Bismilaahi raxmaan raxiim, Salaamacalaykum
”Ciidamada Somaliland ee aad xukunto oo dhan,iyo hubka aay haysataan oo dhan haddii aad isu keentan,si aay idinla hirgeliyaan BILILIQADAN khayraadka dalka ee ay hormoodka ka tahay xukumada Siilanyo kuma hirgelin kartaan,Digreetadan kasoo baxday madaxto yadana kuma hirgelin kartaan”’waana Digreeto Calaa-fashuush ah”
”Ciidamada aad Xukunto oo dhan hadii aad isu keentid iyo Hubka Tiknikada ah kuma ilaalin kartid Beentan Faashilka ah ee ku salaaysan qoditaanka shidaalk,hadii aanay xukuumadu qorshayn qorshe Dawladnimo oo Bulshada iyo qaranka u cuntama”
Horena waan idiinku sheegay,Dawladii Ruushka ayaa quwadeedii ciidan iyo saanad dagaal,Karayaal,Madaafiic,PM,diyarado,ku ilaalin kariwayday Beentii shuciyada marka ogaada in BEENTU aanay difaacba lahayn.haku khaldamina qaranka iyo dalka.
Xaqiiqada ilahay waa ka awday Xukuumadan Siilanyo.Dalkan aad u hanqal taagaysid ee Gobolada bariga bulshada degan Xilbaa ka saaran Xilka ka saarana waa Bulsho ogsoon.Horena waay uqabsatay Wajibkeedii maantana waay gudan doonta waanay difaaci doonta insha allahu uma Baahana foodsaro qoditaan shidaal lagu dilaalayo malaayiin doolar oo xaaran ah.wax qarsooni majiraan.
”’Cariishku hadal maqariyo lakiin hilib waa qariyaa”’Madaxtoyadu hadal maqariso lakiin waay qarisa Qadarka dilaal nimada.waanu ogsonahay Xukumadan Somalia in aaydin ka midaysan tihiin Qoditaanka Food sarashada ah.surtagala maaha in Bulshada aqoon yahankeedu indhaha ka laliyaan oo isdiid siiyaan in aay Bulshada u soo bandhigaan SIRTA fashilka ah ee aay hayaan.iyagoo inbadan isdiid siinayay rajo aay ka qabaan xukmada awadeed.maanta se waay Rajo Beeshay,wanuna soo tebinayna xogaha aanu haayno ee ah Sirta ku duugan Qoditaanka shidalka Dalka.
gebogebog:
Madaxtoyadu waa Cariish,Cariishna hadal maqariyo lakiin hilib waa qariya’
Muse Gaadhane.
duale@hotmail.com
Birminham-Uk