in la daryeelo, lana darayo tiro madaxda qaranka waa mid daruuri ah oo dalka iyo dadkaba dani ugu jirto, haddii aan lagu badhxin qodobo cid gaar ahi dantooda ku fushanayso.
Xeerkani waxa uu xadidayaa mushaharka madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtidda Iyo Wakiiladda) malahayaga waxa sidan loo samaynayaa si loo ilaaliyo hantida qaranka si laga hor tago in la xalaashado cashuurta ummadda laga qaado.
“Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku waxay sharaf ka mudan yihiin qaranka inta ay xilka hayaan, marka ay shaqadu ka dhammaatana waa in la xurmeeyaa. Xeerkani Madaxweynaha Mushaharkiisa wuu xadiday oo 13 kun oo Dollar ayuu qaataa, marka uu xilka ka dhamaadana wuxuu qaadanayaa 25%,”ayuu ku tiraabay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaxweyne Ku xigeenkuna Marka uu xilka hayo waxa uu qaadanayaa 7 kun oo Dollar, marka uu xilka ka degana waxa uu qaadanayaa 25%. Waxa madaxweynaha iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenkuba waxa kale oo ay noqonayaan xubin sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland halkaasi oo ay haddana ka qaadanayaan Gunnadda Xildhibaanadu qaataan.”
Xeerkani waxa kale oo uu jidaynayaa in haddii madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenku ay geeriyoodaan in la siiyo caruurtoodii ama xaasaskoodii 12% mushaharkii uu qaadan jiray inta caruurtoodu ay ka gaadhayso 18 jir. Waxase rayul caamka Somaliland ka yaabisay qodob ku jira xeerkan oo sad-bursiimo aan caqli-gal ahayn, lana jaan-qaadi Karin haynta iyo awooda dhaqaale ee dalka siinaya Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka marka muddo xileedkoodu dhammaado, taasi oo lagu sheegay lacag ambo-bixis ah oo dhan sanad mushaharkii. Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay lacagtan ay qoondaysteen, waxa uu yidhi “Xildhibanaadda Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladda marka xilkoodu dhammaado cidii aan Golaha doorasho mar kale ku soo gelin waxa la siinayaa lacag ambo-bixis ah oo u dhiganta sanad mushaharkii, waayo iyaga laftooda waxa la rabaa intay degayaan in la siiyo sanad mushaharkii.”
Mudaneyaasha Wakiiladda iyo Guurtidu waxa midkiiba Bishii u xaadiraa Mushahar dhan Todoba Malyan iyo Lix Boqol oo kun oo shilin, una dhiganta $1100. Waana mushahar aad ugu sareeya marka la eego sadexdii gole ee ka horeeyay Golahan xiligan ee Wakiiladda ee muddo dhaafay, waxaanay aqaladii ka horeeyay ku shaqayn jireen duruufo ka adag, waxaanay dalka kala soo dabaasheen duruufo badan oo saamayntooda lahaa, waxaanay qaadan jireen lacag dhan 3 milyan oo shilin oo kaliya marka mushahar iyo gunaba la iskugu darro.
Waxay Golaha Wakiiladdu ay iska shaxaysteen lacag $13200 (sadex iyo toban kun iyo Laba Boqol oo Dolar) in Xildhibaankiiba jeebka loogu rido marka ay xilka ka degaan. Arrintaasi waa tudhaale la’aan ay diiradda ku saareen dantooda iyo calooshooda oo kaliya.
Qarankan curdinka ah dhabar jab iyo hantaaqo Maaliyadeed ayay ku tahay sida xeerku dhigayo in 164 xubnood ee labada aqal ee baarlamaanka la siiyo lacag qadarkeedu yahay $ 2164800 oo Dollar.
Xeerkan oo Wakiiladdu ansixiyeen waxa uu u gudbayaa Golaha Guurtida oo iyagana la saadaalinayo inay duuduub ku ansixin doonaan. Waxase la gudboon aqalka odayaasha inaanay khaatumo xumaysan oo ay iska duwaan ceebta xeerkan ee mooskooda taalla, si aanay Golaha Wakiiladda ula wadaagin magac xumadda xeerkani ku reebayo Goleyaasha baarlamaanka oo noqon doona naanays aan ka hadhin. Waxa haboon in xadigan lacageed ee sagootiska loogu magac daray looga dhigo ugu badnaan sadex bilood, inkasta oo bulshadda in badan oo ka mid ahi qabaan in labada sanadood ee ay muddo dhaafka ku sii shaqaynayaan ay ugu filnayd xuquuq haddii ay bisinka u qabtaan mushaharkooda buuran.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xeerkani ku dambayn doono ayaa looga baahan yahay inuu ka saaro qodobkan ay sharci dejiyeyaashii ummadda matalayay ay danahooda kaga fuudh-yeeleen isla markaana ay halmaameen ammaanadii ay qaranka u hayeen.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com