Mowduucaagu waxa uu ku saabsan yahay dadka sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya mihnadda saxaafadda, kana shaqo gelaya iyagoo aan u lahayn sadexdan arimood
Hibo eebbe
aqoon dheeraad ah
waayo aragnimo
Aragtidayda waa arin ku timid sadex sababood oo kala ah
1. qaybaha warbaahineed oo qaarkood noqdeen wax hal qof samaysto hal qofna ka shaqeeyo, hal qofna waxa uu rumaysan yahay iyo rabitaankiisa ku baahiyo, kuwaa waxaa ugu horeeya (Mareegaha), qofka sidaa ku soo galay ayaa u soo gudba xarumaha warbaahineed ee lagu kalsoon yahay sida TV, News agency, Radio & News papers. markaa qofkaasi waxa uu ku shaqeeyaa aqoontii iyo hanaankii mareegtiisa oo ay aad u kala fog yihiin warbaahintan kale haday tahay dhinaca shuruucda, qaabka shaqada, ujeedada laga leeyahay baahinta iyo qaybaha dad ee loo baahinayo.
2. arinta labaad ee keenaysa in dad badani sheegtaan mihnada Saxaafada waa iyadoo aanay jirin Hay’ado dawladeed oo diiwaangeliya suxufiyiinta, isla markaana kaantaroola aqoontooda iyo inay u qalmaan.
3. arinta sadexaad waxaynu odhan karnaa waa shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo dadkii oo aan fahamsanayn mihnadan culayskeeda iyo miisaanka ay leedahay, iyadoo jaamacaduhu dakhli badan ka helaan ardayda ay u qaadanayaan kuliyadaha Journalizam-ka, halka sidoo kalena dadka qaarkii ay xittaa ku soo galaan qaab abtirsiimo sida aabbahay ayaa saxaafadda ka shaqayn jiray ama adeerkay ayaa ahaa weriye caan ah.
Su’aasha ah maxaynu askar u noqon weynay waxay ila tahay jawaabteedu inay noqonayso Askarta enaga ayaa ka sarayna ama ka awood badan markaa suxufiga dhabta ahi waxa uu ka khashaafayaa inuu dib u noqdo oo hoos u dhac ku yimaaddo mustaqbalkiisa, dadka qaarkood waxay mihnadan u arkaan inay tahay mid qiimo gaar ah leh sidaa darteed waxay isku taxallujiyaan inay meeshii ay ka gaadhayaan ka qabsadaan, waxana qayb ka noqda dadkan aynu ka hadlayno ee sida kedisada ah loogu dhex arko shaqada saxaafadda, warbixin keliya oo hal weriye qoray ayaa laga yaabaa inay wadan dhan wax ka bedesho, laakiin hawlgal hal askari sameeyey saamayn badan ma laha.
waxaa jirta in weriyayaashu tiigsadaan meelaha ka sareeya sida xilalka shaqo ee dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, taasna waynu helnaa inta badan.
askarta iyo suxufiyiintu way kala fog yihiin waayo askarigu waxa uu u tababaran yahay in aanu haba yaraatee wax warbixin ah gudbin, xog kasta oo uu hayana xafido, laakiin suxufigu waxa shaqadiisu tahay inuu xogta raadiyo ka dibna baahiyo, dadka ugu dhow ee suxufiyiinta dhinaca ka raaca waxaa ka mid ah majaajilaystayasha, caruurta ay fanaaniintu dhaleen, macalimiinta iyo ciyaartoyda cuslaatay.
waxaa jira shaqsiyaad isku nooc ah oo meel kasta laga heli karo, waxay had iyo jeer isku taxalujiyaan inay sheegaan warbixin ay baahiyeen ama ay daabaceen, kuwaasi kama turjumaan suxufiga dhabta ah, qaar kale waxay ku wareeraan qaabka lebbiskooda (waxaa u badan hablaha) waxay aaminsan yihiin in suxufigu qaab gaar ah u lebbisto, waad ka dareemi kartaa dadka noocaas ah calaamadahaas, waxaana hagaysa kalsooni darro iyaga haysa, dhiirranaanta qalinkooda iyo yaraanta khibradooda waxay ka tuurtaa haadaan, dadka noocan ah waxaa ku adag inay wax ka korodhsadaan cidda ku dhaanta waxay u arkaan ceeb,
koox isku nooc ah oo qaybahan sare ka mid ah ayaa laga yaabaa inay ka wada hawlgalaan hal meel, taasina waa waxyaabaha horseeda in qof aan maalin keliya IDAACI noqonin uu hal mar sheegto mihnadan oo la hawlgalo kooxdan aynu ka hadlayno. doodani ha socoto inta aynu degayno waayo waxa inoo hadhay geeddi dheer sidii aynu u noqon lahayn ummad maskax ahaan isku filan iskuna kalsoon.
Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)
Xuskurdi@gmail.com