Soomaalidu waxay ku maah maahdaa rag cadaalad waayay sidii cawsha

kala yaac.dadweynaha sharafta leh waxaa waajib ku ah inay ka hadlaan

cadaalada oo ay tilmaamaan cadaalad darada sidaa awgeed akhristayaal

waxay cadaaaldadii somaliland maanta gaadhay in dadka la iska xidh

xidho maxkamad la’aan oo sida xoolaha loo xidho taasina waxay ka hor

imanaysaa dastuurka somaliland oo dhigaya in aan qofna 24 sacadood

gudahood iska xidhnaan kari maxkamad la’aan, hadaba maanta markay

xukuumada siilaanyo jabisay dastuurkii oo dadkii iska xidhnaadaan

maxkamada la’aan oo soomaalidu waxay tidhaahdaa meyd kee ugu danbeeyey

iyo kaa la siisido , aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa haatan mudo

bil iyo badh ah maxkamad la’aan ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada

hargeysa iyadoo mudadaasi uu xidhnaan aan la hor keenin wax maxkamad

ah.

hadaba markay arintaa halkaasi marayso akhriste maxaad u malaynaysaa

cadaaladii somaliland iyo dastuurkii dhigayay in aan qofku iska

xidhnaan kari 24 maxkamad la’aan miyaan xukuumada siilaanyo sharcigii

iyo datuurkii dalka nu yaalay ku tuman oo hadba sida ay doonto kama

yeelayso?

waxa kale oo nasiib daro ah in ay xadhiga aqoon yahan jaamac cilmi

jiir ka gaabiyeen hayadihii xuquuqal iinsaanka ee somaliland oo aan

ilaa hadal si wanaagsan uga hadal xadhiga xaqdarada ah ee loo geystay

aqoon yahan jaamac cilmi  jiir oo mudo bil iyo badh ah maxkamad la’aan

ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa.

ugu danbeytii waxaan u soo jeedinayaa golaha wada tashiga iyo toosinta

qaranka,xisbiyada mucaaradka ah,madax dhaqmeedyada,siyaasiyiinta,aqoon

yahanka,dhalinyarada ,haweenka iyo guud ahaan shacabka reer somaliland

inay si wada jir ah arimahan oo kale uga hadlaan waayo hadii aan

arintan foosha xun leh laga aamuso qofkasta wey ku dhici kartaa oo

cadaalad daro ayaa lagu xidhi karaa markaa madaama oo xukuumadii

siilaanyo xadhkihii iyo dabarkiiba goosatay waa in lagu soo dabaalaa

xayndaabka dastuurka somaliland oo ah han umada somaliland wada

leedahay ee dhexda ah isla markaana waa in xukuumada lagu khasbaa inay

ku dhaqanto dastuurka dalka u yaala.

Qalinkii Cabdi Casiis Basiir Nuur

Email;c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *