Boorama11Boorama(Arraweelo News)Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa noqday kuwa bixiyay dhaqaalaha ugu badan ee lagaga qayb qaadanayay dib u dhiska wadada isku xidha Dilla iyo Boorama oo

Madaxweynaha Somaliland maanta xadhiga ka jaray. Kadib markii lasoo gebagebeeyay.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha Dahabshiil Group  Prof. Xasan Xiis oo hadal ka jeediyay maanta munaasibada loo qabtay dhamaystirka wadada isku xidha Dilla iyo Boorama oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Camuud Universtiy ee Boorama ayaa sheegay in ay sii wadaayaan taageerada dhaqaale ee ay kaga qayb qaadanayaan dib udhiska dalka iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana ay Dahabshiil Group ku caan baxday in ay door muuqda ka qaadato dib u dhiska adeegyada aasaasiga ah si bulshada wax loogu celiyo.
Prof. Xasan Xiis waxa uu sheegay in aanay ahayn doorka ay qaateen dhismaha wadada Dilla iyo Boorama kii u horeeyay, balse ay shirkaddaha Dahabshiil Group caan ku noqdeen taageerada dadkooda oo ay mar walba u heelan yihiin. Sidaa awgeed ay sii wadayaan taageerada dhaqaale ee ay kaga qayb qaadanayaan dhismayaasha wadooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo uu xusay in ay sii laban laabayaan marba mark aka danbaysa oo aanay ka caajisayn.
Dahabshiil waa shirkadda dhaqaalaha ugu badan ku bixisa, isla markaana ka qayb qaata adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada sida Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Wadooyinka, adeegyada kale ee bulshada oo ay mar walba safka hore ka gasho, taas oo ay kalsooni iyo sumcad balaadhan kaga kasbatay Bulshada.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *