Riyadaan la fal -galay, Riyaaqii iyo Sacab Tunkaygii, Prof. Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)Aabbo maxaa ku helay!!! Maxaa dhacay? Are you O.k? Maxaad la sacabineysey? Waad qaylineysey!!

 

Hadaladaa kor ku xusan waa kuwii ay caruurtaydu igu boobeen saqdii dhexe khamiistii jimcuhu soo gelayey iyaga oo kusoo xoomay qolkaygii hurdada ee aan jiifay.

Waxaan toosay oo soo booday anigoo yaaban, markaan arkay caruurtii oo duashayda tuban.

Aabbo waan fiicanhay dhibaato ma jirto ayaan ugu jawaabay waan riyoonayey, riyadii ayaan malaha la fal-galay oo I hogaamisey ayaan u raaciyay.

Aabbo waxaad ku qarweysey (qaylinaysay) Guul Guul!! Noollow Noollow Hanad ayay tidhi Idil oo ka mid ah hablahayga. Laakiin Deeq oo ka mid ah wiilashayda Illaahay raali ha ka noqdo dhamaantoodba’e ayaa yidhi, “Bal suga, bal suga”!

Deeq, wuxuu markaa ka dib yidhi, Aabbo nooga sheekee waxa kusoo

maray. Intaan sariirta kor u fadhiistay baan dib u xasuustay, wixii aan la kulmay ee ahaa Riyadii aan la fal-galay, waxayna u dhacday sidan sheekaddii aan Caruurtada uga sheekeeyay ee Riyaddu.

“ Waxaan joogay Paris oo ah caasimada dalka Faransiiska, waxa lagu qabanayay Tartanka Ciyaaraha Aduunka ee loo yaqaan Olympic. Sideydaba dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaan uma lihi in aan tago Fagaaraha Ciyaarha Olympiga, marka laga reebo in aan Tv-ga ka daawado mooyee, balse waxa igu dhiiri geliyey markaan oggaaday in Wiil dhalinyaro ah 19 jir ah oo la yidhaahdo Hanad oo u dhashay Jummhuuriyada Somaaliland ka qayb geli doono tartankaas. Waana sababta iigu wacan in aan u badheedho safarka Paris iyo tigidhka qaaliga ah iyo kharashkaa badan waxaan is idhi yaanay cidi kaaga sheekayn ee indhahaaga ku soo arag.

Wiilka Hanad wuxuu hore ugu soo caan baxay Tartanka Ciyaaraha Bariga iyo Badhtamaha Afrika iyo weliba tii Afrika guud ahaan, Warbaahinta Caalamka, wargeysyada iyo goobaha laysugu yimaado ayaa ku dheeraaday in ay si weyn uga sheekeeyaan oo saadaal ka bixiyaan guusha Hanad ee Orodka 10, 000 mitir. Saadaasha guulaha laga filayo waxaa lagu saleeyay wacdaradihii uu ka dhigay Afrika intaan la qaban tartankan.

Markaan gaadhay goobta Ciyaaruhu ka dhacayeen waxaan la kulmay jaaliyado ballaadhan oo reer Somaaliland ah, rag iyo dumar ba leh, kuwaas oo daafaha Aduunyada ka kala yimi, iayagoo meel weyn ka qabsaday oo ku uruuray.  Dhammaantood waxay ahaayeen kuwo sidayda oo kale u yimi sidii ay guusha Orodyahanka Hanad oo cagihiisa ku ordaya ay taageero isula barbar taagi lahaayeen, isla markaana u dhiiri gelin lahaayeen.

Markii la gaadhay Waqtigii ciyaaraha la bilaabi lahaa Sidii barnaamijku ahaa waxaa la hormariyay Boodada, Orodka 100 mitir, 200mitir, 500mitir iyo kuwa qori ninka saaxiibkiisa ka horeeya u dhiibaayo oo kooxo ah.

Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku jireen dawladihii ka soo qayb galay, hase yeeshee may calfan guusha midkoodna, waxa la soo gaadhay waqtigii Orodka dheer 10, 000 mitir, waa saacadaanu sugeyney, waxaana goobta Orodku ka bilaabmayey isa soo taagay inamadii Ordaayey, kuwaas oo uu ka dhex muuqday Hanad oo xidhan Garan uu ku sawiranyahay

Calanka Somaliland oo uu dhexda kaga xardhanyahay Tawxiidka. Hanad waa inan dhererkiisu meel dhexaad yahay, midabkiisu maariin yahay, timo madow oo gaagaban iyo ilko cad cad. Markii siidhiga la afuufay wuxuu Hanad u Orday si degan, hase yeeshee labadii wareeg ee u dambeeyey ayuu si lama filaan ah kooxdii la tartamaysay ka goostay, waxaana ugu soo dhowaa kooxda ay tartanka ku wada jireen Wiil u ordayay dalka Ethopia, wuxuu ka dambeeyey wiilkaasi Hanad qiyaastii 7 mitir. Markaas baa sacab, mashxarad iyo hugun lagu hambalyaynayo is qabsaday, Aniguna Farxadaa iyo sacabkaa ayaan dhex joogey. “Aabbo we can turn your dream in to reality [Abbo riyadaada waxaynu u roggi karnaa mid dhab ah ayay tidhi, Idil]. How??!! Laakiin Amal ayaa ku jawaabtay, Wait a minute….Mo Farah sow originally maaha from Somaliland???..dee markaa boqolaal Mo Farah iyo boqolaal Hanadoo kale ah ayaa ku qarsoon Somaliland, waxa keli ah loo baahanyahay in lasoo saaro. Kadibna la tababaro oo la daryeelo ayay Idil kusoo gebagebaysay Riyadii aan sheekeeyay.

Anigu Riyooyinka ma fasiro, mana ihi mufasir, laakiin waa sida aanu aniga Caruurtaydu u sharaxnay Riyadii sababtay in Caruurtaydu igu soo yaacaan sidii wax igu habsadeen, balse adigu akhriste sidaa doonto u fasiro.

 

 

By. Prof. Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *