Casrigan aynu joogno waxa adduunka ku sii fidaya adeegsyida qalabka elegtarooniga (electronic) oo suurtagelisay xidhiidhka kumannaan dadwetne ah oo dacalada dunida ku kala nool inay si dhib yar ugu wada xidhiidhaan qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin, qoraallo, maqal amma

muuqaal laysku weydaarsado internet, Telefiishan amma idaacad.
Elegtaroonigu waxay qayb ka noqdeen nolol-maalmeedka dadyowga adduunka oo noloshoodu la-qabsi la sammaysay ayaa fududaysay shaqooyin badan oo markii hore gacanta lagu qaban jiray in lagaga nasto qalab electronic ah, sida qasaaladaha dharka lagu maydho, kaawiyadda dharka, laambadaha laydhka, dheryaha wax lagu karsado, lagu kaydiyo amma loo addeegsado kaydinta kulaylka amma qanoojinka cuntada iyo cabitaanka. Sidoo kale kombuyuutarada gacanta, kuwa guryaha la dhigto iyo telefiishanadu waxay isticmaalkoodu si xawliya ugu fideen adduunka.
Qalabka electronicadu wuxuu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah; 1. qolofta sare ee inoo wada muuqata marka ay yaaliin meelaha lagu iibiyo ama guryaheena iyo qaybta labaad ooah uurku jirta, oo ah  qaybta ugu muhiimsan ee mashiinka shaqada wada, waxaannu ka koobanyahay walxo isku dhafan oo kala ah biro culu s{heavy metals}, bir u-ekayaal {semi-metals}, iyo iskujiro kimikaad { chemical compounds}, marka ay isku dhan yihiin labadan qaybood ee meelaha loogu talo galay yaaliin faai’ido mooyee dhibaato uma lahaaadamaha, waxayse dhibaato culusi ka taagantahay marka uu iskii ujabo qalabka electronic-ga ahi ama badheedh loo jabiyo oo ubucdu soo baxdo.

Khatarta waxa sabab u ah waxa ay ka samaysan yihiin curiyayaal iskujira sida lead, mercury, arsenic, cadmium, copper, beryllium, barium, chromium, nikel, zinc, silver and Gold. Curiyayaasha waxaa laga sameeyaa mereegta dabka {circuit boards}, kaadhka computerka {computer chips} monitors iyo waayirada. Qoraal hore oo aan qoray waxaan ku xusay in cudurka amma caafimaad darada qaarkood aynu soo iibsano oo lacag adag kabixino iyaga oo ay innagu soo galaan qaab cunto. Mar cilmi baadhis lagu sameeyay uurkujirta qalabka elegtarooniga {electronics} waxaa natiijadii noqotay sidatan soosocota.
Arsenic: waxay qalindaartaa shaqada unuga isgaadhsiinta, qofka in badan ay kumaaxdo waxa ay aakhirkii ku keentaa cudurka wadna xanuunka iyo macaanka.
Cadmium: wuxuuu daciifiyaa awoodda uu jidhku u leeyahay sameynta kaalshiyamka ka dibna qofka ku keenta, lafo jileec xoogan lafo xanuun iyo burbur.
Chromium: wuxuu qofka ku riddaa diirka sare ee jidhka oo cuncuna marka danbana isu baddasha kansar maqaar {skin cancer}.
Copper: wuxuu raad iyo waxyeelo ugaystaa dhuunta, sanbabada, beerka iyo kalyaha iyo qayb ka mida habshaqada jidhka.
Lead: wuxuu sabab u noqon karaa caafimaad daro sida dhaqdhaqaaqa jidhka oo gaabis noqda oo hadalku kamid yahay, kuna danbeeya faalig iyo kooma sababi karta dhimasho.
Nikel:  waxay sababi kartaa cudurka kansarka oo suntiisu kugu socoto.
Silver: waa curiyaha ugu waxyeello yar haddna dhibtiisa ayuu leeyahay, haddii suntiisu in badan kugu socoto.

Qalinka Umaan qaadan in dadka aan argagax ku rido iyo warwar, balse waa dhibaato caalamkuba  inala qabo, haseyeeshee waxa ay inagaga duwan yihiin ka hortag ay cudurka ku sammeeyaan, oo ay iska basriyaan qalabka electonigu marka uu jabo ee uu manfacbeelo.

Waxaa nasiib daro ah in qalabkan halista caafimaad-darro ku sugantahay laga arki karo meheradaha ganacsi ee magaallooyinka Somaliland oo rasooyinka meheradahaas ay saaranyihiin Computer, Tv, Video, talaajado iyo wixii lamid ah oo ubucdu muuqato halisna ku ah dadka ku shaqaynaya iyo deegaanka ku hareeraysan.

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan dawladdaaha hoose ee dalka waxa waajib ka saaranyahay inay tallaabo ka qaadaan meheradahaas oo ay ku khasbaan inay basriyaan qalabkan caafimaadka khatarta ku ah nolosha aadamaha, sidoo kale waa In dadka laga wacyi galiyo dhibaatada electronikada kiisa wayn ilaa laambadaha laydhka oo laga ilaaliyo siiba caruurta in ay ku ciyaaraan, meel gaar ahna lagu ururiyo oo aan xashiishka caadiga ah lagu darin ee si gaar ah iyo gaadhi electronika u gaara lagu qaado oo lagu basriyo meel loo dooray.
Dadyewga adduunka ayaynu laqabnaa dhibaabatada, haseyeeshee waxay ula dhaqmaan si taxadir badan oo shacab iyo dawladba iska kaashadaan

Waxaan ku soo oodayaa qoraalkan cudurka daawadiisa waxaa kawanaagsan kana hawlyar ka hortagiisa, markaa akhriste, ku dhaqan kuna wacyi gali inta aad gaadhikartid, waa wax inoo wada dan ah, anna yaanan noqon iska hadlow ina maraykan. Tan iyo inta aynu ku kulmi doono qoraal kale naba galyo.

By Prof: Cabdi Xuseen Maraykan {Flosy}
Hargeysa, Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *