Waxan doonayaa inaan Wax xoogga ku darsado qoraalada suuban iyo hadaladda bilaa xiqdiga iyo xumaanta ah, dood wadaaga haldoorka iyo milgaha saxaafadda ee qormadda

 

xiisaha leh Ee “Maxaynu Askar U Noqon Waynay”?!
In badan oo kuwaas kamid ah Sidaan qabo Waa baadi doon Aduun (LACAG),  balse maxay askar unoqon wayeen Si ay lacagtaas u helaan? Waa Isweydiin
CUMAR SEERBIYA Mahad Iyo Tixgelini :- isaga ayaa qeexay Sida cid waliba camalkeeda uga feejigan tahay Dad canjilaa.
Waayahaygi Da’yarnimo waxan higsan jiray sida ay wax u tebinayaan kuwa aan ka maqlo idaacadaha anoo miyiga joogo iyo magaaladaba Inaan aniguna maruun sidaa u hadlo.
HADDABA Hadlay ee halkaan ka hadlay tolow Maxaanse ku hadlay ?
Waa’aya arag inaad wax ka dhegaystaa waa dariiqa qudha ee guusha sebenkaygi inaan mihnaddan saxaafadda kusoo biiro,  wuxuu ku beegmay mid adag oo Dadku ka wada siman yahay inta aan qaban karo,  waxa aan tebin karo iyo qalabka aan sitoba waa suuq muuqaal ahaan u eeg sariibada Hilibka, ama khudrada moodo dadku waa wada shaqa tag, waa wada Suxufi dadku, qof iyo calafkii.
Waagu marki qalalac yidhaahdo ayuu soo lalan sanayaa Qalabkiisa oo  suuqu soo geleyaa sidii in sariibad lagasoo addeegayo dadka uu u shaqeeyo wuu ku jikaarayaa Xogaaga aduunka Ah ee la siiyo waxaaba aad mooda in uu xoolo nool saylada Keenay.
Haddii uu ka waayo siduu rabay,  ama lagu xisaabtami waayo isaga wuxuu doono ayuu qorayaa, wuxuuna isku deyayaa inuu dhalan rogo warkii ay suura geli wayday in lasoo marti qaado.
Dadku markay ka cawdaan caqligiisa Caatada ahi saxiibkay wuxuu siinaya caan baad noqotay maantuunba caalamka lagaa bartay iyo cidaasi way kaa biqi doonta, taasina waa mid ka baxsan anshaxa saxafadda iyo masuuliyadda looga baahanyahay suxufiga.
Mihanadani waxay noqotay suuq wax lagu kala iibsado ninkii doona u isticmaalo faafinta daacayadaha raqiiska ah iyo xumaan ka sheega in badan dadka aan geyin dulaan iyo weeraro caadifadaysan.
”Nin sheegta in uu mihnadan ka shaqeeyo ayaa igu yidhi saxiibow Tv hebel ayaa ka shaqaysa inta badana reerkiina ayuu aflagaadeeya ee maxad uga tegi wayday niyow ma bila dhiig baad tahay”
Cid walba milgaha sharafta iyo karaamada mihnadeeda way difaacataa laakin wada Halaqada mihnadan waxay u baahan tahay Badbaado?
Ummad Wada Suxufi Ah?
W/Q Mohamed Yousof Bakayle
Mbakayle@Gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *