tiradooda ku sheegay in ay ka badan yihiin Konton Isbaarooyin jidgooyo ah oo ay ku baadhtaan dadka kooxo isugu jira kuwo aan Ciidan ahayn, balse ku lebbisan dirayska Ciidanka iyo Ciidanka dawlada ku meelgaadhka ah ka tirsan, waxayna jidgooyooyinkaa dadka iyo gaadiidka lagu baadhto u dhigteen si ay dhaqaalle uga helaan.
Saaxiibkay Xasan oo ila daawanayay waxa uu yidhi, “waxa suurtagal ah inta uu gudoomiyaha Marka sheegay in ay ka badan yihiin Isbaarooyinku, sababtoo ah waxa uu inoo sheegay Muqdisho ilaa Marka oo keliya Konton Jidgooyo, maxaad u malaynay muqdisho gudaheeda iyo meelaha kalena.”, wxuu raaciyay Al-xamdu lilaal Illaahay ayaa mahad leh Somaliland waxaasu kama jiraan.
Saaxiibkay Xasan waxan weydiiyay su’aal ahayd wax runtaa Illaahay mahaddii Somaliland waxaa Isbaarooyin waweeriyay Somalia kama jiraan. Laakiin miyaad oggtahay Isbaaro keliya ayaa Somaliland ka jirtee ? maya ayuu iigu jawaabay inta uu yaaabay saaxiibkay Xasan, wuxuuna raaciyay oo ku cel celiyay isagoo la yaabay malaha ujeedadayda ii sheeg halkay taallaa? Maxaa loo eeganayaa.! Maxay dawladu wax uga qabanweyday!, maxay dadku uga hadli waayeen ? su’aalahaa iyo kuwo kale oo badan ayuu igu boobay isagoo aan jawaaba iga sugin.
Waxaan u sheegay inuu is dejiyo oo si fiican ii dhegeysto si aan u fahamsiiyo Isbaarada ama jidgooyada keliya eek a jirta Somaliland halka ay taallo.
Xasanow Saaxiib aan kuu sheegee 31 May 2001 ayaa shacbiga Somaliland laga qaaday Afti Distoor, waxayna ku meel mariyeen 97% oo ku oggolaadeen Aftidaa Disoorka. Kadibna sanadkii 2002, waxay u dareereen doorashadii ugu horaysay ee hal qof hal cod ( One Man One Vote), halkaas oo ay kusoo xusheen sadex xisbi qaran iyo weliba golayaal deegaan oo shaqada haynaya muddo cayiman oo shan sanadood ah si wacan oo quruxbadan ayay u dhaceen doorashooyinkaasi, waxayna la mid ahaayeen oo ay qireen goob-joogayaashii ka socday beesha caalamku in ahaayeen kuwo u dhacay sida kuwa dunida hore u martay, kuwaas oo Somaliland ku mutaysatay amaan , waxay balantu ahayd marka ay dhamaato shantaa sanadood in ay xildhibaanadu ku noqdaan dadkii soo doortay si loo qiimeeyo oo dadku ku abaalmariyaan kii kasoo baxay waajibkiisa in dib loo doorto kii dayacay masuuliyada iyo waajibka loo doortayna daaqada looga saaro oo aan laysku huursanaan.
Golaha Guurtida ayaa markaa wixii ka danbeeyay dhigtay Isbaaro la yidhaahdo Muddo kordhin, taas oo ay dhex-dhigeen golayaasha iyo shacabkii soo doortay, waana halkaa halka Isbaaradii u horaysay la dhigay Somaliland.
Mar kale ayaa la dhigay Isbaarada ladhigay markii Madaxweyne Daahir Rayaale la doortay shan sanood 2003, balse markii mudadii sharciga ahayd ka dhamaatay waxaa loo sameeyay Mudda kordhin soo noq-noqotay oo gaadhay heer ay galaafan gaadho nabadgelyada iyo nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo sidoo kale nidaamka geedi socodka dumuqdaariyada ee Somaliland kusoo jirtay muddada dheer, waxayna ahayd markii u horaysay ee ay dawlado shisheeye soo farageliyaan nidaamka Somaliland kusoo dhaqmaysay ee dunidu ka yaabanayd, taas oo sababtay in ay ugu danbayntii heshiish ka kooban Lix qodob ku dhameeyaan arrintaa iyo khilaafka ka dhashay ee sida weyn u gil-gilay Somaliland.
Mar kale ayaa Gollaha guurtidu shacbiga hordhiteen Isbaaradii lagu xayirayay nidaamka geedi-socodka dumuqraadiyada, waxayna 2005 markii uu dhamaaday muddadii shanta sanadood ahayd 2010, waxay golaha guurtidu dhex-dhigeen Isbaaradii xildhibaanada iyo shacbigii soo doortay, iyagoo ay dabada ka riixayso dawladii xukunka qabatay oo ah Ha’yaddii fulinta ee ma fahamtay saaxiibkay Xasanow jidgooyada taala Somaliland ee golaha guurtidu ugu addeego xukuumadda tallada qabata sow markaa ma odhan karo waa Hooyadda Isbaarada.
Luqada dumuqraadiyada kuma jirto muddo kordhin, distoorta Somaliland-na kuma jirto muddo kordhin, waxa keliya oomuddo kordhin la samayn karaa Illaahay inagamu keenee marka xiliggii doorashooyinka ay dhacan masiibooyin iyo aafooyin, balse iyadoo aan waxaas oo dhibaatooyin ah dhicin ayaa la sameeyaa muddo kordhin, waana sharcidaro, waxaad moodaa in lasamaystay sharci cusub oo odhanaya Madaxweynaha iyo Guurtida mar keliya halasoo doorto, wixii markaa ka danbeeyana waa muddo kordhin ee waxaa talinaya Madaxweynahaa la soo doortay.
Bal u fiirso waxa sharcidarada jidgooyada duquqraadiyada ee mudda kordhinta sameeyaa waa golaha guurtida ee bulshada laga soo xulay shir beeleedkii 1993 lagu qabtay Boorama, waxa laga joogaa 21 sanadood, kuwaas oo badankoodu ahaa Odayaal miisaan culus ku lahaa Somaliland, balse waxa nasbiibdaro ah markii ay meesha ka baxeen Odayaashii waxa kuraastii buuxiyay dad ku yimi dhaxal oo u badan dhalinyaro ay dhaleen Odayaashaa, ama qoysaskodu keeneen, waxayna calaamtu su’aal saarantahay sharciyada golahaa guurtida ee Isbaarada 21 jirsatay dhigtay Somaliland.
Waa arrin u baahan in wax laga qabto oo laga doodo sidii Isbaaradaa ummada looga qaadi lahaa, waxaan maqlay sadexda xisbi ayaa shir kaga wadahadlaya sidii doorashooyin u dhici lahaayeen waqtigooda, shirkaa ama kulankaa haddaan qodobada dooda lagu soo darin Isbaarada guurtida ee 21 jirsatay ee meesha ka saartay nidaamkii dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland waxba kale yaan laga hadlin mar haddii aan lagu soo qaadayn shirkaa halka sartu ka qudhuntay ee jidgooyada shacbiga hortaalay 21 sanadood.
Gebagebadii waxaan leeyahay haddii aan Somaliland laga qaadin Isbaarada, ama jidgooyada shacbiga hirtaalay 21 –ka sanadood wadnaha ayaan farta ku hayaa.
Prof: Cabdi Xuseen Maraykan(FLOSY).