaha ku sita,iskana dhigaya shakhsiyaad maslaxada dalkan wada doonayana inay carqalad iyo mushkilad ka dhex abuuraan gudaha dalkan,ee wax la og yahay loo soo maray inay si fudud u kala dhan taalaan Nabadda iyo Degenaanshaha aynu ku naaloonayno.
Muwaadin,ka xun horumarka iyo wax qabadka xukuumadan,oo hungurigu saaxiibkood yahay, isla markaana aan ku xisaabtamin waagi guduutaba ay cuntadoodu ka kooban tahay,dhiig iyo Naar ay ku fidnoobayaan,waana calaamada khaayinul Wadanka oo aanu dhiilku u buuxsamin, balse ay farta dheda ka qaniini doonaan maalin aan fogey masiibooyinka iyo dhibaatooyinka ku hareeraysa iyaga iyo kuwey dibadda soo dhigteenba.
Muwaadin,waxay shakhsiyaadkaasi doonayaan kana xun yihiin,ubadkeena quruxda badan ee uu qofka caqliga wanaagsani ku farxayo,marku shaqo tagayo dhallin yarada dugsitada kala duwan u kala socda ee dharka midabada kala duwan xidhan,kuwa Jaamacadaha ku ka lahaya ee Nabada iyo Degenaanshaha ku seexanaya kuna soo toosaya,ma wax loo dhigaaba jira…? Ka Naxow Nafta waa.
Haddab muwaadin,maxaa inala gudboon maanta…. Shakhsiyaadkaas doonaya inay Nabaddaa iyo Nimcadaa uu Ilaahay[swt] inoogu deeqay,si fudud ku carqaladeeyaan ama khalkhal ka abuuraan gudaha dalkan…. Ma u saamaxaysaa muwaadin…. Waa maya… waa inaynu muujina shucuurteena wadaninimo oo aynu ka Foojignaana,isla markaana aynu ka war doonaa halka ay gaboodka ka dhigteen,shakhsiyaadkaas ku milmay xisbiyada mucaaridka ah ee lugna inaga inagula jira lugna koonfurta soomaaliya kula jira ee kula dhashay.

Waxaanse u sheegayaa hadday wax kasta sameeyaan inaanay ku guulaysanayn,oo ay ku hungoobi doonaan,hadaanay ka hadhin dibindaabyada iyo shirqoolada ay maleegayaan, kuwaasoo gundahooda ka hore doona,wax ka bakhtiiya ama u gurmadana aysan heli doonin, kuna dhici doonaan cidlo ciirsi la’ dambaskooda la waayi doono. Waayo,Calankan aynu hadhsanayno,ayaa difaac iyo nabadba inoo ah cadowgana geeri iyo murugo aan dhamaad lahayn u ah.

Waxaa kaloo jirta mucjiso ku xaydaaman dalkan iyo dadkiisa oo aanu cadowgu marna tallaabo ka qaadi karayn,hadduu isku dayona uu ku gubanayo,kuna guuldaraysanayo,waana mucjiso aan wakhtigeeda sheegi doono,balse aanan soo qadimayn maanta. Guusha xukuumadaa leh,guul darada iyo jabkana cadowgaa leh,gaar ahaan shakhsiyaadka aysan cidi ka joogin dalkan ee dhashoodi debadda soo dhigtay,ayaa weliba jab iyo Hoogba leh.
WA  BILLAAHI  TAWFIIQ
Moxammad-Amiin Jaamac
Liibaan 071 @ hot mail .Com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *