Waxaa la moodaa in markii dadku culumo iyo caamaba ay ka hadlayaan arrimaha adduunka ay u hadlaan sidii ay iyagu amarka tasarufka adduunka wax ku lee yihiin. Qof ama koox ama qabiil ama dawlad ayaa dejinaysa qorsheeda wax qabadka aanay Alle la kaashanayn. Waxaan uga jeedaa

 

aanay Alle la kaashanayn waxay qorshaha meel marintiisa ka dhigayaan in uu yahay mid iyaga keliya gacanta ugu jira oo ay iyagu meel marin karaan. Waxaana suurto gal ah in uu yahay qorshe Alle laftiisa lagula dagaalamayo sida qorshayaal badan oo shisheeyey gaalo ahi ku fushada dawladaha dalka soo maray.

Waxaa ka mid ah Federaalnimada, maamul goboleedyada wejiga dawliga ah leh, dagaalada iska socda ee aan xal nabadeed lahayn oo aan diinta Islaamka meel uga soo aroorin. Meel marinta go’aamadaas diinta ka fog Alle ayaa looga doonayaa in uu dadka wata u fuliyo taasina sida ay meel marin Alle ayaa garan kara.

Wuxuu Alle noogu sheegay aayadda 47 ee Ar-Ruum

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).

Runtii waxaanu ummadihii hore u soo wada dirnay rusul iyaga ka mid ah markaas ayay tuseen caddaymo sugan oo lagu shaki bixi karo, markaas ayay u kala baxeen kuwa qaata iyo kuwa diida markaas ayaanu cadaabnay kuwii diiday ee dembiyada galay wayna naga go’an tahay hiilada mu’miniintu.

Dulucda dhow ee aayaddu waa in uusan Alle sinnaba ku guulaynayn kuwa xaqa ka soo hor jeeda ee aan ku dhaqmin waana ka go’an tahay in uu u hiiliyo oo uu guusha siinayo mu’miniinta. Waxaan halkaas ka garan karnaa in haddii ay ummaddu tahay mid xaq ku dirir ah doonaya in ay diinta Alle kor ahaato waxa ciidamo, hub iyo dhaqaale uu shisheeyuhu haysto dhinaca dhulka uma dhigi karaan dad mu’miniiin ah.

Wuxuu kale oo Alle aayadda 56 Ad-Daariyaat

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(الداريات 56).

Waxaan jinka iyo dadka u abuurtay in ay caabudaan oo keliya,

Si Alle loo caabudo waxaa loo baahan yahay in qofku helo cimri uu jirayo si uu Alle u caabudo. Markaas ayuu Alle noo sheegay in uu noo sameeyey labo cimri mid qofku cibaadadu uga eg tahay iyo mid uunka dhan ay cibaadadu ku eg tahay oo ah midka qiyaame.

Wuxuu si cad Alle noogu sheegayaa aayaddan 10 Al-Mujaadilah

إِنَّمَا النَّجْوَى مِنَ الشَّيْطَانِ لِيَحْزُنَ الَّذِينَ ءَامَنُوا وَلَيْسَ بِضَارِّهِمْ شَيْئًا إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ(المجادلة 10).

Waa hadal ama qorshe ay degeen kuwa shaydaanka ah si ay u dhibaateeyaan dadka mu’miniinta ah wax ay yeeli karaanna ma jirto Alle la’aantiis sidaas darteed dadka mu’miniinta ahi Alle ha talo saarteen hana ku kalsoonaadeen.

Haddii aad dib u milicsataan dadkii Soomaaliyeed ee isku sheegayey siyaasiyiinta una kala sharraxnaa maskabyada kala duwan, waxay ku hadaaqayeen eryo ay ka mid ahaayeen waxaan ballan qaadaynaa sidaas iyo sidaas iyaga oo aan marna ballan qaadkooda ku xidhayn Alle oo lahayn INSHA ALLAAH. Waxaa kuwaas ka muuqata in ay rumaysan yihiin in wixii ay doonayaan ay iyaga gacanta ugu jirto ayna meel marsanayaan, iyaga oo ku tuntay oo waxba kama jiraan ka dhigay aayadihii Alle ee cad caddaa oo ay ka mid tahay aayadda 23-24 Alkahaf.

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَلِكَ غَدًا(23)إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ وَاذْكُرْ رَبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَى أَنْ يَهْدِيَنِ رَبِّي لِأَقْرَبَ مِنْ هَذَا رَشَدًا(الكهف 24).

Ha dhihina berri ayaan waxaas samaynayaa idinka oo aan dhihin haddii Alle idmo.

Bal abuurka oo dhan ka soo hela wax amarka aadamiga ku socda ma jirto wax waliba waxay ku socdaan amarka Alle, marka sidee ruux aadami ahi u dooni karaa in isaga amarkiisa lagu socdo.

Wuxuu kale oo Alle si cad noogu sheegayaa aayaddan 36 Al-Axzaab in:

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَنْ يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُبِينًا(الأحزاب 36).

Haddii Alle iyo rasuulkiisu ay amar bixiyaan in ay iyagu sidii ay doonaan ka yeelaan oo haddii ay la noqotana fuliyaan haddii la noqotana diidaan fulintiisa iyaguna qayaar uma laha amarkooda, haddaba ruuxii amar diiddo ku sameeya Alle iyo rasuulkiisa, si cad ayuu u lunsan yahay.

Ma caamada keliya ayaa diiddan ku dhaqanka ama qaadashada amarada Alle iyo rasuulkiisa? Waa maya waxaa diiddan culumadii waxaan u arkaa haddii ay culumadu xaqa sida uu yahay ugu dhaqmi lahaayeen dadka kale ma baadiyoobeen.

Marka culumada maanta jirtaa ee Soomaaliyeed ma aha kuwii dhaxlay ambiyadii. Waad og tihiin in rasuulku scw u sheegay in culumadu hayaan dhaxalkii ambiyada, taas oo loola jeedo in ay dadka faraan ku wanaagga, xumahana ka reebaan.

Waxaadna mooddaa iyada oo ay culumada ka tahay aqoon yari in ay dadkii si qaldan wax ugu sheegayaan.

Matal:

Shiikh ayaa dadka ku boorriyey in ubadka si wanaagsan oo waafaqsan diinta iyo manhajka Alle lagu barbaariyo, khayr badan Alle ha siiyo shiikhaas, hase yeeshee waxaa la moodaa in uusan shiikhaasi ogayn in uusan ruuxna wax awood ah u lahayn in uu isagu ubadkiisa siiyo barbaarin wanaagsan oo waafaqsan diinta Islaamka, in uu isagu marka hore yahay mid ku socda manhajka Alle mooyee oo markaasna uu Alle toosinayo mooyee uusan isagu toosin karin.

Shiikh kale wuxuu si cad dadka ugu bal ballaadhiyey xumaanta qabiilka iyo qabyaaladda wuxuuna ku booriyey in ay iska qabtaan midka xun ee dhibaatada ka dhex wada. Waa runtii shiikhu khayr badan Alle ha siiyo laakiin waxaa muuqata in uusan ruux isaga laftiisu shaydaan u faruur xidhani uusan cid toosin karin. Alle ayaana u xaq leh in uu qofkii uu doono toosiyo kii uu doonana baadiyeeyo ee annaga aynu taanna ka soo baxno oo ah in aynu jidkii Alle ee toosna qabsanno sidaas ayuu noo abuurtay eh.

Waxay ummadda Soomaaliyeed wiil iyo waalid rag iyo dumar maanta u wada taagan yihiin in ay helaan nabad iyo dawladnimo iyo nolol. Loomana abuuran ee waxaa Alle u bauurtay in ay isaga caabudaan, taas oo loola jeedo in ay isaga amarkiisa ku socdaan oo wixii uu ka reebayna dhaafaan wixii uu farayna fuliyaan.

Suuradda Huud aayadda 52 wuxuu Alle si cad noogu soo sheegayaa:

وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).

Nebi Huud ayaa leh dadkaygiiyaw Alle dembi dhaaf weydiista, ka dibna inta aad xumaha dhaaftaan isaga u soo laabta oo si buuxda ugu dhaqma manhajkiisa, wuxuu cirka idiinka soo da’siinayaa roob xoog weyn oo khayr badan idiin leh, awooddiinana wuxuu idiinku kordhinayaa awood kale hana daba gelina dembiilayaasha ama madax ha ka dhiganina.

Sida aad wada og tihiin maanta Soomaaliya iyo caalamul Islaam oo dhan waxaa ka taliya dadka dad ugu khayrka daran, sidaas ayaynuna raalli ku wada nahay. Waxaad arkaysaan qabiil shiikhoodii iyo shariifkoodii leh dawladda waxba nalagama siinin waa nala qadiyey sidaas darteed ma ogolin. Waxaan halkaas ka fahmay in qabiil ku sheegaasi uu haddii wiil iyaga sheeganayaa laga dhigo wasiir uu qabiilkaasi shiikhooda iyo caamadooduba isku si ugu taageerayaan dawladda si kasta oo u gabood falayso.

Ma dadka noocaas ah ayaa xumaan iyo cadaab iyagu is badeen ka cabanaya. Somaliland, Puntland iyo Jubbaland waxay dhammaan ku goodinaysaa in ay goosaayaan, waxayna danta qabiilka ku dhisan la hoos gelayaan gaalo, waxaan lee idin lee yahay ha ka daahina magan gelidda gaalada bal in ay Alle wax idiinka gooyaan. Gaaladaasi waxay shuraka’ u yihiin kuwa isu dhiibay ee ay la tahay in wax Alle mooyee cid kale gacantiisa ku jirin ayay idin siinayaan. Kuwaasi waxay u eg yihiin in ay gaalada u magan galeen sidii ay Alle agtiisa wax ugu qaban karaan ay ka waayeen walaalahooda islaamka ah.

GUNAANAD.

Culumadu dadka si cilmiyeysan wax ha ugu sheegeen. Haddii aad rabtaan in dadku xaqa qaato kuna dhaqmo ayna noqodaan kuwo xumaanta reeba wanaagana is fara waa in hadal ka hor la helo ficil waafaqsan diinta Islaamka, ka dibna dadka afka looga sheego waxa xaqa ah.

Culumadu dadka ha dareen siiso in khayr oo dhammi Alle gacanta ugu jiro ninkii ka goostaana uu siinayo, qofkuna awood lahayn uu wax toosiyo ama wax ku hagaajiyo ee uu u abuuran yahay oo keliya in uu Alle caabudo ee xilkiisa ha guto Allena ha u dhaafo wixii kale.

Alle isaga ayaa noo ballan qaaday in haddii aynu xilka uu ina saaray ka soo baxno uu na siinayo wax kasta oo khayr ah if iyo aakhirba.

Bal dadku ha soo helo wax adduunka oo dhan isaga amarkooda ku socda. Qofkii doonaya in uu ubadku u hagaago, qabiilkii doonaya in uu tanaado, ummaddii doonaysa in dhibaato is daayaan oo nabad iyo nolol helaan Alle ha u doontaan.

OMER SULEIMAN ALI

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *