Doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay bishii April ee sannadkii 2003 iyo doorashada maanta ee 26 Juun, waa laba doorasho oo aad u kala duwan oo kaaf iyo kala dheeri ah. Madaxweyne Rayaale wuxuu tartankii doorashadii sannadkii 2003 ka qayb galay tiiyoo uu sannad keliya hayey xilka madaxweynaha
kadib markii uu dhaxlay madaxweyne Cigaal oo bishii May ee sannadkii 2002 geeriyooday. Mudadaasi gaabanna wuxuu ku dhiiraday kuna calool adaygay inuu qabto doorashadii deegaanada iyo doorashadii madaxtooyada tiiyoo uu gacanta ku saydhay soo jeedinno lagula taliyey in mudada xilka madaxweynaha loo kordhiyo dibna loo dhigo xilliga doorashada madaxtooyada.
Waxaa lagu tilmaamaa inay doorashadaasi abuurtay tartan adag oo dhexmaray xisbiga UDUB iyo xisbiga KULMIYE, sida ka muuqatay natiijadii uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqay. Taasoo uu Madaxweyne Rayaale kaga guuleystay Axmed Siilaanyo 80 cod oo muran badan dhaliyey. Hase ahaatee wuxuu murankaasi soo afjarmay markii uu Axmed Siilaanyo u hogaansamay ee uu aqbalay go’aankii Maxkamadda ee murankaasi ka garsoortay. Waxayse aqbalaaddaasi dad badan u iftiimisay, bankana u soo saartay, shakhsiyadda uu ka koobanyahay Axmed Siilaanyo iyo siduu u danaynayo dalka iyo dadka Somaliland. Dhacdadaasina may noqon mid todoba sano ka hor dhammaatay oo halkaasi lagu illoobay, ee waxay ahayd abaal uu Axmed Siilaanyo dadweynaha Somaliland sii gashaday oo uu maanta guranayo midhihii abaalkaasi uu sii kaydsaday. Waxaana hubaal ah in dad badan oo garowsan qiimaha iyo miisaanka dhacdadaasi leedahay ay si xooggan u qadarin doonaan, dibna u celin doonaan abaalkii uu Axmed Siilaanyo sii gashaday. Taasoo ay dad doorashadii hore codkooda meel kale mariyey ama aan codaynba ay maanta u codayn doonaan murashaxa Kulmiye Axmed Siilaanyo.
Bal tusaale yar oo arrintaasi ka marag kacaya, oo aan shakhsi ahaan la kulmay aan halkani ku soo bandhigo. Subaxnimadii 14kii bishii May ayaan u kicitamay Mac-hadka AIDAM oo aad ugu dhaw gurigeyga si aan kaadhka cusub ee codbixinta uga soo qaato. Mac-hadkaasi oo ah goob codbixineed wuxuu ku yaalla waaxda 26 Juun ee magaalada Hargeysa. Markii aan soo gaadhay goobtaasi waxaan la kulmay laba saf oo aad u dhaadheer oo ragga iyo haweenku kala taaganyihiin. Waxaana labada saf dhexdooda taagan oo ka dhex qaylinayo nin aan isaga iyo aabihiiba si fiican u garanayo, ahaan jirayna taageerayaasha UDUB. Wuxuu ninkaasi dhex socsoconayey labada saf dhexdooda isagoo cod aad u dheer ku dhawaaqaya oo leh: “Kaadhadhka qaata oo ha ka daalina safka dheer, nin weyn baa idin sugaayey todobo sannadood, si aad codkiinna maanta u siisaan.” Qaar ka mid ah dadkii safka taagnaa ayaa kolba weydiiyaa: “Waa ayo ninkaasi weyni?” Markaasi ayuu ku jawaabaa “Waad garanaysaan, waa ninkii sideetanka cod ku hanneeyey”. Muddo saacad iyo badh ah oo aan safka taagnaa, mar keliya ninkaasi muu aamusin. Waxaanan kaadhkii cusbaa soo qaatay oo aan goobtii ka tagey isagoo weli sidii u qaylinaya.
Doorashada Madaxtooyada ee uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimay inay qabsoonto 26 Juun ee 2010, waxay u muuqataa mid si xooggan uga gedisan doorashadii sannadkii 2003 qabsoontay. Ugu horreyn xisbigii UDUB ee tartamayey sannadkii 2003 wuxuu doorashada maanta u muuqdaa mid si weyn isku dhalan rogay. Waayo tirada madaxda todobadaasi sannadood ka baxday ama ka biyo-diiday xisbiga UDUB ee iskugu jirtay wasiiro, xildhibaanno, gole-dhexe, iyo isbedel doon xilal sarsare ka hayey xisbiga ayaaba kor u dhaafay sideetankii qof ee uu UDUB kaga guuleystay xisbiga KULMIYE sannadkii 2003, bal iskaba daa taageerayaasha kale ee raacay madaxdaasi UDUB ka leexataye. Waxaana muuqata in badi madaxdaasi UDUB ka baxday iyo dadkii taageersanaaba ay ku biireen xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxaa jira madax kale iyo taageerayaal xisbiga UDUB oo u digo-rogtay xisbiga UCID. Taasina waxay inoo iftiiminaysaa in kafadihii miisaanka ee doorashadii hore aad iskugu dhawaa ay doorashada maanta si weyn u sii kala durkeen.
Ta labaad waxaa madaxweyne Rayaale iyo xisbiga uu madaxda ka yahay ee UDUB horyaalla la xisaabtankii dadweynaha ee todabadii sano iyo dheeraadkii ka soo wareegay markii Madaxweynaha loo doortay. Waxaana hubaal ah in la xisaabtankaasi, oo ay dad badani ku salayn doonaan halka ay codkooda marinayaan, uu Madaxweyne Rayaale seejin doono codad aad u badan oo markii hore u codaysay. Taasi ka sokow, waxay dad badani farta ku fiiqaan mudada dheer ee uu Madaxweyne Rayaale madax ka ahaa Somaliland, taasoo uu shan sanadood ahaa Madaxweyne-ku-xigeen, sideed sannadood iyo dheeraadna uu ahaa Madaxweyne. Waxayna dadkaasi ku doodaan in mudadaasi dhawr iyo tobanka sannadood ahayd wuxuu soo qaban waayey aan laga filayn inuu berrito qabto. Sidaasi awgeedna ay habboontahay inuu ka nasto xilka Madaxweynaha.
Waa mid inoo bidhaami karta sida ay dhaliilaha iyo dhibaatooyinka kor ku xusani u yarayn karaan rajada uu doorashada maanta ku guuleysan karo Madaxweyne Rayaale. Waxayna u egtahay in dareenkaasi aanu ka qarsoonayn Madaxweyne Rayaale. Mana muuqdo shirqoollo kale oo uu Madaxweyne Rayaale maleegayo si uu codka u musuqmaasuqo oo uu u korodhsado tirada codadka dadweynaha si uu kursiga ugu sii fadhiyo. Laakiin, marka si qoto-dheer loogu fiirsado ficiladiisa, si xoogganna loo dhuuxo hadaladiisa waxaa inoo muuqan kara sida uu u doonayo inay dalka si nabad ah uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi iyo siduu diyaarka ugu yahay inuu aqbalo natiijada codbixinta dadweynaha ka soo baxda. Inkastoo mararka qaarkood ay ficillo taasi ku liddi ahi ka muuqdaan xubno xukuumaddiisa ka tirsan.
Qaabka codbixinta ee maanta Somaliland ka hirgalay waa qaab casriya oo si weyn u horjoogsanaya musuqmaasuqa codadka iyo ku shubasho codad aan jirin. Kaasoo suurtogelinaya in qof kastaa cod keliya dhiibto, meeshana ka saaraya ku celcelintii doorashooyinkii hore oo kale. Sidoo kale marka la eego dhexdhexaadnimada ay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku muujiyeen, iyo xilkasnimada daacadda ah ee ay hawl-wadeenadii diiwaangeliintu, gaar ahaan ardaydii Jaamicaduhu, ku shaqeeyeen waxaa inoo muuqanaya inay doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoomi doonto.