Guddoomiyaha haatan ee  Golaha “B”da Samoland, Mudane “C”, waxa muddo aan sidaa u sii fogeyn loo yiqiinney nin oday ah, nabad jecel, wanaag jecel, qunyar-socod ah, daadihiye ah, farxad badan, aan ku degdegin go’aannada, leh saansaan abshir u ah mustaqbalkiisa, isku wada nin

jecel iyo nin necebba, waayo-aragnimo diblomaasiyadeed in kaga filan haysta, oo boggiisa sumcaddu weli cad yahay.

Guddoomiyuhu waxa uu sifaha lahaa  intii uu ku ekaa Guddoominta danaha qaranka ee hawl-maalmeedka u ah xildhibaannada Baarlamaanka. Guddoomiyuhu waxa uu ahaa ninkaa ka hor intii aanu collaysan xilkiisa, kuna darsan han kale oo ka sii madax buuran.

Guddoomiye “C” waxa uu ahaa odaygaa intii ka horreysey dharaar loo cumaamaday “Isla Markaana Ah!”. Waa ammintii ama maalintii loogu dhawaaqay inuu kurisigii hore ku darsaday Guddoomiye Xisbi Qaran. Hah!

Maba ay sii ciririqin sumcaddiisii milgada lahayd ee in badani jeclayd inuu u sii ahaado, ee in yar ka dibba waxa soo baxay Mudane “C” dhab ah. Cirraha dambe waxa uu u xuubsiibtey judhiiba  nin aan hal adkayn. Nin aan hoggaamin lahayn. Nin aan lexejeclo waddaniyadeed lahayn (Waddanigaaba hadh!). Nin aan abaal lahayn. Nin aan dani ka hayn Qarankiisa. Nin jecel ammaanta dhow. Nin aan iska riixi karin ku-guurayaasha. Nin u nugul dacaayadaha raqiiska ah ee didsashada ah, oo loogu toociyo dhabbaha iyo toobiyaha nin ka fiicani u jeexay, oo ka lumisa shakhsiyaddiisa iyo xilalkiisa qaran.

Guddoomiye “C” waxa uu dib ugu siibtey nin siyaasadda xisbigiisu ka sooci weydo siyaasadda xisbi kale oo dhiggiisa ah. Nin rag hore ugu guuldarraystay siyaasaddu sasabtaan sida dhallaanka, oo ku milaan guuldarradooda iyo garaadkooda madhan. Nin u loogay ugu yeedhidda magaca ‘Guddoomiye’ xilkii uu Qaranka uga hayey gole ummadeed, iyo kii uu uga hayey shacabkii taageerayaasha ahaa ee u codeeyey iyo qarankaba xilka Guddoomiye Xisbi Qaran. Guddoomiye “C” waa nin is leh cidbaad dagaysaa oo isaga la dagayo. Waa nin is leh wax baad dabaysaa, oo isaga la dabayo.  Waa nin tiisii oo aan garaadsan, oo la gardaadin, uga guuray mid galbaday oo beri hore god galay, iyo ku aan geddiisaba weli la bixin, oo u badan in gacmo nacab u ah qarankani gaadada ku wataan. Allaa qadhaadhaa!

Isku soo wada duub oo, waxa ‘Guddoomiye’ “C”ga cusubi hadda ugu muuqdaa bulshada nin aanay u kala qaybsanayn, oo ay iskaga gedmadeen, labada xi l  ee  aanu xilka ay ku hayaan si dhab ah u garan, una kala garan. Alle solan siiya se waa leeyahay.

Goldaloolooyinka siyaasadeed iyo kuwa aragtiyeed ee haatan ka soo muuqday Guddoomiye “C” waa kuwo horseedi kara dhawr tallaabo midkood, ama wadartood:

In uu seego ama ay isa  seegaan isaga iyo qaranka uu xilka sare u hayey muddada
In uu seego ama isa seegaan codbixiyeyaasha u cumaamaday xilka Guddoomiye/Founder Xisbi
In uu seego ama isa seegaanba labada xilba oo kuwa booraamaha u hadoodilay, ‘hinjiyaay’ ku qaadaan
In uu lumiyo kalsoonidii ummaddu ku qabtey garaadkiisa, odaynimadiisa iyo waddaniyaddiisa
In uu ku milmo guuldarroolayaasha u nacabka ah qaranka, isaga oo ka rooraya in uu u ahaado guulwade danta qaranka igmaday
In uu tuso da’yarta soo koraysa in aanay lahayn cid ay higsadaan iyo han ay ku taamaan, isaga oo oggolaada in kaabadaha iyo dhaabadaha qaranka lagu bahdalo golaha uu guddoonsho
In uu mudanayaasha golahiisa ku kala leexleexiya, oo mid goonni u cantuujiya, hantidii qaranku ugu huray hoggaaminta danahooda
In  ay kala xidhiidh furtaan isaga iyo karaamadiisu, oo uu la mid noqdo rag hore oo reerahooda iyo ubadkooda debedaha ku soo meelaystay, dalkana kula soo noqda ‘hayaay! Ka soo kacaay, hayaay!
In uu la masoobo ragga cirroolayaasha ah ee facebook’ga ka soo caytama sida carruurta – waa haddii aan carruuriba qorin e!
In uu hoos ugu soo noqdo rag aan maalin qarankan geed isu soo taagin, golena u iman, gammaanna u fuulin, haddana ku faana wax aanay ahayn – iyaga oo moog inaan geesigu raad arooryo dib u raacin qawl iyo ficil toonna
In uu gebi ahaanba lumiyo mustaqbalkiisii siyaasadeed iyada oo hadafkiisii fogaa ay ka qariso hindise dhow oo hummaag ah
Dalka iyo dadkaba waxa dani ugu jirtaa in Ilaahay u soo hadeeyo Guddoomiye “C”, ducadeennana Ilaahay innaga aqbalo – annagana Ilaahay mashaqada Al Shabaab ha naga dul qaado! Aamiin.

Dr. Deria N Jire

Nairobi, Kenya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *