Hargeysa(ANN)Gudoomiyihii Gudida Wanaagfarista iyo Xumaan reebista Marxuum Xaaji Ibraahim Cabdullaahi (Xaaji Dool), ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa. Kadib markii uu geeriyooday shalay Marxuumku.Waxaana aaska marxuumka
ka qaybgalay Masuuliyinta ka socotay Xukuumadda Somaliland, Golayaasha guurtida iyo wakiilada, Axsaabta qaranka, Culim-udiin iyo boqolaal qof oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa.  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi “Cirro ayaa sheegay inuu Marxuumku ahaa qof wanaagsan  oo isku xidha bulshadiisa, isla markaana wakhtigiisa u hibeeyay kor u qaadka diinta islaamka waxaanu eebe uga baryay inuu naxariistiisa jano ugu deeqo qoyskii,eheladii iyo ummada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka tilmaamay aqoontii uu u lahaa marxuunka waxaanu xusay inuu ahaa qof u go’ay cibaadada eebe iyo sidii uu bulshadiisa u tusi lahaa wanaaga diinta.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C/laahi Axmed ayaa sheegay in alle ha u naxariistee Marxuun Xaaji Ibraahin C/laahi “Xaaji Dool” uu ahaa aasaasihii Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo ay ka dhaxaysay wada shaqayn fiican waxaanu intaas ku daray in marxuunku hawsha uu hayay uu ilaahay ka baryayo in bedel khayr qaba uu halkiisii inoo galo isagana naxariistiisa jano ugu deeqo .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh.Aadan Xaaji Maxamud “Aadan Siiro” oo ka waramay inay geeridu tahay xaq hasa yeeshee la inooga baahan yahay inaynu ku cibro qaadano .
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray ALLE ha u naxariistee Gddooomiyihii Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Marxuum-Cabdillaahi ibraahim Xaaji Dool.
Dhambaalka tacsida ee Madaxweynuhu wuxuu u qornaa  sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Culimada Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Guddida Wanaag farista iyo Xumaan-ka reebida MARXUUM XAAJI CABDILAAHI IBRAAHIN (XAAJI DOOL) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 18/01/2012.
MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Culimada waa weyn ee Dalka, bulshada dhexdeedana xurmo iyo tixgelin badan ku lahaa.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Culimada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Sidoo kale  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  wuxuu dhambaal tacsi ah oo la mid ah  u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum-Cismaan Daahir Caabi, oo ahaa Injineerkii Idaacada Radio Hargeysa oo shalay ku geeriyooday dalka Djibouti oo hawlo caafimaad loo geeyay, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa MARXUUM, ENG. CISMAAN DAAHIR CAABBI oo ka mid ahaa Rukumadii wasaaradda warfaafinta, oo shalay ku geeriyooday dalka Djibouti.
Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu illaahay uga baryayaa, inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo MARXUUM CISMAAN DAAHIR CAABBI, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Saxaafada, wasaaradda warfaafinta ee uu mudada dheer ka midka ahaa Farsamayaqaanadii Hormoodka u ahaa Idaacada Radio Hargeysa, iyo Guud ahaan shacbiga reer somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *