Hargeysa(ANN) Gudida diiwaan-gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Somaliland ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyay eeddaha kaga imanayay Ururada hadhay oo  tan iyo markii ay soo saareen liiska Ururada  soo baxay iyo kuwa hadhay oo   dhaleecaynayay in aanay g

udidu  hayn wax daliil ah oo ku qancinayaan inay  u gudbi waayaan Ururo si ay uga qayb galaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan xili aan weli la ciyimin.

Gudida oo maanta  shir jaraa’id  oo ay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa sharaxaad ka bixiyay, isla markaana soo  bandhigay qodobadii ay ku hadheen sagaalkii urur siyaasadeed  ee ay ku sheegeen go’aankii ay soo saareen 20 March 2012, kaas oo sida ay maalintaa shaaciyeen 15 Urur siyaasadeed oo ay kala reebayeen lix ka mid ahi u gudbeen Ururo.
Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo ka hadlay  shir saxaafadeedkaa ayaa sharaxay  qodobadii iyo galdaloolooyinkii sababay in sagaalkaa urur ku hadhaan qiimayntii ururadda siyaasadda Somaliland, waxaanu xusay in goboladda ay sagaalka urur badankoodu ku dhaceen ay ahaayeen Sool iyo Sanaag,  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
1. SSCD   wuu  hadhay,  waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka,  marka lagareebo Maroodi-jeex,  sidoo  kale  1000-kii qof ee laga rabay Urur walba wuu ku hadhay dhammaan gobolada dalka.
2. Ururka Damal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag tirada 1000 kii qof ee laga rabayna  muu buuxin gobolna
3 ururka Nuur xafiisyo kama  furan Saaxil iyo Sanaag tirada 1000,  qofna ee muu buuxin,  marka laga reebo Marood-jeex.
4 ururka Jamhuuriga xafiisyo kama  furan goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex
5.Ururka NDB xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof goboladda Saaxil,Sanaag iyo Sool.
6 ururka Horyaal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa .
7. Ururka UDHIS xafiisyo ka muu furan Goboladda Sanaag iyo Sool ,mana uu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer .
8 Ururka Badbaado xafiisyo kamuu furan gobolka Sool mana uu buuxin 1000-kii qof ee madax-tabashada ahaa gobolada Sool iyo Sanaag .
9- Ururka Gurmad Xasfiis ka muu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000-kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal.”
Afhayeenku waxa uu si weyn u naqdiyay ururadda hadhay ee mudaharaadka ku baaqay waxaanu u soo jeediyay inay ka xishoodaan ummadda oo ay iyagu is qiimeeyaan galdaloolooyinkoodii sababay inay seegaan ururadda u gudbay marxaladda ka qeyb galka doorashadda Goleyaasha deegaanka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta C/risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale),  ayaa difaacay go’aankooda oo uu ku sifeeyay mid sharci ah oo si xor ah ay u kala saareen ururaddii ay iyagu hore u diiwaan-geliyeen.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in saxaafaddu ay buun buunisay ururadda hadhay oo ay si kale u dhigeen, taas  oo sida uu ku dooday  sii shiday xaaladdii guuldaro ee haystay Ururadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *