Hargeysa(Araweelo News Network)Gudida baadhista xasuuqa Somaliland ayaa maanta soo dhoweeyey heshiiskii Somaliland iyo Somalia todobaadkan ku gaadheen dalka Turkiga, heshiiskaas oo uu qayb ka ahaa

qodobka tilmaamaya in dawladii milateriga ahayd ee Somalia ay xadgudub bani’aadanimo ka gaysatay deegaanada Somaliland, lama huraana ay noqotay in laga raalligeliyo.

Gudoomiyaha Gudida baadhista Xasuuqa ee Somalialnd Khadar Axmed Like ayaa si adag u sheegay in aan la dafiri Karin xasuuqii Ba’naa ee loo gaystay shacabka reer Somaliland,  kaas oo ay u geysteen xukuumadii millateriga ahayd ee Siyaad Barre. Isla markaana ay hayaan daliilo cad oo ay ka mid yihiin xabaalo-wadareedyo ay ku duugan yihiin dad aan loo aabo-yeelin oo da’ kasta isugu jira

Gudoomiyuhu oo maanta u waramay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah waxa uu sheegay in beesha caalamka iyo Hay’addaha qaramada midoobay wada ogyihiin xasuuqii sanadihii sideetameeyadii ka dhacay dalkan, calaamadna u noqday in diyaarad ka kacday magaalada Hargeysa ay dib u duqayso isla magaaladaasi. Diyaaradahaas oo qaarkood ay wadeen duuliyayaal calooshooda u shaqaystayaal ah oo wadamo shisheeye u dhashay

Khadar Axmed Like oo ah Gudoomiyaha hay’ada baadhista xasuuqa ee JSL waxa uu farriin u diray madaxda dallka aynu jaarka nahay ee Somalia isagoo ku wargeliyey inay ka waantoobaan inay ku dheeldheelaan xasuuqa loo gaystay shacabka Somaliland, isagoo ku sifeeyey madaxda dalkaasi inay u badan yihiin kuwo ay khibrad la’aani ka hayso waxii umaddan loo gaystay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *