Hargeysa(Araweelo News Network) Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) oo ay weheliso Marwada

 

Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde, ayaa dhagaxdhigay dhsime xarun cusub ee deeganka Xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa looga yagleelayo Caruurta Aggoomaha ah.

 

Munaasibad maanta lagu dhagaxdhigay dhismahaa oo ay ka qaybgaleen Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTECO, Marwada Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale, wax aka hadlay Maayar Solteco, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi,  “Dhulka danta guud ee ah ee xukuumadu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu tala galay in laga dhiso  waxyaabaha danta guud ah sida dusgiyadii, garoomadii, sariibadihii, saldhigyada Booliska, istaanadii Basaska, dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hir geliyo hawlahaasi, Agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana imika socda mashruucii hore oo ay maal gelinayso dawlada Kuwait kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.

Sidoo kale Marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde  oo hadal ka jeedisay munaasibadaa ayaa sheegtay  inay garab taagan yihiin sidii wax loogu qaban lahaa Caruurta Agoonta ah, waxayna iyadoo sharaxaad ka bixinay  doorka xarumaha Agoomaha iyo waxyaabihii ay qabteen tidhi,  “Maaha mid aynu isku sheegayno masuuliyada inaga saaran agoomaheena, waxaana sharaf iyo mudnaanba mudan culimada is urursatay ee ururka Najax ee saxiibadeena dawlada Kuwayt ka mid tahay ee galiyey dareenka  inay caawimo ina siiyaan, dawlada Kuwaytna shacabkeeda, culimadeeda iyo masaajideeda oo aanu mashruucani ahayn kii ugu  horeeyey  ee ay inaga caawiyaan aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaan qirayaa intii dawladani timi inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xanaaneeyo,markii Afar sano ka hor ay dawladani wadanka qabsatay wiig ka dib ayaan tagay xarunta Agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aanu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay oo xafidnay dhulkiin xarunta Agoomaha” ayay tidhi Marwo Aamina Weris.

Munaasibadaa waxa kale oo ka hadlay Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan iyo xubo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa oo ka waramay baahida loo qabay xaruntaa iyo faa’idada ay u leedahay Bulshada gaar ahan Caruurta Agoomaha.

Hargeysa Somaliland
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *