Gabaygan waxaa curiyay abwaan DEEQ MAXAMED NUUX {deeq dheere} abwaanku wuxuu kaga hadlayaa  dhibaatooyinka uu qaadku ku leeyahay bulshada Soomaalida iyo sida aanu aduunka kale ula qabin dhibkaa  wuxuu abwaanku sheegayaa sifooyin

aad u khariban oo qofka qaadka cuna lagu yaqaan iyo kuwa markuu cuno ka bacdi lagu arkaba
waxaanu ku bilaabay sida tan:-

Qarnigii la joogaaba waa qoomam gooniyae
Qasaarahan dad haystaa ma jirin qaybihii tagaye
Qaribaadan taalaana waa qaadiyo ehelkiiye

Qac ka siiya iyo fuuqsabay qurux is moodaane
Qiijinta sigaarkaa uga roon qaalma dayr dhal ahe
Qamrigoo la fuuqfuuqsaday qaac is bidayaane
Nayn naynta qaaday la tahay inay qudh gooyeene
Markuu qaadka yara raamasaduu qaraxya sheegtaaye
Markaasuu qaraaba iyo ehel qururux moodaaye
Dadku waa qaniinkoo kaluu qiil ku sheegtaaye
Anigaa u wada qamarjiyuu qawl yidhaahdaaye
Haduu meel ku yara qayliyoo qarashna waydiiyo
Uu laba marduuf oo qariban dayn u sii qaato
Inuu qayrki dhaafay la tahay qaaxaduu cunaye

Afkoo deeb leh buu soo qoslaa waana qaab nacase
Qurux bay la tahay oo ma oga qoomaduu yahaye
Siduu qaydhin cunay buu afkana qori mudmudayaaye
Markaasuu qiyaas uma socdee qararaf leeyaaye
Quusan maayo jeeruu inuun yara qaniinaaye
Qaadkan aad arkaysaana waa quudul xaaraane
Soomaaliyoo qudhuu qaatay oo dilaye

Qaranada kaleetaba ma jiro ciidan qayilaaye
Allahayow adaa qaadiroo noo qadaray saase
Naga qabo balaayo iyo qaxar qaadir baad tahaye
Dadkan qolof engagay ee hadana qaadka uun cunaya
Ee wada qalooca u socdee qaladka uun ooga
Uu qaatay baladaa iblays noo qurxiyay  haatan
Ee wada qamuumyaysanee qarash uun doonaaya
Waxaasoo qafladina eeboow qaadka weeyaane
Naga qabo balaayo iyo qaxar qaadir baad tahaye

By Deeq Maxamed Nuux (Deeq Dheere)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *