DSCN0389Hargeysa(Araweelo News Network)Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo ah Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ka qaybgalay

 

saaka Bandhiga Carwadii Lixaad ee lagu soo bandhigay Somaliland oo lagu qabtay Hool dhisme cusub oo dhowaan laga sameeyay Guuleed Huteel ayaa la kulmay ganacsatada yar yar ee nasiibka u yeeshay in ay ka qaybgalaan Carwadaa oo ay soo qabanqaabiyeen rugta ganacsiga Somaliland.

DSCN0394

 

Cabdirashiid Ducaale oo ka hadlay furitaankii Carwada waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin bandhiga Carwadaa, isla markaana ay soo dhowaynayaan oo ay fursad siinayaan ganacsatada yar yare e ay hada ugu horayso in ay soo bandhigaan ganacsigooda ee kasoo qaybgalay Carwada.

DSCN0388Waxa uu tilmaamay ahmiyada ganacsiga iyo sidii loo xoogin lahaa waxsoo saarka dalka oo uu sheegay inuu u  baahanyahay  dedaal iyo dhiiri gelin, wuxuuna markaa ka dib booqday goobaha laga siisayay ganacsatada soo bandhigay wax-soo saarka dalka oo uu sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), waxa uu la kulmay oo xogwaraysi la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatadaa soo bandhigay wax soo saarkooda, kuwaas oo uu ku booqday goobaha ay ku hayeen waxyaabaha ay soo bandhigeen, isagoo kala hadlay waxa ay danaynayaan iyo mushkiladaha ay la kulmaan ee carqalada ku ah wax soo saarkooda.

DSCN0380

Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa ku wargeliyay ganacsatada uu xogwaraystay  in ay danaynayaan Dahabshiil Group wax soo saarka dalka iyo sidii loo dhiirigelin lahaa Wax soosaarka Beeraha iyo Khayraadka kale ee dalka, waxaana ganacsatada yar yar ee uu kula kulmay Carwada ka mid ahaa Laba Haween ah oo soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Guryaha ee Reer Guuraaga ah iyo Haweenay kale oo kusoo bandhigtay Carwada khudrad kala  duwan, kuwaas oo uga waramay waxyaabaha ay soo saaraan iyo mushkiladaha ay la kulmaan oo uu balanqaaday in ay wixii karaankooda ah ka qabanayaan, isla markaana Dahabshiil Group ay diyaar u tahay mar walba kobcinta dhaqaalaha dalka, dhiirigelinta Ganacsiga iyo sidii shaqo abuur loo heli lahaa, wuxuuna ku dardaaray ganacsatada yar yar ee uu la kulmay in ay sii laban laabaan dedaalkooda si ay uga midha dhaliyaan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *