La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield,UK

 

Axmed Rooraye waxuu ka Madax aha muddo dheer Ururka Qaaxootiga ee Sheffield, waxuuna aha mas’uul aad uga dhex muuqda Jaaliyadda Somaliland  intaanu u baqolin Somaliland xiligii doorashda Madaxtooyada ee 2010, kolkaas oo uu ka mid aha Guddiga Ololaha Gobalada Bari ee KULMIYE, guushi Kulmiye dabadeed, waxuu Madax ka noqday Hay’addii Dibudejinta Somaliland, kolkii dambana lagu daray Wasaaradda Dibudejinta. Alle ha u naxariistee Axmed waxuu si kedis ah ugu geeriyooday laguna aasay Hargeysa 30/08/2013

 

Axmed Rooraye waxuu aha nin firfircoon oo aad uga dhex muuqda siyaasadda iyo warbahinta dalka, kuna dhiiranaa afkaartiisa oo uu ku kasbaday asxaab iyo cadow badanba.

 

Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka AXMED CABDILLAHI ROORAAYE,  inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha SL

ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga

Dhinaca kale waxa Tacsi u diraya Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum Axmed Xaaji Cabdullaahi Rooraaye dadkan hoos ku qoran

Tatattiraha Shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Faarax Siciid Saleebaan, Mustafe Axmed Dirir, Siciid Mire Faarax (Giirre), Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Axmed Siciid Ducaale, Cabdillaahi Axmed Caarshe, Cali Axmed Maxamed (Dhagjar),  Axmed Faarax Xarbi, Axmed Yuusuf Ducaale (Dhigane), Nuur Aw Cismaan Abokor. Dhammaan dadkaasi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Jaamac (Rooraaye) – Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland – oo 30/08/2013 ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Waxayna ILLAAHAY uga baryayaan Marxuumka AXMED CABDILLAHI ROORAAYE,  inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *