maxaa sababay sicir-bararka dhan walba ka saameeyey bulshada? waa maxay lacagta electorooniga ahi ,saamayn intee le’eg ayey ku leedahay dhaqaalaha wadanka? Su’aalahan iyo kuwo kaleba waxa is waydiinaya dadwaynaha ku dhaqan dhammaan goboladda Somaliland dhibaatadan
oo saamaysay dhamaan bulshada mid ku shaqeeya iyo ku aan shaqaynba.Hadaba si aanu wax uga ogaano xogta ka dambaysana ugu soo gudbino umada ayaanu baadhis ku samaynay, baadhistan oo soo bandhigi doonta xogo dahsoonaa, kuwaasi oo aanay bulshadu ogayn balse qoraalkan aynu kusoo bandhigi doono.
Sidaynu wada ogsoonahay dalkeenan Somaliland waxa uu leeyahay astaamo qaran isagoo isla markaana buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dawladnimo,waxa kale oo aan la soconaa in aynu leenahay lacag, lacagtaas oo dalka oo dhan laga isticmaalo (Somaliland shilling) dal kasta oo jiraa waxa uu ku macaamilaa ama isticmaalaa lacagtiisa, waxaan ognahay in dalkeena laga isticmaalo (dollarka) oo ay ganacsatadeenu wax ku iibiso waxna ku iibsato, hay’adah maxaliga ah, kuwa dowliga ah iyo maalqabeenaduna ku bixiyaan mushaharooyinka, halkay ahayd in ay isticmaalaan lacagta dalkeena(Somaliland shiling), arrimahan iyo kuwo kaleba waxay keeneen in maalinba maalinta kadambaysa meesha ka baxdo isticmaalka lacagta dalkeena.
Hadaba waxaynu la soconaa markii ay xukuumadan cusubi dhalatay ay wasaarada maaliyadu qaaday talaabooyin lagu xakamaynaayo dollarka taas oo wasiirka maliyadu Eng:Maxamed Xaashi soo saaray wareegtooyin uu ku mamnuucayo in cashuurta dawlada lagu qabto dollar waajibna kagadhigay in lagu bixiyo shilinka Somaliland taas oo uu markaa sabaynta dolarku yara joogsaday balse aanu halkaa ku ekaan isbadalka dolarku ilaa hadana aanay maamuli karin dawladu sababo jira awgeed. Hadaba waxa meesha ka saaray isticmaalka shilinka Somaliland adeega ZAAD service ee ay bixiso shirkada Telesom kaas oo ka awood batay baanka dhexe ee dalka isagana hada uu gacanta ugu jiro dalacaada dollarka iyo dajintiisuba, hadaba aynu inyar ka faaloono adeegan siduu u shaqeeyo, dalalka hore looga isticmaalay ee laga joojiyay, meelaha uu imika kashaqeeyo, cida gacanta ku haysa, dhibaatooyinka laga dhaxli karo.
Ugu horayn aynu soo qaadano waxa uu yahay barnaamijka loo yaqaan ZAAD service , waxaan ognahay in uu yahay message numbers-ah oo lagu isticmaalo mobile-ka gacanta taas oo ah nambaris wareegaya ah isla markaana ku qiimaysan dollar, oo bulshadu u isticmaasho lacag qalaad (Dollar), halka ay ka isticmaali lahayd shilinka Somaliland kana saartay meesha isticmaalka lacagteena, dawladnimadiina si xooga u saameysay.
Dhanka kalena aynu ka eegno, lacagta dollarka ah ee kaashka ah ee qofku sito waxa loogu badalayaa message nambaris ah, shirkadan adeega fulinaysaana waa telesom ay lahadhay kaashkii isla markaana ay awood u leedahay una madax banaantahay message-kaa ay u dirayaan, taasi waxay la micno tahay inay samaysan karaan inta ay doonaan, waxay taasi ka dhiganatahay nin haysta makinada so saarta dollarka foojariga ah oo sikale loo galiyay bulshada, nambarkaas aan lakaantaroolayn ayaa sababay samaynta dollarka iyo sixir bararka kor usii socda.
Tusaale ahaan hadii dalka bishii ay dhex wareegi jireen 2 million oo dollar oo ay ku dhacdo ZAAD service 3milyan waxa hoos udhacaya doolarkii islamarkaa shirkada qasnadeeda waxa kudhacaya kaash kii oo dhan halka dadwaynihiina ay ku wareegayso nambarisku
hadaba sidaynu lasocono wadamadu kasooshaqeeysay lacagtan electronig ahi waxay ahaayeen qaar kamida wadamada barriga europe kuwaas oo uu dhaxalsiiyey in ay dhamaan baabiiyaan albaabadana loolaabay baanankii dalalkaas kadib ay go,aansadeen inay joojiyaan.
Dhanka kale waxa uu imika kasii shaqeeyaa laba dal oo aynu ku jirno, aynu soo qaadano dalka kiiniya(M-pesa) oo uu imika kashaqeeyo isla markaana ay maamusho dawlada dhexe ee dalaasi kaantaroolkeedana leeyahay baanka dhexe ee dalkaasi, sidoo kale isgaadhsiinta lagu isticmaalo ay gacanta ku hayso dawladu, halka Somaliland ay maamusho shirkad gaar loo leeyahay taasoo iyadu hadba sidii danteedu ku jirto ugu macaamisha, waxa kale oo aan ognahay barnaamijkan ZAAD aanay xukuumadu wax cashuura ka qaadin, isla markaana shirkada samaysatay faa’iido badan ku qabto awgeed ayna wax khidmada kaqaadin dadka isticmaala.
Lasoco……….
Nimcaan Axmed Dagaal