Baryahan danbe waxaa aad usoo batay jaha wareer siyaasadaysan oo aad uga fog xaqiiqda , taasoo ku kalifta siyaasiyiinta iyo xubno damacleh, laakin ay ka khaldantahay

 

raadaalkii ay uraacilahaayeen helitaanka siyaasadeed.

Waxaa baryahan lagu mashquul yahay in lagu qabto shirar siyaasan maqaamka qadarinta leh ee sheekha baladka sheikh madar oo ah sheekha kulmiya dhexdana u ah dhamaan dagaanada soomaliland oo ku yaala xudunta iyo caasimada Somaliland oo taariikh sugan ku leh qaran nimada iyo daganaashaha magaalada hargaysa oo dhamaantood qadarin ku leh .

Waxaan aad uga xunahay oo aan rabnaa in marlabaad aanay dhicin in xaflad siyaasaysan oo qaawan lagu qabto maqaamka qadarinta leh ee sheikh madar waxaanan codsanaynaa in si degdeg ah loo saxo cidii sikhaldan ugu qabatay xaflad ama shir ka madnuuca taariikh ahaan maqaamka sheikh madar.

Maqaamku wuu ka baxsan yahay muusanaw qabiil iyo khilaafaad siyaasadeed oo beelaysan oo ay ka danbeeyaan siyaasiyiin fashilantay oo albaabku kasoo xidhmay oo ka quustay siyaasada in ay ku guulaystaan tartanka iyo doorashooyinka siyaasadeed ee Somaliland laga bilaabo 2015 .

Waxaa kale oo naf laga dayayaa xabaalaha dad dhintay boqolaal sano kahor oo larabo in lag dhigto food saar siyaasadeed , iyagoo ilawsan in waalidiintii aanu kasoo jeednay ay ubaahan yihiin duco iyo samafal laakiin ayna badalayn astaanta xisbiyada, shidaalna unoqonayn kaambaynka siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda.

Dalku wuxuu leeyahay saddex xisbi qaran oo ninkii damac siyaasadeed lihi uu ku biiri doono kuu doonaayo , una baahan in xisbigu noqdo mid uu leeyahay oo udhexeeya bahwaynta xisbiga , oo ay tahay in tartanka siyaasigu uu ufuran yahay cid kasta oo damac leh taasoo ay go aaminayaan murashaxnimada madaxtooyada  doorashooyinka 2015 shirwaynaha ama golaha dhexe ee xisbiga sida ka dhacday xisbiga ucid ama hadda loo diyaaryahay shirwaynaha golaha dhexe ee kulmiye

Wixii intaa ka baxsan hadii xisbigu uu u eekaado hanti uu leeyahay qof khaas ihi sidii shirkada uu leeyahay oo isaga loo shaqaynaayo , isaguna bixinaayo kharashka wuxuu u eekaanayaa sidii xisbigii xaaji baraako ee muqdisho ee isagu ka ahaa gudoomiye kana amar qaadanayeen cidii kale .

Waxaan rajaynaynaa in intaan lagaadhin tartanka murashaxiinta madaxtooyada 2015 lagu soo celiyo xisbi nimada arkaanta iyo rukumada uu leeyahay oo uu ahaado xisbi ku tartama dhexdiisa sida xisbiga kulmiye oo ay kamuuqato tartan dimuqraadiya oo ay xaqiiqtahay in dhawaan uu ku dhamaandoono isku tanaasul ,is cafis laguna dhawaaqidoono murashaha xisbiga kulmiye ee doorashooyinka 2015 uga qayb galidoona yadoo lasaxay meeshana laga saaray wax kasta oo khilaafaada , taasoo dadwaynuhu ay muujiyeen in ay diyaar uyihiin in ay mar labaad doortaan madaxwaynahooga  axmed maxamed maxamuud silaanyo oo ay ugarteen in uu muto in marlabaad loogu celiyo.

Waxa haboon gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah inay gartaan inay taagan yihiin garoon furan oo dadwayne, waxna ka doonayaan dadwaynaha, dadkuna ay u qaybsan yihiin cid taageersan, cid diidan iyo cid dhexdhexaad ah, markaas wax kasta oo la kulma ama lagu yidhaahdo waa inay dulqaad u leeyihiin ( waxa la yidhaahdaa nin durbaan tuntay cilaaq dalbay ) markaas maaha in gudoomiyuhu uu isagu ka jawaabo wax kasta oo lagu yidhaahdo waxaana haboon inay ka tilmaan qaataan dulqaadka madaxwaynaha siilaanyo oo waxkasta lagu yidhi aan ka jawaabin.

Ugu dabnbayntii waxaan ugu yeedhaynaa xisbiyada mucaaradka iyo cid kasta oo kale in laga dhex dagaalamo marka hore xisbiga dhexdiisa oo murashax uu noqdo mid xisbigu soo saaro, marna is qaban maayaan kurka ka xisbi hoostana ka qabiil mana wada socon karto siyaasad ahaan, waxa kale oo aan ugu yeedhaynaa qoloda xabaalaha waalidiinta ka dhiganaaya astaan kaambayn in qabyaaladu ay san lahayn meel ay ku dhamaato, ninka doorasho rabaana xisbiga dhulka ha dhigo hana ogolaado tartan sida xisbiga kulmiye ama ha loo doorto sida murasha ucid.
Xasan suudi xirsi
Siyaasi madaxbanaan oo ruug cadaa ah.
Bashkail30@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *