Jawaab-celinta Dooda Sheekh Gaashaanle Cumar Sulaymaan: Haweenka iyo Siyaasada… By M. Harun – mbiixi@gmail.com

Wadaad ka mid ah wadaadada Soomaaliyeed ayaa dood ku saabsan mawduuca ‘Haweenka’ iyo siyaasada soo ban dhigay, waxaanu doodiisa u doortay cinwaanka ah – Haweenka iyo Siyaasada (Habar-dhaqameed). Qofkii aan akhriyini wuxu ka daalacan karaa

halkanguji
Sh G/sare Cumar oo doodiisa email ahaan la iigu soo gudbiyay, waxan u diray fariin kooban oo jawaab celin ah, oo anigoo waliba aan aad iyo aad qoraalkiisa wakhti u galinin aan guudmar ugu diray. Intaas kadib, ayaan Sheekh Cumar qoraalkiisa google gareeyay, waxaana ii soo baxday in meelo badan qoraalkaas lagu faafiyay. Sidaas darteed, ayaan jeclaystay G/sare Sh Cumar fariimihii aan is dhaafsanay, oo aan wax khaas ah ku saabsanayn ee doodan uun khuseeya inaan halkan ku soo ban dhigo ee akhristayaal ila wadaaga sadex jawaabood oo gaagaaban oo isla xidhiidha. Markaan article ka sheekha akhriyay, kana helay waxyaalo aan saluugay oo door ah, waxan u qoray fariintan:
Subject: Re: Haweenka iyo siyaasada.
Qoraalka Gaashaanlaha waxyaalo aan la yaabay baa ku jira. Waayadan dambe, ee dunidu isu furantay, ee xuduudihii caalamka u dhaxeeyay isku wada darsameen, ee internet ka iyo satellite TVs ku qof kastaba gurigiisa ugu galeen, ee ganacsiga iyo isu-socodkii umaduhu ka sahlanaaday xili kasta oo tagay, waxa soo baxay warwar badan oo qolo kastaba halkeeda ku haysta.
Wadamada galbeedka, oo ahaanjiray naadi masiixi (Christian clap) warwar badan baa haya qolyohooda xagjirka ah, waxaana u muuqda in waxyaalaha ay la timid is dhexgalka bulshooyinku (multi-culture societies) ay cidhiidhi iyo cabudh wayn ku hayaan. Waxay arkayaan muslimkii oo Europe si aan caadi ahayn ugu badanaaya kuwo u soo haajiraaya iyo kuwo tiro badan oo ku dhalanaayaba. Waxay arkaan masaajidadii oo magaalo kasta oo Europe iyo America ah ka dhismaaya kuna faafaaya. Waxay arkayaan kiniisadihii oo laga haajiray, in badan oo ka mid ahna maasjido ba loo bedelay! Waxay arkaan bulshooyinkii cadaanka ahaa oo xawli aad u sareeya, oo aan waligeed horey u dhicin ugu qulqulaaya islaamka. Waxyaalahaasi baa cabsi wayn ku keenay.

Geesteenana, wadaadadii baa ka qaylinaaya dhaqanguurka iyo waxyaalaha Galbeedka laga soo waaridaayo, askar Maraykan ah oo ku gaardiyaysa meel aan kaba fogayn xaramaynka, iyo dhaqamo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo laga soo waaridaayo Galbeedka. Labada qoloba way qaylinayaan, inay qayliyaana gar bay u leeyihiin, laakiin su’aasha muhiimka ahi waxay tahay, iyaga tooda markaan dhan isaga dhigno, inaga qoladeenu waxyaalaha ay ka qaylinayaan, iyo waxyaalaha ay ku qaylinayaan sidee gar u yihiin, iyo sidee u xooganyihiin.

Marar badan waxa dhacda inaan inagu muslin ahaan gool kaba iska dhalino intaan cidiba inoo imanin, dabeeto halkaas aan jeexnay uun la inooga sii amba qaado. Meelaha aan goolasha badan iskaga dhalinay inagu, dabeeto la inooga faaiidaysto waxa ka mid ah masalada haweenka ee uu Mr Gaashaanle Sare Omar ka hadlaayo.

Wadaadadeenu waxay sheegaan inuu Islaamku xuquuq sare haweenka siiyay, isla markaana aan loo baahnayn wax laga keeno galbeedka, dooda galbeedkuna ay daandaansi iyo diin-ka-fidmayn uun tahay, laakiin runtu waxay tahay inaynaan muslimiin ahaan la dhaqanka haweenka wax diin ah ku salaynin ee bulsho waliba dhaqankeeda ku salayso. Bal u fiirso Carabta, u fiirso Asians ka, bal u fiirso Soomaalida lafteeda. Dhaqamada mulimiinta ee qalooca, ee foosha xun, ee laga bilaabo gudniinka fircooniga ah leh, ee guurinta ama guursiga khasabka ah leh, ee dhaxal ka qadinta iyo duudsiga leh, ee quudhsiga iyo yaraysiga leh, ee guryo ku xabisida leh, ee dilka sumcada qoyska awgeed loogula kaco leh, ee intaas iyo wax ka daran leh, marka la inagu qabto, ee waad qaldantihiin la ina yidhaaho, ayaan qaylinaa, markaas baan ku doodnaa inay gaalo diinteena fasahaadinayso!

Bal u fiirso hadda Gaashaanle Omar waxa uu ku doodaayo, “Haweeneyda Islaamka ah hawsha Alle u idmay waa dhalmada, korinta iyo waxbaridda ubadka, runtiina waa xil aad u muhim ah…” Waa hadal la iska yidhi oo aan loo miidaan dayin dhab ahaan. Haweenayda Islaamka ah iyo ta aan ahayniba waa dhalaan, markaa dhalista lama odhan karo waa wax haweenayda Islaamka ah gooni loogu idmay! Geesta kale, xilka korinta iyo waxbarista ubadka ee uu Gaashaanluhu leeyahay waa shaqo haween, waxay uun ka soo jeedaa dhaqanka Soomaaliyeed ee ninku uu saaqidka ka yahay xidhiidhka awlaada iyo la socoshadooda. Dhaqankii qaloocnaa ee noocaas ahaa, ayuu Gaashaanluhu ka dhigayaa wax islaamku keenay, oo haweenkana loo uumay inay caruurta koriyaan waxna baraan! Markaa hadii la yidhaaho haweenka ayaa caruurta dhalaaya, korinaaya, isla markaana wax baraaya, mee doorkii aabuhu? Saw ,ma arkaysid Gaashaanluhu booska cidhiidhiga ah ee uu is galiyay isagoo waliba islaamka u dood is leh? Hadii TV Reer-Galbeed uu dooda noocaas ah la tago saw markiiba muu gartiisa lumiyeen?

Hadaba, isku soo wada duuboo, wadaadka iyo akhyaarta kaleba waxan odhan lahaa marka masalooyinka noocan ah laga hadlaayo waa inaynaan gar iyo gardaroba daafac uun galin ee horta dhankeena waxa qaldan aan fiirino. Marka xigana, waa inaan aqoon iyo u fiirsi ku darno doodeena halkii aan faras indho-xidhan uun maqiiqi lahayn.

Nabadeey.

Intaas kadib, G/sare Sh Cumar wuxu ii soo diray jawaabta soo socota:

Subject – Re: Haweenka iyo siyaasada.

Date 11/01/2012.

Jawaab ku socota Mohamed Haruun Mohamoud

Walaal asc
Salaan ka dib waxaan u malaynayaa in aadan fahmin maqaalkayga una baahan tahay in aad garato waxa aan ka hadlay. Walaal kama hadlin qaladaadka dadka Islaamka ah ee ay gaaladu ka faa’iidaysanayaan markaasna aynu qaylo afka ku dhufanayno, laakii waxaan walaal ka hadlay ka tegidda ama ku dhaqan la’aanta sharciga xaqa ah in ay ka imaan karto dhibaato guud ahaan ummaddaha Islaamku gaar ahaanna Soomaalidu ay ka shalli karto. Ma aha haweenka oo keliya ee waxaa jira dhan kasta xag dhaqan, xag siyaaso iyo xag bulshaba in ay ku dhaqan la’aanta diinta Islaamka ay naga soo gaadhay dhibaato culus.
Gaaladu iyaga ayaa door weyn ku leh in aynaan diinta ku dhaqmin, waxaana garab u noqday dad munaafaqiin ah oo iimaanka ka jecel adduunyada. Walaal Biixi iyada oo aynu nahay dad Islaam ah ayaynu ogolaanay gumaysi gaal ah, haddii uusan qaarkeen ku daabnaynna ma dhacdeen.
Walaal ka dib iyaga oo ka faa’iidaysnaya kuwa aduun doonka ah ee aan aakhiro danta iyo muraadka ka lahayn ayay dastuur ay iyagu noo dejiyeen aynu ka ogolaanay. Ma garan kartaa ku dhaqanka dastuurku in uu yahay shirki cad oo aan geed loogu soo gabban.
Walaal maqaallo aad u fara badan ayaan qoray kana wada hadlaya dhibaatada naga soo gaadhay ku dhaqan la’aanta diinta Islaamka, waxaa ila haboon in aad akhrido haddii aad u hesho waqti ka dibna waan jeclaan lahaa in aan arko faaladaada aad ka bixiso.
Waxaan maqaalka Haweenka iyo Siyaasada ama Habar dhaqameed mase oday uga hadlay in aanay diin ahaan haboonayn in haweenku siyaaso galo. Marka haddii aad adigu qabtid in ay diin ahaan ay bannaan tahay aannu kaa fa’iidaysanno ee walaal soo qor oo internetka soo geli aan kula aragno eh waxaanna jeclaan lahaa in aad igu dartid liiska aad u kala diraysid.

Intaas ka gadaal, waxan shakhsi ahan dareemay inuu sheekhu garab marsanyahay waxaan ka hadlay, waxaanan u diray fariinta hoos ku qoran:

Subject: Re: Haweenka iyo Siyaasada… Date 11/01/2012.

Gaashaanle Cumar, salaamad.

Walaal waad ku mahadsantahay inaad jawaab i soo siisay.

Waxan ku leeyahay, anigoo waliba ka xun, G/sare Cumaroow doodaadii ima
qancinin!

Waxad qaybaha hore ee qoraalkaagaba ku xustay oo iga dhigtay nin uu hadalkii
dhaafay oo meel aan loo fadhiyin iska qabtay! Sida runtu tahay, ama ugu
yaraan aniga ay iigu muuqatona, adiga ayaan si wacan u fahmin, ama aan
doonaynin inaad fahamto doodii aan ku tiraabay.

Waxan kugu idhi, Islaamku waxa uu theory ahaan ka waramaayo, iyo waxa dhab
ahaan caalamul Muslim ka taagani marka ay timaado Haweenka, nidaamka
maamulka, dhaqaalaha, dhaqamada bulshada guud ahaan iwm waa kala
duwanyihiin. Umadaha aduunyadu waxay inagu xukumayaan waxa nolosheena ka
muuqda ee waxa ku qoran kutubta masaajida taala maaha. Dhaqankeena
qaloocanina waa midka aan fagaarayaasha ka muujino, ee qoraal iyo aftiba ku
sheegno, taas tusaalaheedana waxan u soo qaatay qayb doodaadii ka mid ahayd.
Waxad qoraalkaaga ku sheegtay, “Haweeneyda Islaamka ah hawsha Alle u idmay
waa dhalmada, korinta iyo waxbaridda ubadka, runtiina waa xil aad u muhim
ah…”.

Dadka muslimiinta ah fashil wayn oo gees kastaba leh baa ku yimid, qaybo
badanina waxay isku dayeen intay taas ka gilgishaan. Dadka gilgilashada ku
jira waxa ka mid ah wadaadada, in badan oo ka mid ahina sida ay u dhaqmayaan
ficil ahaan, iyo sida ay u doodayaan fikir ahaan, waa qaab aan hufnayn, oo
aan si wayn looga fiirsanin, kuna disan uun wax iska dhici. Taasi waxay
keentay inay ficilo iyo hadalo aan loo miidaan dayin badka yimaadaan,
waxaana ka mid ah kuwa aad ku doodayso oo qaarkoodna aan soo qaatay. Markaa,
al-muhim, walaal Cumaroow, gacaliye waxan kuugu yeedhayaa inaad bal horta
marka koobaad qoraalkaygii dib ugu laabaatid oo u fiirsatid, marka xigana,
si fikri ah oo furan aad u daristid mufakiriinta muslimka ah iyo kuwa
gaalada ahiba waxa ay qorayaan, taariikhdana dib u fiiri.

Masalada aad hadalka ku celcelisay ee “Haweenku” wax ma maamuli karaan? Anigu sida aan
qabo, maba aha mid maanta inoo taala! Haweenka agteena jooga diin muslin iyo
qaanuun aan dajinay midkoodna kulama dhaqano, mararka qaarkoodna xataa
qofnimada ayaaban ka qaadnaa oo heer insaanimada ka hooseeya ayaaban gaynaa.
Bal yara fiirso waxa ka taagan bilaadul xaramayn! Ilaah baan kugu dhaariyay
ee miyaanay islaamka ceeb ku ahayn in la yidhaaho hadii ay gabadh iyo wiil
is arkaanba way is fuulayaan oo waa in la ilaaliyo haweenka si aan loo
fuulin! Caqliyada noocaas ah, oo mid dhaqan ka soo jeeda ah, ayaa diinta la
rabaa in meel looga helo, markaas baa la yidhi haweenku haday baabuur
kaxeeyaan Ilaahay iyo nabigiisa ayay caasiyeen! Haweenka codkooda hadii la
maqlo waa fidmo ee ha dhuunteen hana aamuseen! Halkii xiligii Nabiga (SCW)
ay haweenku raga masjidka kula tukan jireen, safka raga iyo kan haweenkuna
isku xigeen iyyadoo aan gidaar iyo biri toona u dahxaynin. Markaa, anigu
waxan ku leeyahay masalada haweenku talo ma gali karaan intaynaan gaadhin,
horta ma ogolnahay inay dad Ilaahay abuurtay oo ragga la mid ah yihiin?

Nabadeey
Mohamed Harun
Mohamed Harun
Sheffield, United Kingdom.

“Ninkii aan u doog dhaban, biyaha looma soo daro.” Timacade.

“All our dreams can come true, if we have the courage to pursue them.” Walt Disney

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *