Maxay Madaxweyne Siilaanyo taariikhdu ka qori doontaa?

 

U.S. Secretary of State Hillary Clinton iyadoo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay arimaha Somaliland, waxay tidhi “Waddankaygu waa 50 State oo hadana hal dawlad leh, markaa arrintaasi waxay u taalaa Somaalida”.

Shirkii London ee Somalida Maxay Somaliland kala kulantay, Maxaase Madaxweyne Siilaanyo taariikhdu ka qori doontaa? Somaliland miyay tahay wax la xadi karo ama si yar loo duudsiyi karo jiritaankeeda?

Taariikhdu waxay markhaati ka tahay maanta in Madaxweyne Siilaanyo oo la tashanaya bulshaweynta reer Somaliland ee horumarka jecel uu daah furay jeexayna dariiq cad oo aan muran iyo shaki lahayn oo Somaliland u marayso masiirkeeda. Waxuu markii ugu horaysay taariikhda 21 kii sano ee Somaliland jirtay ka dhexdhawaaqay meel ay isugu yimaadeen in ka badan 50 dawladood oo dunida ah, islamarkaana waxa dhawaaqaa laga dhegeysanayay ama laga daawanayay caalamka dhamaantii. Waan hubaa qaar badan oo siyaasadda aqoonteeda iyo ka saadilinteeda wax iskaga tirinayay inay farta dhexda ka qaniinsan yahiin oo ay xaaladdu noqotay “Alla Fullow Guuli kuu dhawaydaa”.

Sidaynnu wada ognahay dad badan oo cadawga Somaliland ah ayaa qabay in Somaliland si khasaba loogu jujuubi doono la midowga Somaaliya, arrintaasina beesha caalamku way ka badheedhay, waxayna si aan kala leexasho lahayn u shegeen in wadahadalka mustaqbalka ee labada Waddan “Somaaliland iyo Somaaliya” ay u taal ummadda Somaliyeed. Tusaale ahaan U.S. Secretary of State Hillary Clinton iyadoo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay arimaha Somaliland, waxay tidhi “Waddankayga waa 50 State oo hadana hal dawlad leh, markaa arrintaasi waxay u taala Somaalida”.

Dimoqraadiyadda iyo xuquuqda qofka bani aadamka ahi gaarka u leeyahay ayay ka mid tahay in qofku ra’yigiisa xor u noqdo awoodna u yesho inuu aqoontiisa cabiri karo, mana haboona in laysdirqiyo ama qofka qasab lagaga dhigo inuu kula aragti noqdo, waase lama huraan inaynaan ilaawin formula dii ama dariiqadii ahayd (Majority Rules) Inta badan ayaa talada leh.

Taa waxan u leeyahay waxa hubaal ah in tarjumadda iyo fahanka laga bixin karo shirkii 23/2/2012 ka dhacay London ee loo qabtay Somalida ay noqon karto mid aad u badan oo macnayaal kala duwan bixin karaysa siyaabo kala duwanna loo fami karo waxase aan la illawi Karin inuu Somaliland iyo waftigii Madaxweynahaba ula soo hoyday guul iyo waxan taariikhdu illabi doonin.

Marka aad ugu yaraan dhegaysato xamaasadda suuqa Magaalada Hargeysa, iyo kuwa dadka meelaha kale ku nool ee Talefanada kugulasoo hadlaya, waxad fahmaysaa in dadku aanay isku aragtina ka wada ahayn sina wax uga wada fahmin shirkii ka dhacay magalada London.

Madaxweynaha Somaliland mudan Siilaanyo waxa uu suurta galiyay in Somaliland shirkan ka heshay cod iyo muqaal caalamiya, Waftiga reer Somaliland iyo dhawaaqa codkoodana ay markii ugu horeysay maqleen dawlado badan oo aan hore nasiib ugu helin iyadoo waliba Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo khubad tariikhiya ka jeediyay madashii shirka markii kasoo qaybgalayaasha la siiyay hadalka qaybtoodii isaga si cad uga tala bxiyay Xalka Somaliya hoostana ka xariiqay in aqoonsiga Somaliland qayb muhiim ah ka yahay xalka mushkiladda haysata Somalia.

Haddana Dad ka qaar kood ayaa munaasabadda iyo Banaanbaxii inkabadan 100,000 oo qof oo dadka reer Somaliland ahi ay ka hor dhigeen Xarunta Barlamaka dalka Ingriiska maalin ka hor shirka iyo lakulankii madaxweynaheennu uu sida gooni goonida aha ula kulmay hogaamiyayaasha addunka qaar ka mid ah, waxay ka door bidayeen shan daqiiqo oo madaxweyne Siilaanyo Madasha hadal kooban ka yidhaahdo (5 minute speech), qaarkoodna shirka iyo tagistiisaba waxay ku tilmaameen Hungow, halka qaar kalana ay ba firka_naxsanaayeen oo ay islahaayeen waa la idin khayaameeyay oo si jujuub ah ayaa Somaliland loogu darayaa Somaliya. Ha ilaabine dhinaca Somaaliyaba dad baa qabay in shirka lagu aqoonsanayo Somaliland, Somalida kalena la gumaysan doono.

Aniga oo ka garaabaya fikiradahan kala duwan saaxiibadayda Culimada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiintaba leh ee sidaa wax urkayayna ujeedinya inay xaq u leeyahiin inay feejignaadaan ama ay xaq u leeyahiin inay sidan si ka duwan wax u eegaan haddana waxan xaqiiqa ah oo aan la iska indha tiri Karin oo aan si xooggan u muujinayaa in go’aanka shirka laga qayb galay uu ahaa mid geesinimo leh, waxa halkaa inooga soo baxayna ay tahay wax taariikhi ah oo aad iyo aad u qiima badan, saamayntooda aynnu arki doonno maamaha dhow, hadday tahay mid dhaqaale, nabad galyo iyo xidhiidh caalami ah intaba, waxaynnu arki doonaa maalin dhaw shirkado reer Yurub ah oo u tartamaya maalgashiga dalkeenna. Waxay albaabka u ufurtay in dalka la inoo dhiso oo horumarkiisa la inagala qayb qaato waayo waxa meesha ka baxay shakigii ahaa in Somaliland sanuuq isku xidhay diyaarna aanay u ahayn inay aqoonsigeeda wadahadal ku doonto.

Shirkan tegostiisa waxa sabab u ah laguna gaadhay geesinimada, hamrashala’aanta iyo uguntashada (dedication) ka Madaxweyne Siilaanyo taas oo ku timi daacadnimada, daljacaylka iyo u diyaar ahaanta hagaajinta mustaqbalka iyo dhaxalka taariikheed ee ummaddiisa. Waa arin mudan in la caddeyo inuu mutaystay billad geesi uu Siilaanyo ku qaatay inuu ku dhiiraday maanta oo muujiyay Somaliland inaysan ahayn toy caruureed la xadayo (waxa caruurtu ku ciyaarto), nacas la khiyaamayn karo iyo ummad xaqooda la duudsiyi karo midna.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu suura galiyay TAARIIKHDANA KU QORAY markii ugu horraysay in Somaliland shirkani u noqdo midkii ugu caalamisanaa ee ay ka qaybgasho 21 kii sano ee ay xorta ahayd, ku darsoo aan qayb ka ahayn kooxaha Somaaliya. Waxa markii ugu horaysay taariikhda galay in Somaliland shirkan xushmad gaara iyo qadarin adduunweynuhu siiyo isla markaana goobtii shirku ka socday laga mujiyo miisaanka waftiga Somaliland leeyihiin lana fadhiisiyay goob ka gaara Waftiyada Somaalida, Si dawladnimona loola dhaqmay.

Waxa kale oo aan indhaha laga qarsan Karin taariikhdana markii ugu horaysay gashay muqaddas nimada midnimada Somaliland iyo xudeedaheeda oo beesha caalamku si aan gabasho lahayn u cadeyeen in waddanka Somaliland mid yahay, loona yaqaan dhulka Somaliland, waxii Somaliland khuseeyana ay Somaliland Dawaladdeeda kala xidhiidhi doonaan. Sidoo kale waxa meel la iska dhigay oo toos loo siinayaa waxii mucaawima ah ee lasiinayo Somaliland oo markii hore si sharci darro ah loo maamuli jiray, waxa kale oo laysla qaatay in Somaliland horumarka laga caawiyo lagana saaro derejada xaaladda deg-deg ah ee deeqdeedu xadidantahay

Si kastaba ha ahaate gabagabadii haddan ka jawaabno labadan suaalood, Somaliland shirkan ma waxbaa ugu kordhay mise waxbaa kaga dhacay iyo Madaxweyne Siilaanyo Taariikhda maxaa u galay kadib ka qayb galkii shirkan?. Waa markhaati ma doon in Shirkaa Somaliland wax weyni ugasoo kordheen, tan labaad Aniga oo aan faaninayn Siilanyo xaqa uu uleeyahay in la aqoonsado wax qabadkiisana duudsiyayn, Ilaahay magane: waa kaga dhawaajiyay inuu mar labaad, saddexaad iyo ka badannba isku qoray buugga taariikhda Somaliland kuna suntan yahay geesi danaynaya oo u guntaday inuu ka midha dhaliyo xaqiiqada xornimada, aqoonsiga, nabad galyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

Eng. Axmed Cali Ubaxle

Hargeysa, Somaliland

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *