Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay koox ka socota ururada bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii hareeraha la isaga taagi lahaa
doorashadda deegaanka ee maalmaha soo socda la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Kulanka ayaa ahaa mid anaay saxaafadu goob-joog ka ahayn, balse kulanka ka dib qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay ururada Bulshada Somaliland, kulankaani madaxweynaha ay ugu yimaadeen ururada bulshada ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga wada shaqayn lahaa hareerahana la isaga taagi lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa.
Madaxweynaha JSL, Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal u jeediyey xubnahaasi masuuliyiinta ah ee ka socda ururada bulshada ayaa ku amaanay sida ay isugu habeeyeen ka qayb qaadashada iyo habsami u socodka qabsoomida doorashada golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa., iyada oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay inay guul iyo hiilimaad u tahay qaranka Somaliland doorashadaasi oo si wanaagsan inoogu qabsoontaa.
Waxa iyaguna kulankaasi ka hadlay xubnihii metelaayey ururada bulshada ee Somaliland, oo ka waramay hawsha ay isku xilsaareen iyo kaalinta ay ka qaadanayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, si taasi loo gaadhana xukuumada, xisbiyada, shacab weynaha iyo ururada bulshaduba, ay meel uga soo wada jeestaan sidii doorasahdaasi inoogu qabsoomi lahayd si nabad-gelyo ah, looguna wada qanci lahaa natiijada ka soo baxda.
Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu ku sii dhiiri-geliyey ururada bulshada in ay dedaalkaasi iyo xilkasnimadaasi ay halkaa ka sii wadaan si doorashadu inoogu qabsoonto si nabadgelyo ah, guud ahanba dalka oo dhan.
Kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada.