aasay magaalo madaxda Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, Cabdillaahi-Dhoodaan uma baahna is weydiin, iyo Kaalinta uu ugu jirey bulshada afka soomaaliga ku hadasha, balse waxa isweydiin leh sideebaa loo fahmi karaa gabayada uu tiriyey ee Farshaxannimadu ay ka muuqato, sideebaase loo garan karaa afsoomaaliga hodanka ah ee gabayadiisu ay caanka ku yihiin, taasoo ah cilmi gaara oo haddii la fahmo ama laga faaiidaysto laga dhaxli karo barashada dhaqankii sharafta iyo milgaha badnaa ee ay dadkeennu lahaayeen imaka ka hor.
Aniga oo aan faallo badan ka gelin arrimaha caynkan ah ee aynu soo xusnay, aynu soo qaadanno mid ka mida gabayada Boqolaalka ah ee uu dhoodaan tiriyey oo aynu isku dayno inaynu axadhno si aynu u fahamno Ujeedada iyo dulucda uu abwaanku uga gollahaa, waana gabay mar hore iyo mar dambeba inna tusaya xeel Fogaanta gabayada dhoodaan oo mudan in lagu sheego inuu dhaxalgal yahay mahadhona uu reebay, mar kalana muujinaya haddii uu dhoodaan geeriyoodey inuu ka tegey murti dhaxal gal ah oo kolnaba geeriyooneynin, inta bulsha soomaalida ahi nooshahayna la maali doono.
Waa gabayga la baxay Xulub Socod ee uu Cabdulaahi-Dhoodaan mariyey 1973kii isaga oo Muqdisho jooga. Xulub Socod waa gabay murti la ciiraya oo maskaxda riminaya, waa dhaliil cilmiyeysan, waa dhiirigalin wadani, waa guubaabo siyaasadeed, waa dagaalgalin, waa kicin iyo abaabul heer sare ah oo ku jaxaasan af Soomaali hodan ah.
Saddex qolo ayuu saddex dareen oo kala duwan gabaygani ku dhalinayaa. Saddexdaasi waxay kala yihiin: dadyawga dunida saddexaad, Soomaalida iyo ummadda Soomaali Galbeed(ogaadeen).
Soomaalida wuxuu dareensiinayaa in Tawraddii Barakaysnayd ay is wada qalatay, wax talo ah oo ay gacanta shacabka kusoo celinaysana aanay jirin. Wuxuu Soomaalida uga digayaa qoysqoyska iyo kala qoqobka. Ma uu aaminsana marin habaabinta Soomaalidii u qaybisay saddex kacaan ah iyo saddex kacaan-diid ah. Wuxuu raadgoobayaa isku kalsoonidii Soomaalidu horay u lahayd. Wuxuu hor istaagayaa qosolka baadhashada iyo laaluushka ah ee baddalay kii jacaylka iyo xiisaha ahaa. Aqoonyahanka iyo waxgaradka Soomaalida ah ayuu canaananayaa isagoo diiddan damaca xukun doonka ah. Danta guud eega ayuu leeyahay. Caddaalad-darrada iyo jawrfalka ka imanaya kuwii xaqsoorka iyo xeer ilaalinta lagu aaminay ayuu ka dagaalamayaa. Diin ku qadhaabsiga, musuqmaasuqa iyo damaca gaarka ah ee is barkan ayuu qeexayaa bulshadana ka badbaadi is leeyahay.
Shacabka Soomaali Galbeed inaan ciddina u maqnayn ceelna u qodnayn ayuu taabsiinayaa. Wuxuu abuurayaa dareen ay ku faaloodaan indheergaradkii iyo aqoonyahankii uu kacaanku cabudhiyey. Wuxuu ka gadoodsan yahay dhalanteedka ah Kacaanka ayaa idiin hadlaya oo idin matalaya ee idinku juuq ha odhanina sida uu gabaygiisa kaleba ku caddeeyey “shib ahow waxaa yidhi anaa kuu shaxaad tagiye.” Wuxuu jecelyahay in dadkiisu isku tashado oo aanay waxba ka sugin Kacaan uu heeryadiis cune u arkaayey.
In kasta oo uu gabaygu taataabtay dhinacyo badan oo xaaladihii berigaa jirey ah, haddana wuxuu Cabdullaahi-Dhoodaan maansadan xooggeeda kaga hadlayaa gardarrada iyo gaboodfalka nooc walba leh ee lagu hayo ummadaha dunida saddexaad, iyo sida aanay uba dareensanayn dibindaabyada joogtada ah ee dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, ciidan iyo caqli. Sifaynta dibindaabyooyinkaas faraha badan ayuu ku talaxtagayaa. Wuxuu ina dareensiinayaa inaan mar qudh ah dunida saddexaad laga dhexbixin. Waa la jilgurayaa iyada oo dabayl yar oo neecow leh lagu afuufayo – sabaale iyo seexin ahaan, iyaguna hurdo-dakhar ayey ku jiraan.
Mar kale, kolkii beeralayda dunida saddexaad dalagu u go’ ee ay bakaaruhu u buuxsamaan ayey Reer Galbeedku gallay ama qamandi baartay meel walba kasoo buuxin. Caawimaad ayaanu idin siinay ee duceeya ayaa lagu odhan. Markii dalagii sanadkan baxay ay suuq u waayaan, beeralaydu sanadka dambe xabbad firi ah dhulka ku ridi maayaan ama dalag kale oo reer galbeedku jecelyahay oo aan reer guriga wax nacfi ah u lahayn ayey beeri. Haddaba, dunidii saddexaad rootiga ayey isku wada layn. Ummaddii markii ay sidaa darteed xaasaan (qof dhiigga laga miiray) noqdaan ayaa la wada dabi oo dibadaha loo daadgurayn. Dibadda ha tageene, qofkii cilmi leh, waxgarad ah ama waxbartay dib usoo noqon maayo. Dunidii saddexaad ee waxbaanu caawinaynaa reer galbeedku lahaa ayey caqliga ka deebxaadhayaan oo ay ka xaabo-gurataynayaan. Waxay ku hayaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo brain drain. Kolka ummaddaa dhinac walba laga curyaamiyey sidee ayey isku-filnaansho ku gaadhaa ama iyadu isu quudisaa?!
La soco………………….