qoraalFoolxumo iyo fadeexad aanay Somaliland iyo Madaxwayne Silanyo toona u baahnayn ayay dhawr nin abuureen. Alaylehe way abuureen, oo maanta meel laga gaadho aan la helaynin. Dhawr qof oo ay ka mid yihiin

 

Wasiir ka Warfaafinta, Agaasimaha TV ga Somaliland iyo, wiil wariyayaasha dhawaan soo baxay ee qurbaha ka yaacay ka mid ah ayaa fadeexad aan loo fadhiyin soo xoogsaday. Waa shakhsiyaadka la dagay TV ga Somaliland, ee ka dhigay meel la I su mariyo fariimo madhan oo weerar iyo weerar celis ah.

Habeenkii Salaasadda ee Arbaacadu soo galaysay, waa 4tii Febraayo, 2014, ayaan TV ga soo hor fadhiistay, waxaanan ku soo beegmay iyada oo warkii soconaayo. Gabi ahaan ba warkii habeenkaas waxa gooni loo ga dhigay sheeko ku saabsan Universal TV iyo barnaamij aan horey loo aqoonin, laakiin hadda caan noqday oo Faaliyaha Qaran ka la yidhaaho. Marka uu wariye gobol ama degmo joogaa qayb warka ka mid ah ka baxo ba, mid kale ayaa soo galaayay, waxay se ka hadlaayeen isla qodob kii uun – Universal TV. Waxay keenaayeen dadyaw tiro badan, oo aad u ka la duwan, waxad na moodaysay in ay dadka oo dhami isku hal fasal ka soo wada baxeen. Mawduuca ay ka hadlaayeen oo kaliya uuni isku mid ma ahayn, xataa kalmadaha afkooda ka soo baxaayay baad moodaysay in warqad loo gu wada qoray.

Shakhsiyaadka TV ga masuulka ka ahi habeenkaas waxa ay bixiyeen sawir ah in umadda oo dhami, Bari ilaa Galbeed, yar iyo wayn, rag iyo dumar, ay ka wada cabanayso Universal TV. Waxa aan hubaa in aanay dadka badankoodu aqoonin ba TV gaas iyo Faaliyaha Qaranka toona. Nidaamkii dawladnimada, sumcaddii Madaxwaynaha qudhiisa, iyo sharaftii dadwaynaha ba dhawr nin baa dhulka jiiday. Tan oo kale hore ayay u dhacday. Mar imika sanad la ga joogo, ayaa gacanyarayaasha Madaxwayne Silanyo midkood, uu caalamka oo dhan u sheegay in Madaxwaynaha iyo xaaskiisa ba la caayay. Wuxu sheegay in caydaas loo gu soo gudbiyay fariin gaaban oo mobile ka loo gu soo diray, TV yada ayaanu ka sheegay. Wuu sheegay oo hadana sheegay. Caydii oo aanay cidina ka war qabin ayuunbaa dadkii oo dhan la wada ogaysiiyay. Ma wax bay qaribayaan mise way saxayaan? Somaliland ma is qabato miyaa?

Hadiiba uu TV gu qalad galay, waxay ku haboonayd uun in shaqadiisa la hakiyo, ka dib na, maxkamad loo diro si ay u gu hesho ama u gu waydo waxa dawladdu ku eedaynayso. Markaas ka dib ayaa ruqsadda la ga qaadi lahaa haddii wax lagu helo. Sidan imika la yeelay waxay keentay midho ka duwan kuwii loo la jeeday kolkii hore.
Dawladdii iyo umaddii oo dhan baa la ga dhigay in ay tamar daranyihiin, oo ay cabanayaan. TV ga ruqsadda la ga qaaday ayay ahayd in uu cawdo, ma ahayn in darafkii awoodda lahaa uu cawdo. Ma ahayn in dadwaynaha oo dhan la soo kiciyo, oo qof kasta ba afkiisa in uu furto, oo waxa uu rabo ku hadlo loo fasaxo. Ma ahayn in qadiyadda la sheegaayo ee Somaliland la ga dhigo mid ku burburaysa hal barnaamij oo waliba kaftan ahaan loo la jeeday. Barnaamijyada ay sii daayaan TV yada iyo idaacadaha wadamada saxaafadda xorta ahi ka jirto, ee madaxda la gu dacayadeeyo, ma aha wax xuduud ba leh.

Aniga oo og in aan aad la isu dhagaysanin ba, haddana wixii meeshaas ka xumaadaa aad buu ii damqaa, waxaanan ku talin lahaa in ay Somaliland guud ahaan ba hoos isugu noqoto. Waxan ku talin lahaa in sidan si dhaanta loo gu jiheeyo TV gaan lacagta tirada badani ku baxdo, ee hadana xaalkiisu macno la’aanta ku dhawyahay, ama dhaafay ba heerkii macno la’aanta. TV gu haddii uu noqdo Aalad u dhisan guulwadayn iyo buunbuunin hadba kooxda wadanka maamusha, wuxu noqonayaa sida TV ga Somaliland noqday oo kale, cid war u doonanaysaa na ma jirto.

Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *