Yusuf Indhacade oo ah nin boqol shaadh oo boqol jeebleh sita ayaa ayadoo dadku markii hore kayaabanaayeen sidii uu maxaakiimtii jeebka ugu shubtay unna burburshay.  kadib markii uu iclaamiyey Jihaad been ah oo ujeedadiisu ahayd in

gooni laysugu sooco inta gaarka loo raadinayo lagana dhigo isu unug , meel qudha laysugu keeno, lagana dagaal gasho , taas oo uu wakhtigaa markuu isu dubariday uu si yar uga dhexbaxay oo ugu dhoofay dalka Sucuudi Arabia.

Dhacdooyinkiisa dhaqaale urrursi waa badan yihiin,  laakiin waxii hore oo dhan waxaa ugu cajiibsanaatay tan imika uu ku lacag qaatay,  taasoo dhacday markay isu dhaceen kooxaha dhib alooga wada ee al-shabaab.  kadib markii Daahir Aways ka firxaday, isagoo marka horeba Maraykanku raadinayey , blasé uu dillaalistiina Yuusuf Indha Cade ku guulaystey maadaama oo arrimo hore ay jireen oo uu kusoo guulaystey .

Soo sasabidii Aweys wakhtigey doonto ha qaadatee, markii madaarka laga soo dajay ayaa Indha Cade, Odoyaashii iyo Aweysba lagu billaabay garaac si loo argagax galiyo. Su”aashu waxay tahay, why? Dawladu maaha mid caqli yar, waa mid isu dayaysa siday usoo xero galin lahayd qaybaha kale ee maqan, waa mid garan karta khasaaraha ka imankara Odayaal ergo ah oo la hadimeeyey? Sideyse u dhacday ayaa meesha taal.???

Indha Cade waa dillaal wax ku qaatay soo xero galita Aweys ee ka baxsan gacanta dawlada, islamarkaana Odayaashu waxba kalamaynay socon qorshayaasiisa gaarka ugu qarsoonaa,  taas oo uu qorshuhu ahaa in Indha Cade nawada garaaca yidhi, si aan qoyska Aweys aanay  Indha Cade wax eedeyn iyo hadimo ugu keenin marka ay Aweys lala kaco ee lala haado, kadibna uu isagu u hadlo sidii nin la khiyaeeyey oo tolkii iyo Aweys cidiisii u ogaadaan arrinka meesha ka dhacay inuu ahaa dulmi lagu sameeyey Indha Cade oo Aweysba arrinku ka gudbo.

By, Saeed Issa Eleyeh  Sociologist.

saeed_isma@live.co.uk

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *