Guddoomiye Cirro fadhigii maanta uu Golaha Wakiillada Somaliland yeelan lahaa waxa uu ka doorbiday in uu ugu yeedho mudanayaasha Guddoonka Golaha Guurtida si ay ugaga hagoogtaan inaan mudanayaasha

Xisbiga Kulmiye u tusin awooddiisa dhabta ah ee Golaha.

Mudane Cirro se uma ekayn inuu maanta ku eerto Guurtida, isaga oo si badheedh ah hore ugu jebiyey shuruucdii u yaalley Baarlamaanka iyo Qaranka, isla mar ahaantaana dhawr jeer oo kale meel uigaga dhacay milgadii, isku-duubnaantii iyo kalsoonidii ummaddu ku qabtey Golaha sharci-dejinta oo ah GOLE.

Mudane Cirro shuruucda uu jebiyey ee uu si qaawan ugaga hawlgalay si uu uga dhigo Golaha shaadh isaga le’eg, oo sawir diktaatooriyad leh, waxa ka mid ahaa markii uu isku-shaandhayn buuxda (total reshuffle) ku sameeyey guddi-hoosaadyadii Golaha, isaga oo si cad isaga indho tiray, una baalmaray:

Xubnaha guddida layskuma shaandhayn karo sanadka u horeeya iyo ka u dambeeya ee muddada Golaha Wakiilada mana bannaana in xubnaha Guddi dhammaantood la wada beddelo mar keliya.(Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiillada, Qod. 18aad, Faqradda 5aad)

Guddoomiye  Cirro ma uu garaysan arrintaa. Markii Guddoomiye-xigeennadii dastuuriga ahaa ee sharcigu u banneeyey la-guddoominta af garan waayeen waxa ay u gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah (Constitutional Supreme Court). Arrintaa markii wax laga weydiiyey, waxa uu ku jawaabey “Maxaa Maxkamad ii keenay ma baloodhaa laga gar naqayaa”! Taas oo la macne ah in aanay jirin awood aan isaga ahayn oo dalkaba ka jirtaa. Waxa uu Guddoomiye Cirro garan kari waayey in dalku leeyahay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen oo haddii iyaga laftooda muran dastuuri ahi dhex maro loo gudbinayo Maxkamadda Sare si ay uga garnaqdo. Guddoomiye Cirro kama sarreeyo Madaxweynaha Qaranka, maxkamadda dalka u sarraysana kuma tilmaami karo mel baloodho dhul ah oo la isku haysto la awood ah oo ka garnaqda.

Mar labaad waxa Guddoomiye Cirro jebiyey qawaaniinta uu ilaalinteeda qayb libaax ku lahaa, isaga oo weli raadinaya cabbir u sax ah oo isaga ku sargooya awoodaha Guddoonka Baarlamaanka. Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 3aad, waxa ay u dhigantahay:

Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen. 

Shacbiga Somaliland ma og yahay meel qaranku kaga noqday Dastuurkii midaynayey?

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waa kan ummadda oo idil lagu hago. Waa kan siiyey Golaha uu guddoomiye Mudane Cirro sharciyadda uu ku dhisan yahay. Dastuurku waa kii ummadda reer Somaliland u codaysay 2003 ee ku ansixisay 97%. Ogoobey ma aha kii Xisbigiisa ama mid urur samafal oo uu ka mid yahay.

Su’aashu waxa weeye ayaa burin kara Dastuurka Jamhuuriyadda u yaal. Goorma ayaa wax-ka-beddel lagu samayn karaa? Dasruurku se ma noqon karaa xaashi iyada oo aan loo soo araran sidii la doono loo dhigi karo. Jawaabtu waa MAYA.

Waxa kale oo mar walba ummadda dhegahooda ka badatay in inta sharciga lagu tunto, kala dambaynta la wiiqo, aflagaaddo la bilaabo, erayada u xanafta badan ee u karaamada daran la adeegsado been-abuur iyo masabidaad lala gole-yimaaddo, haddana la is yidhaahdo ‘yaan lagaaga horrayn’ ee ku cabo intaad tidhi!

Guddoomiye Cirro waxa uu ilaabey in saami-qaybsiga Somaliland uu xal u arkay shirguddoonka saddexanka ah oo leh Guddoomiye iyo laba baal oo la guddoomiye, kuna kaaliya arrimaha qaranka.

Guddoomiye Cirro Golaha ha ku guddoomiyo sidii hore, hana ogaado in mudanayaasha goluhu ku yimaaddeen doorasho tiisa la mid ah.

Guddoomiye Cirro, with all due respect, u adkayso dhaqdhaqaaqa aad adigu bilawday cid kalena ha kula galgalan, adiga iyo mudanayaasha kula habaabayna ummadda ha ugu hanjabina wax Allaha weyni beri hore ka kor yeelay.

D. N. Jire

Hargeisa, Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *