Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:”Times New Roman”; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;}

Laascaanood(ANN)Xafladan oo ahayd mid lagu daah furayey adeega 3G ee ay shirka isgaadhsiinta Somtel soo kordhisay ayaa waxay ka dhacday hoolka jaamacada nugaal ee magaalada laascaanood, iyadoo ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socota shirkada

somtel, Madaxda gobolka sool, Waxgarad, Culumaa’udiin, Ururada Bulshada, Saxaafada iyo Dadweyne aad u tira badan.
Xafladani ayaa waxaa daah furay Faysal Jaamac Siciid oo kamida suxufiyiinta gobolka sool, isagoo ka war bixiyey adeega cusub ee shirkada somtel ay soo bandhigtay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkada somtel.
Sidoo kale waxaa xafladaasi wacdi diiniya kasoo jeediyey Siciid Axmed Cadar oo kamida culuma awdiinta magaalada laascaanood, isagoona ku qoto dheeraaday is bad badalka Technologyada casrigaa iyo faa’iidada uu uleedahay bulshada.
Waxaa isna xafladaasi ka hadlay Maamulaha shirkada somtel ee magaalada laascaanood Faarax Cali Maxamed oo faah faahin dheerada ka bixiyey adeegyada ay bixiso shirkada isgaadh siinta ee somtel, isagoona sheegay in ay shirkadu wax ka qaban doonta baahiyaha gobolka sool.
Madaxa xidhiidhka gobolada Aadan Cabdilaahi Cabdale oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuux saday horumarka balaadhan ee ay ku talaaba satay shirkada somtel, isagoona wax ka xusay in ay shirkadu wax qabad muuqda ka gaysato gobolada dalka, isla mar ahaan taana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay balaadhiyaan shirkada somtel.
Madaxa xidhiidh dadweynaha Cabdinaasir oo isagu xaflada daah furka adeega 3G hadalo kooban kasoo jeediyey ayaa sheegay in shirkada somtel ay tahay mid qiima jaban iyo adeegyo taya leh lagu yaqaan, mar walbana ay diyaar u tahay kor uqaadista iyo tayeynta adeeg yada looga rabtay. Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadashay Sam Sam Maxamed oo ku hadlay say afka ururada bulshada, iyadoona u mahad celisay maamulka shirkada somtel kuna dar daaran tahay in haweenka laga qayb galiyo shaqaalayaasha ka hawl gala shirkada.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdiqani Cali Dhuux oo ah maamulaha dugsiga Iqra kuna amaanay shirkada somtel doorka muhiim kaa ee ay ka qaadatay adeegyada bulshada, isagoona kula dar daarmay dhalinyaradii kasoo qayb gashay xafladaasi in ay si khaldan u isticmaalin adeega 3G.
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada nugaal Cabdinaasir Maxamed Barre (Abu shaybe) oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa maamulka shirkada somtel ka cod saday in jaamacada nugaal ay keenaan adeega 3G oo dhamays tiran si ay ugu fududaato macalimiinta shaqadu.
Dhanka wax garadka oo isna u hadlay oday Cabdilaahi Xasan yare (ileeye) oo ka hadlay xaflada daah furka adeega 3G ayaa kula dar daar may maamulka shirkada somtel in ay wax weyn ka qabtaan baahiyada kala duwan ee ka jira gobolka.
Xafladani ayaa waxaa soo gaba gabeeyey Maayarka magaalada laascaanood Kayse Maxamuud X. Xuseen oo ka waramay xaalada deegaanka, isagoona ku aamanay shirkada somtel mudada yar ee ay jirtay iyo wax qabad keeda, isagoona sheegay in looga baahan yahay in ay dadaalkeeda sii wado si loo gaadho guul ayuu yidhi Maayarka Laascaanood.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *