Tan iyo bilawgii dabayaaqadii sanadkii hore, Somaliland waxaa kusoo badanayay Shaksiyaad iyagu Mansabyo ku samaysanaya xilal cusub oo aan hore

dadkeenu u aqoon waa Titale cusub oo ah u Qaabilsanaha Warbaahinta Meel Hebla.

Shaqsiyaadka wata xilalka cusub ee abaabula shirarka saxaafedeed ee masuuliyiinta xukuumadda, ama kuwa axsaabtu qabtaan, waa kuwo marka hore shardiyan ah in uu qofkaasi yahay mid masuulku Adeer u yahay, ama ay isku caaiyalad yihiin, kaas oo ka codsanaya inuu ka dhigo Adeegaha Saxaafada u yeedha marka ay hadlayaan, ama shirar jaraa’id qabanayaan.

Waa Dilaal Weynaaday oo kala dilaala saxaafada iyo masuuliyiinta meeshaas, waa haldoor ku caanbaxay lunsashada lacagaha yar-yar ee ”service ah” ee warbaahinta la siiyo, waa shakhsi ku caanbaxay cunsuriyad iyo qabyaalad kadib markuu arkay saxaafad badan oo u jajaban una adeegta danihiisa, waxaa galay Hunguri waxa uu isku bedelay derejo ah Xoghayaha Warfaafinta Meel Hebla,  Waa waraabe u taag  baqsa warbaahinta waxaana uu lacago ku soo qaataa baahinta baro- bugaandho,  isagoo adeegsanaya dhowr shakhsi oo uu ku maxaafsado.

Waxa uu fadhiisanayaa xafiis masuulkii lahaa ka maqanyahay waxa uu si degdega ugu yeedhayaa dhawr Weriye oo gacanyarayaal u ah waxa uu afxuma iyo cay u geysanayaa masuul qaran waxaana uu ku sheegayaa nin musuq-maasuqa ku caanbaxay, hada oggow kan musuqmaasuqa cid  ku eedaynayaa waxa uu lunsadaa lacagihii warbaahinta loogu talo galay yaab, waxaase ka daran weriyeyaasha wax ka duubayaa way ogyihiin waxa uu yahay, balse maxaa indhaha qabtay oo ay dadka ugu baahinyaan taas ku dheeraanmaayo.

mararka qaar waxa uu iska dhigayaa afhayeen meeshii uu joogay ah waxa uu si khaldan ugu hadlayaa Afkii Hay’adda, ama goobta uu xilka isugu magaacbay, waxayna ficilada iyo odhaahaa uu akhriyayaa sababayaan inuu iska horkeeno xisbigaa, Hay’adda, ama xarunta uu xilka magac u yaalka ah ka samaystay iyo suxufiyiinta qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo Bulshada.

Hase yeeshee waxa is weydiintu tahay sababta ay madaxdaa iyo musuuliyiinta shaqsiyaadka sidaas ahi u arki waayeen dilaaliinta u dhuumatay, ma ka fekereen waxa uu qabanayo, ama ma la socdaan waxyaabaha cadaawada usoo jiidaya ee sumcada ka dilaya ee ay samaynayaan is magcaabayaasha oo ay kuwa shaaxaadaana ugu yeedhaan magacyo iyo taytalo aanu lahayn, sida ”XOOG HAYE” iyo kuwo kale oo been-been ah, balse uu isagu u riyaaqo.

Shaqsiyaadka sidan ah waa kuwo ka dilaala siyaasiyiinta waxayna u dilaalaan saxaafada, iyagoo u sheegaya inay gacanta ugu hayaan warbaahinta oo ay wada shaqayn fiical la leeyihiin, waxayna iska dhigaan inay yihiin albaabka laga galo siyaasigaas, waana isku diraha dadka iyo siyaasiyiinta iyo weliba saxaafadda oo ay nacsiiyeen qaar badan ka mid ah siyaasiyiinta, ama masuuliyiinta Hay’addaha kale.

Gebagabadii dilaaliinta saxaafada iyo xarumaha dowlada xisbiyada qaranka iyo ururada maxaliga ah maxaa uga meel yaala weriyeyaasha, warbaahintu ma isku raacsanyihiin sumcad dilka ay dilaaliintaasi ku hayaan warbaahinta oo ah dhaqan foolxun oo kusoo kordhay goobaha wararka iyo xafiisyo baddan oo kala duwan.
Ugu danbeyn waxaan fikir iyo talo ku siinayaa weriyeyaasha aan isku mihnada nahay inay iska ilaaliyaan dilaaliintaas oo ka dhiidhiyaan.

Qalinkii Suxufiga/Abwaanka Calimahdi jibriil xasan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *