Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah deegaamaynta

Beesha (Madaxweyne Siilanyo) oo hadalo deelfaaq ah anshaxa suubana ka baxsan ugu badheedhay masuuliyiin kala duwan, oo wax kale haduu garan waayey, ku xaqdhowri kari waayey da’da, nasiib daro-se, la odhan karo waa dhaqan uu kala yimi aqalkooda, maxaa yeelay haduu ka iman lahaa aqal asluubta wanaagsan iyo xaqdhowrka waayeelka sidaa uma dhaqmeen, sababtoo ah xadiis nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa, “Qofkaan u naxariisan kuwa yaryar, isla markaana karaamayn kuwa waaweyn, naga mid maaha.”

Sheeko la yidhi waxay ka dhacday dhulalka Carabaha, ayaa niman carbeed nin midabkiisu madow ahaa, magaciisa weydiiyeen, markaasuu u celiyey, NUUR. Immika garaadkaagii haduu ku siiyey C/casiis hadalkaa u quudh, masuuliyiintaa kala duwan, ogow, waxba maad yeelin, balse ceebta kuwaad u soo jiiday waa waalidkaa. Ogow, ninkow, diinteena islaamku akhlaaqda suuban ayey ina bartaa, loona baahan yahay inaan nolosheena ku salayno, waxa la inoo sheegay in qofkii aflagaado u geysta waalidkaa, aan lagu dayan ee laga aamuso, sababtoo ah hadaad ku deyatid waxaad cayday waalidkaa, bal ka waran, immika ummadan aad u quudhay aflaqaadada, ma iyagaad wax ka sheegtay mise adigay kugu koobnaatay oo waalidkaa ayey ku soo noqonaysaa.

Qofku xaq wuu u leeyahay haduu khalad arko inuu saxo, balse saxitaanku maaha, dad bir-ma-qeydo ah u quudh been-abuur iyo hadalo hafar ah, lakaiin, waa inaad adigoo asuubta diinteenu islaamku inoo sheegtay raacaya, aad sidaa ku dabakhdaa, diinteena islaamka iyadoo mar walba ka digaysa nabiibiyaha, oo ka mid ah kuwa naarta hoy looga dhigo, ayey inoo sheegtay in qofka sheega hadal ama arrin qof sameeyey oo xaqiiq ah inuu xantay, oo dembi ah, hadii waxuu sheegay aanay jirina, kaba sii daran yahay oo ka been-abuurtay.

Waxaan kaga baxayaa, waxba adiga kaagama jawaabayo deegaamayn iyo arrin reer, waayo ma istaahishid qof looga jawaabo, balse waxaan kugu dhaafayaa tuducyo gabay hore ayey ku jirtay, “Guddo-baas- laga keenay iyo garac xun mooyaane, ma gilgilo duqeytida, ninkii OW ka soo go’aye.”

Waxaan kaga baxayaa dhaliishaydu ha gaadho qofkii dhigay.

Qore: Maxamuud Cali Walaaleye

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *