Eng. Abdi NoohMuwaadin ka mid ah qurbe-jooga reer Somaliland ee kusoo laabtay dalka ayaa sheegay inuu xal u hayo sidii loo yarayn lahaa dhibaatada xaalufka soona bandhigay taas bedelkeeda oo ah Wershed Dhuxusha

samaysa, balse waxa uu sheegay in uu taageero u waayay hindisahaa.
Qoraal dheer oo ah baaqiisa ku wajaahan qaylodhaanta Xaalufinta Deegaanka iyo qorshaha hindisihiisa ayuu soo gaadhsiiyay shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com, wuxuuna ku bilaabay sidan:-
“Madaxweyne ku xigeenka JSL  Mudane Cabdiraxamaan Ismaaciil Saylici wuxu fariin cod dheer u diray mar uu ka qayb galay Bandhiga Cilmiga tamarta oo Wasaaradda Macdantu ka furtay magalada Hargeysa 17-19  december 2013 ,bulshaweynta Somaliland iyo dhamman cid kasta oo ka damqanaysa dhibaatada baahsan ee salka ku haysa xaalufinta iyo nabaad guurka  degaanka dalka ( The deforest ration and desertification of the country) isaga oo halhays uga dhigay nuxurka fariintiisa: Baaq 30% lagu yaraynayo soo saarista dhuxusha.
Ugu horeyn waxan uga mahad celinaya Madaxweyne ku xigeenkaSomaliland Mudane Saylici iyo madaxda kale ee reer Somaliland inta gudanaysa ama garanaysa waajibaadka loo igmaday, sida ay ugu heeganyihiin shacabkooda saboolka ah iyo wadankoodaba, waana astaamaha lagu garto hogamiyayaasha dhabta ah waayo xilku waa masuuliyad shaqo laguna abaal mariyo qofkii mutaysta.
Marka aan usoo laabto ujeedada maqaalkayga, waxan ahay muwaadin reer Somaliland ah kana maqnaa wadankisa hooyo muddo 25 sano ah, waxaan wax u soo bartay wadankayga iyo shacabkayga. Si aan u celiyo qayb ka mida abaalka iyo waajibka muwaadinkasta wadankiisa iyo umadiisu ka sugayso , waxaan go, aan saday in aan ku soo laabto wadankayga kana qayb qaato horumarka iyo dib u kocbinta asaasayashii dhaqan dhaqaale iyo kaabayaashii bur-buray inta awoodayda ah, isla markaana ka mid noqdo dhigayga danahoodii gaarka ahaa ka doorbiday ta bulshaweynta guud iyo wadankoodii hooyo.
Run ahaantiina waxaan la imi fikrado cusub oo wax lagaga qabanayo arrinta maanta Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuha Xuseen Cabdi Ducaale qaylo dhaanka ugu direen shacabkooda.
19 August 2012, waxaan Madaarka Berbera kala soo degay shan iyo labaatan kiilo oo dhuxul ah, taas oo ka samaysan  dhirta iyo hadhaayada qashinka  aan anfaca u lahayn dadka iyo xoolaha ( 25 kg of charcoal briquettes) sidoo kale waxan sitay  agab casriya  oo ah shoolado dhuxul ku shaqaynaya, kuwaas oo aan ku soo ikhtiraacay dalka Denmark.

Samaynta dhuxushani waxay qayb ka ahayd waxbarashadaydii heer Jamacadeed iyo booqosho aqoon korodhsi ( intership) aan ku tegey wadanka Kenya .  Riyadaydu waxay ahayd oo aan ku hamiyiyayey xitaa markii aan waxbarashadda ku jirey  in aan ka higeliyo wadankayga  wershedii ugu horeysey ee dhuxul ka samaysa dhirta aynaan manaafacaadsan sida garanwaaga, garaabada qaadka, hadhaaga Beeraha, qashinka khudrada iyo weliba qashinka waxa loo yaqaano orgaaniga (the organics).
Dhuxushan oo kale  waxa laga isticmalaa wadamo badan oo ku yaala aduunka , runtiina way ka tayo badantahay kana jabantahay dhuxusha aynu inagu isticmaalo ujeedada ugu weynina waa in lagu badbaadiyo degaanka.  Anigoo ka midho dhalinaya himiladayda waxan markiiba ka hawl galay xidhiidhna la sameeyey Wasaarada Deeganka iyo horumarinta Reer Guraaga, waxan xidhiidh la sameyey wasiirkii hore ee Degaanka  Maxamuud Gacamey , una soo bandhigay barnaamijkayga  ku wajahan arrintaa.
Xog wareysi dheer ka dib waxan usoo bandhigay wasiirka gudoonsiiyayna qorshaha aan ku hawlgelayo oo ka kooban Buug ah26 safxadood  lana dhaho: ( A proposal on promotion of Charcoal Briquettes as an alternative to fuel wood for cooking and heating purposes in the towns and villages in Somaliland).

Wasiirku aad ayuu ugu riyaqay fikirkan curdinka ahaa kadibna waxaanu isla qaadanay in wadajir ahaan isagoo metelaya dawlada uu wasiirka ka yahay iyo anigoo ka wakiila shirkadayda Horn Alternative Energy Company aanu socodsiino kana hawl galo sidii looga midho dhalin lahaa mashruucan wax ku oolka ah.  Wuxu wasiirku xusay in dhibaatada xaalufka degaanku ka mid tahay mushkilad soo jirtey ilaa intii Somaliland dhidibada loo unkay, ilaa iyo haddana aan lagu guulaysan xal u helida,dhaqaalena aanay wasaaradiisu  u hayn si ay wax  iigala qabato mashruucaa, balse uu ku dedaalayo in uu horseed ka noqdo hirgelinta wershed noocan ah oo ay yeelato Somaliland.
Hase yeeshee taa bedelkeeda waxan ka codsaday  Wasiirkii hore ee Deegaanka Maxamuud Gacamay in uu dhex dhigo mashuuracan kulanka todobaadlaha wasiirada iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, taas oo aan uga jeeday si ay fariintaydu u gaadho Madax weynaha iyo wasiirada ay sida gaarka ah u khusayso arrintani, haddii ay suurta gal tahayna marti qaad iiga diyaariyo si aan u soo bandhigo fikirkayga.
Nasiib darro may dhicin in aanu is hor fadhiisano raga mindida daabkeeda haya, talada iyo masiirka umadana iyagu gadh wadeenka ka ah. Waxan si hagar la,aan ah u watay shaqadaydii waxanan iclaamiyey mashruuca badbaadinta degaanka iyo sidii loo heli lahaa agab yareeya isticmaalka dhuxusha, kaas oo aan ku qabtay Huteel Xaraf 23/ 10/ 2012, iyadoo Wasiirka Deegaanku furay xiligaa bandhiga.

Soo bandhigida qorshahayga waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday Dawlada Somalialnd, Haya’ddaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah, ururada dhuxulaysatada iyo marti sharf kale oo aanu kusoo casuunay, iyadoo aanu kusoo bandhignay agab yaraynaya dhuxusha aynu manta isticmaalo  50- 70% loona yaqano (Save70 energy efficient cook stoves )  laguna hindisey wadanka Denmark,  isla markaana  lagu sameeyey wadankeena ka dib markii aanu tababaray dhalinyaro aan xirfad hore u lahayn si ay mihnad farsamo u helaan una sameeyaan shooladahan dhuxusha ku shaqaynaya, sababta oo ah dhuxusha wershedu soo saari doontaa waxay u baahantahay Girgirayaal ka duwan kuwa aynu maanta isticmaalo ee ka samaysan jiingada,  sidaa awgeed ayaanu u hoarsiinay in marka hore la barto girgirayaashan casriga ah.
Sidoo kale waxaanu soo bandhignay dhuxushii aan kusoo sameeyey Kenya iyo fikirka guud ee ka danbeeya mashruuca.  Waxanu dareensanayn in ay jiraan dad danyar ah oo ka ganacsada dhuxusha, kuwaas oo ku quudiya caruurahooda, waxaanu ugu balan qaadnay in dadka ka ganacsada dhuxushu ay heli doonaan dhuxushii ay dhirta ka soo jari jireen oo wershedaysan, shaqaalaha usoo guba ee soo jara dhirta ma huraan ka ahna aanu shaqo siinayno.

Waxan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aan taageero balaadhan ugu heli lahaa fulinta Wershadda Somaliland Briquette Factory(SBF), waxan ka qayb galay tartankii deeqeed ee Somaliland Business Fund(SBF)sanadkii 2012, balse waxyaabihii igala kulamay waxaan kaga hadli doonaa maqaalka danbe. 

Waxan hadaba kusoo xoorinayaa maqaalkayga,  way jiraan muwadiniin jecel in ay dalkooda iyo dadkoodaba, wax u qabtaan , nafttooda, aqoontooda, waayo aragnimadooda, wakhtigooda iyo maalkoodaba u huraan , lakiin aan helin taageradii  iyo hawl fududayntii ay ugu baahnayeen Hay’addaha dawliga ah iyo madaxdooda kana xishoonaya in ay maqaam hoose sida( galagalaysi, xigtonimo.reernimo iwm,) waxa ay xaqa u leeyihiin oo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen ku raadiyaan.

Muwaadiniinta sifahan leh, waxa haga oo xakameeya  anshax iyo iiman (ethics and moral).  Waxan ku boorinayaa dawlada iyo madaxda iyo masuuliyiinta qaranka kulana dardardaar mayaa in ay gacan siiyaan muwaadininta aan usoo boob tegin dadkan iyo dalkan faqiirka ah oo hadda uun iftiinkii noloshu u soo bidhaamayso, loona fududeeyo hawl galkooda, waayo waxanu idinka caawinaynaa hawl  idinku aad qaban lahaydeen oo la idiin igmaday.
Waxa xusid mudan oo aan xasuusinyaa Xukuumadda Somaliland in ay daba gal ku sameeyaan, mashaariicda Hay’addo ku sheega iyo kooxaha ka dilaala dhiiga iyo dhibaatada dan,yarta iyo wadamada faqiirka ah ee Somaliland ku jirto  kusoo dewersada magacooda, kagana hela qowmiyadaha iyo deeq bixiyayaasha calaamka balaayiinka dolar sidii  ay mashaariicda dhaxal galka ah ugu fulin lahayeen, kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay in xukuumaddu la xisaabtanto.
Dawlada Somaliland lafteeda waxa la siiyaa mucawimooyin tiro badan oo loogu talo galay in lagu hormariyo kaabyaasha bulsho ee aasaasiga ah iyo dib soo noolaynta hay’addihii bur-buray( Public infrastructures), kuwaas oo aan rumaysanahay haddii aan laga masuugeyn in wada jir loo samayn karo wershadan iyadoo dawladu dhiiri gelinaysa kharashka( budget) gaar ahna u qoondaynaysa.
Sidaa darteed waxan diyaar u ahay in aan la kulmo wasiirada ay sida gaarka ah u khusayso arrintani una soo bandhigo mashruuca . Haddii ay rabto  oo danaynayso xukuumadda Somaliland in ay  hirgeliso Wershedda, waxaan diyaar ula ahay in  aan ugu deeqo aqoontayda iyo juhdigii aan ku bixiyey labada sanno mashruucan.

Waxa kale oo aan baaq u dirayaa ganacsatada, Hay’addaha dawliga ah iyo cid kasta oo danaynaysa in ay maal gashato, anigoo diyaar u ah in aan ku marti qaado fikirka fulinta wershed dhuxul oo ay yeelato Somaliland, taas oo noqon doonta xal lagaga gudbo aafadan qaran ee nabaadguurka iyo xaalufka baahsan ee sida ba,an u saameeyay degaankeena iyo dalkeena.
Gebagebo:  Dhaxaan Dhawaaqee Dhegbaan Jalaq la ii Siine.
Eng: Abdi Noah Warsame
Wixii faalo ah ama falcelis ah ku soo hagaaji ciwaanada E-mailka hoos ku qoran, ama soo garaac Telefoonkan.
Email: abdinoah1@gmail.com
Mobile : 0634850848

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *