Araweelonews CarraaleHargeysa(ANN)Xaflad ballaadhan oo lagu daah-furay buug cusub oo si qoto dheer uga warramaya taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed oo ay 70%, ku abtirsadaan bulshada Somaliland ayaa habeennimadii Jimcihu soo gelayey lagu qabtay huteelka

 

Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladda wanqalka buuggan oo uu soo qabanqaabiyey wargeyska madaxbannaan ee Jamhuuriya oo hore u daabacay buuggaas oo loogu magac-daray ‘Dheemantii Lagu Maamusay Maydh’, isla markaana uu qoray Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, waxa ka qaygbalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Maareeyaha Guud ee Jamhuuriya Media Group (JMG) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil iyo mart-sharaf kale oo tiro badan.

Maareeyaha Guud ee JMG Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Jamhuuriya hore buuggan oo dhammaystiran si taxane ah u daabacay, isagoo tilmaamay in buuggaasi xambaarsan yahay xogo aad u muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii Sheekh Isaxaaq Binu Axmed oo hadda ka hor la daah-furin, waxaannu u mahad-celiyey qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.

Waxa kaloo Maareeyuhu uu guud ahaan bulshooyinka ku abtirsada Sheekh Isaxaaq ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan xogaha buuggani xambaarsan yahay si ay wax uga bartaan isirkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim oo ka mid ah xerta Sheekh Daahir, isla markaana aqoon fiican u leh taariikhda Sheekh Xaaji ayaa isagu si qooto dheer uga sheekeeyey maraaxisha ay soo martay sooyaalka Sheekh Isxaaq, isagoo aakhirkiina da’ yartii iyo masuuliyiintii madasha timi ku dhiirigeliyey inay si fiican u dhugtaan taariikh dhacdooyinka iyo taariikhda uu buuggan xambaarsan yahay.

Xogyaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa akhristayaashii sida joogtada ah ula socday qormooyinkii bugga ee sida joogtada ugu soo bixi jiray wargeyska Jamhuuriya, kaasoo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii xiiso geliyey ee uu buuggu xambaarsana, isla markaana ku amaanay qoraaga inuu dadkiisa u soo gudbiyey wax dhaxal gal u noqda oo laga faa’iidaysan doono.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isagu tilmaamay inuu hore ugu tallo jiray in uu aasaaso mac-had lagu barto culuumta diinta oo laga aasaaso halka uu ku asana si wax loogu baro da’yarta soo koraysa, isagoo u soo jeediyey dhammaan dadkii buuggan ka qaybqaatay hirgelintiisa inay arrintaasna ka shaqeeyaan si shacabka loogu faa’iideeyo, laguna baro diinta iyo taariikhdooda.

Ugu dambayntii qoraa Maxamed Cabdi Daa’uud oo isagu qoray buggaag badan, qaar kalena turjumay ayaa dadka halkaas uga akhriyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee buuggiisan xambaarsan yahay, isagoo waliba si qoto dheer u taabtay dhacdooyin tabanaayey dhibaatooyinka taarikheed ee uu soo maray Xaaji Isxaaq.

Dadweynihii halkaas ka qaybqaatay ayaa iyagu su’aalo ka weydiiyey qoraaga buuggisan, isagoo uga jawaabay si waafi ah oo ay ku qanceen.
Waxaana halkaas lagu iibsaday buuggaagtii ugu horraysay ee laga daabacay buuggan, kuwaasoo dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad uga heleen waxyaabaha uu xambaarsan yahay buuggani.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *