Badhtamihii Todobaadkii tagay waxa  laga  war-helay Golaha Wakiiladda Somaliland  oo si  aqlabiyad ah Qalinka ugu  Duugay xeerka hab maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Goleyaasha Qaranka. Runtii waa Xeer loo baahnaa sababtoo ah 

in la daryeelo, lana darayo tiro madaxda qaranka waa mid daruuri ah oo dalka iyo dadkaba dani ugu jirto, haddii aan lagu badhxin qodobo cid gaar ahi  dantooda ku fushanayso.

Xeerkani waxa uu   xadidayaa mushaharka madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Goleyaasha  Baarlamaanka (Guurtidda Iyo Wakiiladda) malahayaga waxa sidan loo samaynayaa si loo ilaaliyo hantida qaranka si laga hor tago in  la xalaashado cashuurta ummadda laga qaado.

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku waxay sharaf ka mudan yihiin qaranka inta ay xilka hayaan, marka ay shaqadu ka dhammaatana waa in la xurmeeyaa. Xeerkani Madaxweynaha Mushaharkiisa wuu xadiday oo 13 kun oo Dollar ayuu qaataa, marka uu xilka ka dhamaadana wuxuu qaadanayaa  25%,”ayuu ku tiraabay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaxweyne Ku xigeenkuna Marka uu xilka hayo waxa uu qaadanayaa 7 kun oo Dollar, marka uu xilka ka degana waxa uu qaadanayaa 25%. Waxa madaxweynaha iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenkuba waxa kale oo ay noqonayaan xubin sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland halkaasi oo ay haddana ka qaadanayaan Gunnadda Xildhibaanadu qaataan.”

Xeerkani waxa kale oo uu jidaynayaa  in haddii madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku ay geeriyoodaan  in la siiyo  caruurtoodii ama xaasaskoodii 12% mushaharkii uu qaadan jiray inta caruurtoodu ay ka gaadhayso 18 jir. Waxase rayul caamka Somaliland ka yaabisay  qodob ku jira xeerkan oo sad-bursiimo aan caqli-gal ahayn,  lana  jaan-qaadi Karin haynta iyo awooda dhaqaale ee dalka siinaya Xildhibaanada labada aqal ee  Baarlamaanka marka muddo xileedkoodu dhammaado, taasi oo lagu sheegay lacag ambo-bixis ah oo dhan sanad mushaharkii. Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay lacagtan ay qoondaysteen, waxa uu yidhi “Xildhibanaadda Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladda marka xilkoodu dhammaado cidii aan Golaha doorasho mar kale ku soo gelin waxa la siinayaa lacag ambo-bixis ah oo u dhiganta  sanad mushaharkii, waayo iyaga laftooda waxa la rabaa intay degayaan in la siiyo sanad mushaharkii.”

Mudaneyaasha Wakiiladda iyo Guurtidu waxa midkiiba Bishii u xaadiraa Mushahar dhan Todoba Malyan iyo Lix Boqol oo kun oo shilin, una dhiganta $1100. Waana mushahar aad ugu sareeya marka la eego sadexdii gole ee ka horeeyay  Golahan xiligan ee  Wakiiladda ee muddo dhaafay,  waxaanay aqaladii ka horeeyay  ku shaqayn jireen  duruufo ka adag, waxaanay dalka kala soo dabaasheen duruufo badan oo saamayntooda lahaa,  waxaanay  qaadan jireen  lacag dhan 3 milyan oo shilin oo kaliya  marka mushahar iyo gunaba la iskugu darro.

Waxay  Golaha Wakiiladdu ay iska shaxaysteen lacag $13200 (sadex iyo toban kun iyo Laba Boqol oo Dolar) in Xildhibaankiiba  jeebka loogu rido marka ay xilka ka degaan. Arrintaasi waa tudhaale la’aan  ay diiradda ku saareen dantooda iyo calooshooda  oo kaliya.

Qarankan curdinka ah  dhabar jab iyo hantaaqo Maaliyadeed  ayay ku tahay  sida xeerku dhigayo in 164 xubnood ee labada aqal ee baarlamaanka la siiyo lacag qadarkeedu yahay  $ 2164800 oo Dollar.

Xeerkan oo Wakiiladdu ansixiyeen waxa uu u gudbayaa Golaha Guurtida oo iyagana la saadaalinayo inay duuduub ku ansixin doonaan. Waxase la gudboon aqalka odayaasha inaanay khaatumo xumaysan oo ay iska duwaan ceebta xeerkan ee mooskooda taalla, si  aanay Golaha Wakiiladda ula wadaagin magac xumadda xeerkani  ku reebayo Goleyaasha baarlamaanka oo noqon doona naanays aan ka hadhin. Waxa haboon in xadigan lacageed ee sagootiska loogu magac daray looga dhigo ugu badnaan sadex bilood, inkasta oo bulshadda in badan oo  ka mid ahi qabaan in labada sanadood ee ay muddo dhaafka ku sii shaqaynayaan ay ugu filnayd  xuquuq haddii ay bisinka u qabtaan mushaharkooda buuran.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xeerkani ku dambayn doono ayaa looga baahan yahay inuu ka saaro  qodobkan  ay  sharci dejiyeyaashii ummadda matalayay ay danahooda kaga fuudh-yeeleen isla markaana ay  halmaameen  ammaanadii ay qaranka u hayeen.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *