Degmada Cadaadlay waxa ay ka mid tahay degmooyinka hoos yimaada Gobolka Maroodi Jeex , isla markaasna waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu caansan JSLee soo jireenka.

Waxana ay degmadani ka mid tahay goobihii dalka laga xoreeyey xiligii lagu jiray dagaaladii ama kali taliyihii Siyaad Barre kaas oo ay guutooyin kala duwan madax-madax u soo galeen buuralayda ku xeeran deegaanada hoos yimaada degmadan.

Tan iyo xiligii lala soo noqday xornimada JSL, bulshada deegaanka ku nooli waxa ay tirsanayeen cabashooyin kala duwan oo la xidhiidha baahiyaha bulshada sida Maamulka, Caafimaadka,Waxbarashada, Beeraha iyo deegaanka kuwaas oo dhammaantood hoos u dhac balaadhani ka jiro loona baahan yahay in wax laga qabto oo loo gurmado.

Bulshada ku dhaqan degmadan waxa ay rajaynayeen in Madaxweynahya Jamhuuriyada Somaliland uu wax baqan u qaban doono oo kuwii hore u dhaami doono maadama uu oo aqoon badan u leeyahay degmadan xiligii uu mucaaridka ahaan uu wax badan u balan qaaday.

Sidaas daraadeed, bulshada ku nool deegaankani waxa ay ka codsanayaan Maamulka Madaxweynaha JSL in uu degmadan hoos u eego, isla markaasna la xisaabtamo Hay’addaha ku shaqada leh ee ay dayacaadani ka timid.

Waxana ay bulshada deegaan kani codsanayaan:

In degmada laga bedelo Gudoomiyaha hadda xilka haya oo qof dhalinyar ah oo cusub oo firin-fircoon loo magacaabo. Gudoomiyaha degmadu waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka la hadhay degmada ee curyaamiyey, kaas oo hawlo badan oo shaqooyin badan oo qabsoomi laha hortaagan, isla markaasna aan ka war hayn degmada haba yaraatee.

In laga bedelo Isuduwaha waxbarashada u qaabilsan oo qas iyo dibu dhac balaadhan ku haya bahda wax barashada ee deeganka ay degmadani xukunto kaas oo aan haba yaraatee wax war ah ka hayn deegaanada ama tuulayaasha ay degmadani xukunto dhinaca waxbarashada.

Waxa kale oo ay bulshadani kaa codsanayaan mudane Madaxweyne in aad sida ugu dhakhsaha badan u soo booqato Xarunta degmada oo aad baahiyahan hoos u eegto.

Bulshadani waxa ay soo dhawaynaysaa cid kasta oo jecel horumarka degmada Cadaadlay

Bulshada Ku nool deegaanada Hoos yimaada Degmada Cadaadlay.

Maxamed Xuseen jaamac
masmas122@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *