qoraalIn badan waxa loo maldahaa bulshada ujeeddooyin is barkan oo badiba loo soo huwiyo muuqaal qabiil si loogu oofsado dano ku danbeeya kuwo gaar loo leeyahay. In badan waxa loo soo cumaamadaa belaayo hagoogan

 

oo muuqaal waayeel wadata, aan se ahayn. In badan waxa la arkaa bulshada oo wax u muuqda wax aan u muuqan loogu fasiro, inta bandanna dhadhan qadhaadh oo qabyaaladeed leh.
In badan waxa dhegaha dadka ka badatay rag lagu tilmaamayo lexojecelo inay ka leeyihiin qaranka Somaliland. In badan waxaynu maqalnay inaan raggaa looga baqaynin burburin iyo daba-martaynta Somaliland. In badan ayaa lagu celceliyey oo lagu celceliyey. Waxa mar walba ujeedadu ahayd in raggaa lagu soo celiyo caqliga, oo la dejiyo xiisadda oo aan shacbi iyo dawlad toonna lala qaadin, lalana qaadan ka-tallaabsiga sharciga ee ka muuqda. Ma se noqon.
Waxa in badan, isla mar ahaantaa, dhegaheennu maqlayeen rag dhaar ku gelaya inay dhiig daadinayaan. Waxa in badan la maqlayey rag ku  nidar gelaya inay xukuumadda shacabku doortay ee hoggaanka haysa la soo degayaan, oo iyagu xoog ku fadhiisanayaan. Waxa in badan la maqlayey iyaga oo ku baaqaya in fawdo, iska hor imaadyo iyo mudahaaradyo ujeeddo leh lagu kaco. Waxa in badan la maqlayey raggaas oo golayaal iyo madalo aan sharciga iyo qaanuunka meelna kaga jirin isku urursanaya, oo kaga dhawaaqaya ama kaga tiraabaya waxyaabo aan marnaba maanka fayoobi qaadan karin. Waxa in badan la maqlayey ama la arkayey rag aan dhulka waxba ka ool oo qalalaase iyo fidno kula dhex wareegaya shacbiga Ilaahay u roonaaday ee nabadda ku deggan.
Waxa in badan la maqlayey ama la arkayey rag mar kasta oo xukuumadda, ciidamada, garsoorka ama golayaashu hawlahooda guda-galaan qabyaalad, cunfi, isir-diid, qof-diid, jahaalad ku soo buux dhaafiya shaashadaha oo hawl aan loo diran faraha la gala, iyaga oo qabyaalad hadlaya. Waxa in badan na daashaday xisbiyo aan xisbiyo ahayn oo halkii iyagu ay hoggaan wax toosiya noqon lahaayeen u daba jooga taladooda wax-ma-garato, gabraarato ah oo dano gaar ah ka leh isku-dayga joogtada ah ee kala-furfuridda qaranka Somaliland.
Waxa in badan la arkay ama la maqlay rag siyaasiyiin waaweyn sheeganaya, hase yeeshee aan aqoonteeda lahayn, oo hambalyaynaya cadawga Somaliland ama u sacabbo-tumaya calooshooda-u-shaqaystayaal la hayb ah oo u daaq tegey cadowga ummadda, habeen iyo maalinna ku hawlan hantaaqada ummad tashatay aayaheeda iyo horumarkeeda.
Waxa, haddaba, ayaan darro aan laga aamusi karin ah in in yar oo fidmo-walayaal ahi ka cod dheeraato shacabka intiisii badnayd. Inay intaa yari manta fidmo kula dhex jirto golaha baarlamaanka, oo aad mooddo inay xoog ito inqilaab ku haystaan. In in yar oo aan maqasha loo dirteen, waxay nolosha ka ahaayeenna la wada og yahay, u tusto ummadda in dhibta ay ku hayaan ummadda maslaxad tahay, inta badani samaha ay dooneysaana xumaan yahay. Waxa ayaan darro ah in maanta ay marayso in tallaabo kasto lagu dhereriyo qabyaalad oo aan lala gabban, rag dantooda wataana ku kicinayaan wax-ma-garatada wax aan u soo wadin wanaag, hoog iyo halaag mooyaane. Waxa ayaan darro ah in Ilaahay ka-fogaansho dhiirran loo fasaxay shaashadaha oo beenta, hanjabaadda, cunsuriyadda, dulmiga, jahliga, horumar-diidka, iwm… lagu beddeley tasbiixdii, Alle-ka-cabsigii, samo-ku-diinkii, wanaag-faristii, xaq-u-hiilintii, horumar-doonkii iyo hiisgsii aayo ifaya, oo ah sifooyinkii ay ku walaalowdey Somaliland.
Waxa marag-ma-doon ah in mashruuc burburin ah, in kastaaba ha isla ogaatee, dhex qaadayo Somaliland. Waxa marag-ma-doon ah in raga iyo haweenka ku bahoobey mashruucaasi sida cadceedda u muuqdaan, durbaanka ay tumayaana la maqlayo.
Waxa marag-ma-doon ah in bulshada in badan wakhti siisay cod dheer kaga dareen celin doonaan waxa u muuqda. Waxa marag-ma-doona ah in xumaha muuqda samadoonku ka gacan sarrayn doono oo waayee, madax-dhaqamaeed, aqoonyahan, carruur iyo cid walba oo lexo-jeclo dhab ahi ka hayso Somaliland u caqli celin doonto ciddii ka maqlaysa, kii wax kale u cad yihiin la tusi doono taagta ama tamarta uu ku leeyahay bulsho ka soo daashey hayaayda.
Cidnaba magacaabi mayno laakiin waa is og yihiin cidda qarankan ku soo duushey ee uu ka dhaqaaqi la’ yahay. Qaranku hayaan iyo hammiha uu muddo dheer ku taamayey ayuu manta cagta saaray, xukuumadda jirtaana dhaxal la taaban karo iyo horumar muuqda ayay uga tegi doonta hoggaanka ka dambeeya. Waxa se muuqata in laga hinaasay, oo uu haatan soo baxay HORUMAR-XAASID aan ka gabbanayn indhaha wax-garatada, aqoonyahanka, hoggaamiye-dhaqmeedka, da’yarta qalinleyda ah iyo maxasta nabadda iyo horumarka ku naalooneysa ee Ilaahay ugu shukri naqda habeen iyo maalin.
Talada Ilaahay iyo aadanahiisu innagu og yihiin waxa weeye inaan qabyaalad, caaddifad, nin-jeclaysi, nin-nacayb, iwm…midna la taageerin, aayaha ummaddana cayaayir laga dhigan oo hummaag la geli wada jirkeeda. Waxa Ilaahey innagu og yahay inaan nin meel u socdaa waddankan sahay ka dhigan. Waxa Ilaahay innagu og yahay in aynu dhegeysanno oo raadreeb ka reebno hadallada turxaanta badan oo kumaankunka dhaafay, ee darandoorriga ah, ee habeen iyo maalin la qayraaminayo ee is burinaya ee haddana la leeyahay bulshadu yaanay xusuusan ee mid maalin la iskaga waabiyey  si aanu ahayn ha loogu tarjumo.
Waxa intaaba ka daran muwaadiniin aan dareemin hase yeeshee wax kasta oo qarankooda lagu waxyeelaynayo safka hore kaga jiro oo heer walba leh, haba u horraysa saxaafadda tabani e. Waxa aad arkaysaa weedhaha iyo baahinaha cadawga oo ay faafinayaan shabakadaha magaca Somaliland ku shaqaysta qaarkood. Cid kasta oo in yar baadhaa, oo caafimaad qabta wax badan ku qaadan mayso inuu arko, iyada oo aan loo tilmaamin.
Wanaagga ayaa xumaanta ka wanaagsan. Horumarkaa haydaarta ka wanaagsan. Wadajirka ayaa tafaraaruqa ka wanaagsan. Runta ayaa beenta ka wanaagsan. Nabadda ayaa colaadda ka wanaagsan. Maamulka ayaa maamul la’aanta ka wanaagsan. Danta ayaa dan la’aanta ka wanaagsan.  Qarankaaga oo aad adeegto ayaa ka wanaagsan cadow kugu makaafsada. Dhaqanka suubban ayaa ka dhadhan macaan suugaan-hunguri ujeeddo taban iyo dhiillo-beenaad xambaarsan.
Qarannimo qabyaalad ku doorsan mayno!
Cabdikariim M Cabdiraxmaan
Hargeysa, Somaliland
Every day is your birthday

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *