http://www.somaliland.org/images/b/2014/03/IMG_01942.jpgHargeysa(Arraweelo News)Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris) ayaa ugu baaqday Haweenka Somaliland in ay ka qaybqaataan dib u dhiska dalka,

gaar ahaan wadooyinka, waxayna tilmaantay in haweenka Somaliland door muhiim ah kaga jiraan bulshada dhinac kasta, iyadoo  xustay in haweenka xilalka hayaa ay yihiin kuwa ku haboon xilka ay qaranka u hayaan.

Marwo Aamina-weris waxay sidaasi ku sheegtay khudbad ay ka jeedisay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta haweenka Adduunka ee 8-da March oo habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa. Waxaanay sharaxaad dheer ka bixisay kaalinta haweenka ee munaasibaddan, waxaanay tidhi “Dumarka reer Somaliland heer kasta oo xorriyadeenu ay soo martay hormood ayay ka ahaayeen hadday tahay halgankii dalkeena dib aynu ugu soo ceshanaynay, hadday tahay halganka horumarka ee imika aynu ku jirno dhawr iyo labaatanka sanno ee dalkeena aynu dhisaynay haweenku halka ay kasoo mareen iyo waxay ka qabteen waa lama ilaawaan.” ayay tidhi, waxaanay intaas ku dartay in haweenku laf-dhabar u yihiin xukuumadda wasaaraddo muhiimana ay ka hayaan, isla markaana wasiirrada ugu firfircoon ka mid yihiin, “Dawladda maanta jirta haweenku waa u laf-dhabar wasaaraddaha ay hayaan may ahayn xilal lagula kufay ee si qorsheysan ayaa loogu dooray, hadday tahay waxbarashada, deegaanka, caafimaadka iyo shaqada iyo arrimaha bulshada waxa la garowsaday oo aan idiinku bushaaraynayaa inay yihiin wasiirrada ugu firfircoon.”

Marwada koowaad Somaliland Aamina Sh. Maxamed Jirde sidoo kale waxay ka hadashay kuraasta kootada ah ee haweenku ay ka doonayaan golaha baarlamaaka. “Arrinta kootada ah ee had iyo jeer laga hadlo runtu siday tahay maaha arrin baryootan ah oo aynu leenahay dumarku way jilicsan yihiin oo wax ma goosan karaan oo waxba ma qabsan karaan ee raggayagiiyow waanu idiin baryaynaaye noo arxama, arrintu waxa weeye waxaan la yidhaahdo (Positive Discrimination) oo macnaheedu yahay had iyo jeer bulshadu way kala gaabisaa markaa inta gaabisay sababo daraadood dib ugu yara dhacdaa, waana in kor loo soo qaado, maxay haddaba dumarku dib ugu dhaceen xaga siyaasadda? Sababtu waxay tahay ragga kama liitaan, kama caqli yara, waa laga yaabaa in haddii ay lagda maaan ay ka xoog yar yihiin, laakiin wax kale oo ay kaga liitaan ma jirtee bulshadeena caadooyinkeeda ayaa dumarka ragga ka dambaysiiya, madiidanin dumarka waxa ay diintu ka reebtay inay ku talaabsadaan, waana kuwa u horeeya ee diinta ixtiraama, laakiin ta marnaba aynaan ogolaanaynin waa in kartideena hoos loo dhigo.”

Marwada koowaad oo doraad ka hadlaysay xuska maalinta haweenka adduunka oo ku began siddeeda March, waxay codsi u dirtay golaha baarlamaanka, waxaanay tidhi, “Waxaan barlamaanka ka codsanaynaa madaxwaynuhu saddex goor ayuu ku celiyay in dumarka la siiyo kuraas kooto ah, waa dhiirigalin caadooyinkeenu haddii dumarka dib u yara dhigeen waa inaynu hadda kor u soo qaadnaa oo la siiyaa kuraasta kootada ah si dumarku uga muuqdaan hay’addaha kala duwan ee dawladda.”

Ugu dambayn Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina-weris) waxay ugu baaqday haween weynaha Somaliland inay ka qayb qaataan horumarka dalka, “Waxaan idiin soo jeedinayaa inaad iga aqbashaana aan ku rajo weynahay, waayo waan uga bartay haweenka Somaliland inay horumarka iyo waxqabadka dalka wax ku darsadaan, codsigaasina waa waddooyin ayaa dalkeena ka socda dhismahoodu oo inoo horseedayay horumarka dalkeena, dhismaha waddooyinkaa inaga ayaa dhabarka uridanay inagoo ajaanib iyo cid kale toona aan waydiisan, waxaanu samaynay in nusasaacaha carruurteena aynu siino in haddana dib aynu uga martino, waxaynu damacnay in Boorame iyo Ceerigaabo aynu isku xidhno, waxaynu damacnay hadhuudhka Boorame ka baxa in Ceerigaabo lagaga quraacdo meel fiican ayay inoo maraysaa dhismeyaal waddooyin badan ayaa socda qaar dhamaad ku dhow oo Wajaale, Boorame iyo Berbera ay ka mid yihiin, laakiin midda la hadal-hayo ee aadka u dheer ee gobolka Somaliland ugu dheer ee inaga go’an oo mararka qaar gobollo aan Somaliland ahayn inooga furan yihiin, waa gobolka Sanaag.” ayay tidhi marwo Aamina Sh. Maxamed.

Marwaddu waxay intaas ku dartay, “Waxaan idin waydiisanyaa caawa anigoo og inaad waddooyinka oo dhan ka qayb gashaan khaasatan codsigaygan ku wajahan yahay waddadaas Ceerigaabo inaynu kaga dhabbayno dhismaheeda, waxa la idinka baahan yahay qaadhaan, waanan idinku kalsoonahay inaad samaynaysaan.” Ayay tidhi Marwo Aamina.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *