https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1061/5?uidval=1268568853Hargeisa (ANN) Xaflad lagu daahfurayay Diiwaanka SAMA-DOON oo ah buug uu suugaantiisii ku ururiyay halabuurka da’da yar ee Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye)ayaa saaka lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa. Munaasibaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa

ka soo qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeennadii 1-aad iyo 2-aad ee Somaliland, Muj. Xasan Ciise Jaamac iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Sulaaddiin, Cuqaal, Halabuurro, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo boqollaal qof oo kale.
Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) oo madasha bandhigga SAMA-DOON hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu ku dheeraaday jidkii uu buuggani ifka u soo maray, isaga oo iftiimin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay macluumaadka uu buuggu xambaarsan yahay.
Abwaan Jiheeye waxa uu u mahadnaqay shacabka, ganacsatada iyo dawladda dalka Jabbuuti, isaga oo sheegay in markii uu Djibouti tegay uu hayay oo keli ah hindisaha buugga, laakiin ay iyagu (reer-Jabbuuti) ka midho-dhaliyeen fekerkiisii ahaa in buuggani daabacmo.
“Diiwaankan Sama-doon waxa uu ka kooban yahay 522 bog taas oo uu la wadaago Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gaar ahaan daabacaaddii ugu horreysay (Razmul Cusmaaniya). Waxa uu xambaarsan yahay 63 Maanso oo u taagan 63-kii sannadood ee uu Nebi Muxammed CSW noolaa” ayuu yidhi Ismaaciil Yuusuf Cabdi.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1061/3?uidval=1268568853
“Sidoo kale diiwaankan waxa ku jira 13 Sawir, kuwaas oo  iyaguna u dhigan ama ku fadhiya macneyaal badan oo ay ka mid yihiin, in xarafka 13aad ee (Alphabet)-ka ingiriisigu yahay, xarafka (M) oo ah xarafka uu ka bilaabmo magaca nabigeennu SCW” isaga oo mar kale dooddiisa cilmiga ah raaciyay inuu tirada 13 uu u doortay maadaama uu  Nebi Maxammed SCW 13 sanno dacwadda Islaamka ka waday magaalada Mecca al Mukarrama iyo maadaama ay gaaladu tirada 13 u taqaanno mid ka turjumaysa nasiib-xumo, laakiin ay xaggeenna ka tahay xubin nasiib leh.”
Abwaanku waxa uu sidoo kale sheegay in SAMA-DOON uu ka kooban yahay laba waaxood oo ay qaybta hore ku qoran tahay suugaantiisii, halka ay qaybta 2-aadna tahay manhajka Af-Soomaaliga ee Dugsiyada sare ee Somaliland. Abwaanku waxa uu xusay in uu sidan u sameeyay, kaddib markii uu ogaaday baahida ay ardayda dugsiyada sare ee dalku u qabaan meel marjac u noqota oo ay ka tixraacaan duruusta afka Soomaaliga ah ee fasallada dugsiga sare.
Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi waxa uu u mahad-celiyay shirkadda SBI oo ka iibsatay 1500 oo nuqul oo ka mid ah Diiwaankiisa SAMA-DOON ka mid ah, kuwaas oo ay shirkaddu ugu deeqaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, si ay uga faa’iidaystaan ardayda dugsiyada sare ku jiraa.
Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyay Maansada Qummaati oo si xeel fog uga warramaysay qeybaha iyo xikmadda ku duugan Qur’aanka Kariimka ah.
Waxa iyaguna madashaas ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj. Xasan Ciise Jaamac, Abwaan Yuusuf Shaacir, Suldaan Barre X. Xuseen Carraale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Qoraaga Cabdalla Xaaji Cismaan Ceeleeye iyo aqoonyahan kale, kuwaas oo dhammaantoodba ka hadlay qiimaha Afka iyo qoraalka, isla markaasna Abwaan Jiheeye ku hambalyeeyay tacabka uu kaga midho-dhaliyay diiwaan-maanseedka SAMA-DOON.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *