Hargeysa(ANN)Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa deegaanka Degamada Ceel-Afweyn ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Imperialee magaalada Hargeysa Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Waaxda Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa si qoto dheer uga

hadlay xaaladda Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag, taas oo ay sheegeen inay ka arradan tahay adeegyada arrimaha bulshada.
Kulankaa oo  xalay  lagu qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayey sidii degmada Ceel-Afweyn loo horumarin lahaa, oo ay Masuuliyiintaasi ka hadleen, ayaa lagu doortay 11 Xubnood oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha adeegyada Bulshada degmada Ceel-Afweyn, sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Nabadgalyada, Deegaanka iyo wixii la mid ah.
Waxa kulanka ka qaybgalay dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee reer Ceel-Afweyn, Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo jeeda deegaankaa, Xildhibaanno, Xubno Qurba-joog ah, Duqa Degmada Ceel-Afweyn, Odayaal, Culimo, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa waxa lagu lafa guray sidii guud ahaanba degmadaas dhinac kasta oo laga eego horumar loogu samayn lahaa.
waxa Xafladdaas ka hadlay Cabdiraxmaan Cismaan iyo Muuna Casayr Jaamac oo labadooduba ka mid ahaa Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha lagaga hadlay horumarinta Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag, isla markaana lagu doortay Guddiga horumarinta degmadaas, waxaanay ka warrameen fikirkii ay ku yimi in shirkan la qabto iyo ujeeddada ay dadka ugu soo marti qaadeen. “Shirkani maaha Shir siyaasadeed, maaha shir cid gaara lagu taageerayo ee waa shir khuseeya horumarin. Degmada Ceel-Afweyn Biyo macaan malaha, Waddooyin hagaagsan malaha, Waxbarasho fiicanna malaha, Caafimaad malaha, markaa fikirkani waxa uu ka yimi dadkii degmada u dhashay oo isugu jira Xubno Qurbo-joog ah iyo kuwo gudaha jooga. Muddo ayaannu imaka shirkan soo wadnay, waxaanannu caawa idiinku yeedhnay in aad iska dhex doorataan Guddigii horumarinta degmada intiinna caawa (Xalay halkan) isugu timi.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cismaan.
“Shirkani maaha mid aannu dan gaar ah ka leenahay, maaha mid damac nagaga jiro inaannu Annagu guddiga ka mid noqonno, aan ka ahayn in aynu ka wada shaqayno horumarinta degmada Ceel-Afweyn. Guud ahaan Masuuliyiin iyo Marti-sharafba sida aad dalabkayagii usoo ajiibteen ee aad xafladdan uga soo qaybgasheenna aad baan idiinkaga mahadcelinayaa.” Sidaana waxa tidhi Muuna Casayr Jaamac.
Sidoo kale, waxa kulankaa warbixin ka jeediyey Maayarka degmada Ceel-Afweyn, Mursal Sulub Ciise, oo ka warramay xaaladda nabadgalyo ee degmada oo uu sheegay inay aad u fiican tahay. Isaga oo xusay inaanay jirin Xarumo Caafimaad oo si fiican uga hawlgala degmadaas, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay dhibaatada ugu weyn ee ka jirta degmada.
Xildhibaan Ibraahin Carraale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda deegaankaas, ayaa sheegay inay Ceel-Afweyn tahay degmo ballaadhan, isla markaana khayraad badan oo dabiici ah Illaahay ku mannaystay, hase ahaatee, wax horumar ah oo maanta ka muuqdaa jirin. Xildhibaan Ibraahin waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inay dadka reer Ceel-Afweyn ku taageerto rabitaankooda khuseeya dhinaca horumarinta adeegyada bulshad. “Waxaannu Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka codsanaynaa inay horumarkaa degmada nagala shaqayso, haddii aannu dadka reer Ceel-Afweyn nahayna waxaannu Xukuumadda ku taageeraynaa inaannu kula shaqayno siyaasadda saxan ee ay ku shaqaynayso.”
Agaasimaha guud ee Waaxda Dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cabdillaahi Jaamac (Axmed Rooraaye), oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in kulan arrimo horumarineed lagaga hadlayo inuu ka soo qaybgalo, isla markaana waxa uu dadka reer Ceel-Afweyn ku canaantay inaanay maqaalufo lahayn, taasina ay sababtay inay degmadoodi ka dambeyso degmooyinka kale ee dalka in badan oo ka mid ah.
“Waxa halkan laga yidhi Ceel-Afweyn waa laga yimi ee aynu ku noqonno oo yaan laga imannin. Haddaynaan innagu isku tashan oo aynaan wax lagu joogo Ceel-Afweyn samaynin, dadka kuma qasbi karno haka imannina ee jooga, markaa waa inaynu rag iyo dumar, dibad-joog iyo gudo-joog, ka wada shaqaynaa sidii aynu u horumarin lahayn degmadaas oo baaxadda iyo khayraadka aad ku sheegaysaan ka muujinnaa, haddii kale waxa aynu sheegayno ayaan waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee dib-u-dejintu.
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Maxamed Raage, ayaa sheegay inay dadka reer Ceel-Afweyn ku caanbaxeen isku duubnaan, wax wada cun iyo walaalnimo, sidaa awgeedna loo baahan yahay inay muujiyaan oo ay deegaankooda ku horumariyaan. “Degmada Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Arrimaha guda iyo madax kaleba way soo kormeereen oo way booqdeen Ceel-Afweyn, haddii Xukuumadda wax looga baahdo annaga ayaa idiinka wakiil ah ee waxa jira noo soo sheega, degmo kasta in dhinaca adeegyada bulshada laga horumariyana Xukuumadda talada haysa way ka go’an tahay. Laakiin, waxaan idinkula dardaarmayaa dadka reer Ceel-Afweyn haddaad tihiin nabadgalyada yaa laga cabanayaaye nabadgalyada iska adkeeya.” Ayuu yidhi Agaasimaha Caddaaladdu.
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray; “Waxa la sheegay tiraba Afar goobood oo Ceel-Afweyn ah oo Hay’ado caalami ah laga soo eryaday. Nin qori dagta ku sita oo yidhaahda haddaan Mashruucaa aniga la isiinaynin halkan lagama shaqaynayo looma baahna, mid kasta oo sidaa sameeyana waa in sharciga la horkeenaa oo walaalkii soo qabtaa oo nabadgalyada la adkeeyaa. Nin Maraykan ah ayaa iigu maahmaahay Gobollada Bariga Somaliland Libaax baa jooga, Libaaxa wuxu uga jeedaa ninka qoriga sita, markaa waxaan leeyahay imaka Ceel-Afweyn Libaaxi ka dhimay, waana in la sameeyaa maamul adag iyo Rug Boolis, si loo adkeeyo ammaanka oo cid waliba ugu soo dhiirrato.”
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay, qaar ka mida Qurba-joogga kulanka ka qaybgalay, Odayaal, Culimo iyo Haween. Waxa madasha lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa horumarka iyo dib u dhaca faraqa u dhexeeya, Gabayo iyo Majaajillooyin kale. Ugu dambayntii waxa shirkaa lagu doortay Guddi ka kooban 11 Xubnood oo ka shaqeeya horumarka Ceel-Afweyn. Kuwaasoo magacyadoodu kala ahaayeen sidan:- 1- Cawil Saalax Guddoomiye, 2- Cabdiraxmaan Cismaan, 3- Saalax Maxamed Diiriye, 4- Siciid Maxamed Faarax, 5- Dalays Shire Faarax, 6- Keyse Iidle, 7- Maxamed Rooraaye, 8- Maxamed Caydiid, 9- Shugri Maxamed Shire. Iyo laba xubnood oo kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *