Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala hadlay
dadka Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo, waxaad u sawiranaysa dawlad guddaha ka dhisan oo guul ka gaadhay dhismaha dawladnimo kadibna arrimihii dibadana u banbaxday kana talinaysa danaha Soomaaliyeed. Laakiin siday xaqiiqadu tahay waa ismaandhaaf iyo male been awaal ah, taasoo siday xaqiiqadu tahay uu yahay SABEEYE dul sabaynaya siyaasada Soomaliya lagu hanti iyo dawlad maamulay , isagoo bixinaya muuqaal dawladnimo oo khiyaamo ku salaysan sidii Shariifka oo kale ,dadka wax magaratada ahna loo tusayo soo noolaansho dawlad Soomaaliyeed, balse xaqiiqdu tahay inuu yahay Xasan Sheekh ergay QaramadaMidoobay u shaqeeya oo imikana ka hoos shaqayn doona Mr. Nicholas Kay.Qorshaha Qaramada Midoobay oo ku salaysnaa qorshe qabsasho dahsoon iyo maalgashi dhaqaale isugu jira taasoo qaybaha Soomaaliya oo dhan lagu doonayay sida Somalilan oo kale. Waxaad moodaa qorshahani inuu u dhacay sidii oo ay dawlado badani galeen saamiqaybsi Soomaalida ah.Wakhtiyadii labadii kun iyo toddobadii ayaa qoraalo ka soobaxay wadanka Faransiiska lagu soo saaray qorshe maalgashi ah, kaas oo sheegay in Faransiisku maggaalada Berbera ka dhigi doono goob loo dalxiis yimaado oo Huteelo waawayn ka furidoonaan, waxayna dad badan oo reer Somaliland ahi walaac ka muujiyeen arrintaas, kuwaas oo u arkayay inuu yahay mid burbur dhaqan iyo diineedba keeni kara sida ku dhacdaywadamo ku yaala North Africa sida Tunisiya iyo Meelo kale.
Qaramada Midoobay ayaa waxaad moodaa in mabaadiideeda siyaasadeed fashilmeen gaar ahaan illaa wakhtiyadii dagaaladii ciraaq oo ay isugu soo biyo shubatay magic dad gaar ah, ama dawlado gaar ahi ku shaqaystaan, iyagoo qorshahaa cidiiku fahantana ay kusoo galaan-galaan dacaayado ku salaysan xuquuqal aadamiga. Waxaa aad u mihiima in dadka reerSomaliland ay fahmaan , ka taxadiraan amaankoodana adkaystaan, wada jirka iyo midnimadoodana Ilaashadaan maadaama oo marxaladaha Geeska Afrika uu yahay xasaasi taasoo saameyn wayn ku yeelan doonta Geeska oo dhan.
Sociologist Saeed Issa Eleyeh