Maxaa Qaranka SomaliLand hurda seexan waayey. Maxay socod dheer galeen. Maxay dhaqaale hureen. Maxay u jidh dubaaxiyeen walaalahooda Reer Jabuuti. Maxay habeen iyo dharaarba gabayada iyo heesaha guubaabada ah ku dhawaaqayeen.
“HOG BAYDIIN DABOOLAN’E …. INTAYDAAN KU HUBUQ ODHAN… JABUUTAAY KA SOO HOYO … HORORKIYO WARAABAHA. Iyo weliba inta aan ka xasuusto, WALAALAHAYAGA JABUUTI …. WEHELKA KELIYAAAN LAHAYN….WAAXDAA CADAW NAGA MAQAN…NINKII WADDANKOODA HAYSTA …. DAGAAL KALA WAABAN MAYNNO….”
Midhahanu waxay ka mid ahaayeen heesihii faraha badnaa ee Qaranka Somaliland ay isla bar bar taagi jireen walaalahooda Reer Jabuuti si ay xorriyadooda uga helaan isticmaarkii iyo gumaysigii ka talinayey waddankooda ee liddiga ku ahaa inay noqdaan Qaran xor ah oo caalamka laga ictiraafsanyahay.
Waqti waliba waayihiisa leh. Qaranka Somaliland halgankii uu isla bar bar taagey walaalahooda Reer Jabuuti oo ahaa mid dhab ah , oo dhuuxa iyo dhiigaba raacay, dareemayeyna inay waaxyahoodii kala maqanyihiin wuxuu gacantii gumaysiga ka baxay maalin taariikhi ah oo ahayd 27 June 1977. Maalintaas ayaa Shicibka Somaliland wuxuu dareemay inay waaxyahoodii kala maqnaa isu caafimaadeen, maalintaas ayey bilaabeen gabayadii iyo heesihii farxadda, iyagoo muujinaya reeryadii iyo salabkii gumaysiga ee Walaalahooda Reer Jabuuti iska tureen inay ahayd mid iyagana Culays weyn ku haysey, kana bugsadeen diiftii ka soo gaadhey dareenka iyo damqashadii ay walaalahooda la qabeen. Heestan ama midhahanu waxay ka mid ahaayeen kuwii Shicibka S/land markii Walaalahood Xorriyadda Qaateen ku dhawaaqayeen. Gumaysi laguma waaree….Walaalaheen Reer Jabuuti…… Haddii Wahabkii Ka baxay ….. Xorriyaddii loo wanqalay…. Wadeecadii way tagtoo… Haddaannu is weshanaynaa.
Arrinku si kastaba ha ahaadee, Farxaddii iyo raynrayntii Shicibka Somaliland ka dhaxlay Xoriyaddii Reer Jabuuti ka heleen Gumaysiga , kuna illaaween dareenkii iyo damqashadii muddada dheer soo jiitamaysey ayaa waxa ku bilaabmay Shicibka Somaliland mid kaba sii daran tii gumaysiga shisheeye lagala kulmay, kagana timi Taliskii waqtigaas jirey ee uu mayalka u hayey Mohamed Siyaad Barre. Shicibka Somaliland wuxuu galay xaalad aad u qallafsan oo ka saamaysay dhinac kasta, hadday tahay maal iyo hadday tahay nafba, wuxuu Shicibka Somaliland soo maray xilliyo kala duwan oo midba midka ka dambeeya ka sii adkaa oo dhiigoodu badanaaba si fool xun oo weliba qarsoodi ah dulka ugu daadanayey.
Tafiirta dadku ma dabar go’do inta aanay iman maalinta suurka la afuufayo, Jiilna jiilka ka dambeeya wuxuu ka dhaxlaa taariikh dhaxal gal ah oo lagu xasuusto wanaag iyo mid madow oo lagu xusuusto murugo. Ragga midba waxbaa lagu xasuustaa, waa mid belo ka talis ah oo taariikhda meel madaow ka gala iyo mid taariikhda aduunka ka gala baal dahab ah, laguna xasuusto halyeynimo iyo geesi ummaddiisa wax manaafacaad ah uga taga.
Maanta waxaa Dalka Somaliland lagu xasuustaa halyeeyadii iyo geesiyaashii SNM ee ku shahiidey halgankii Gobanimadoonka Somaliland iyo kuwa maanta ka nool ee midhihii iyo gobanimadii ay dhaliyeen qarankooda kula dhex nool. La iskuma hayo in geesiyaashaas iyo shicibkuba muddo toban (10) sanno iyo wax ka badanba halganka ugu horeen naftooda iyo maalkoodaba ilaa ay ku hantiyeen waxay hiigsanayeen oo ah inay gobanimadoodii iyo xorriyadoodii dib ugala soo noqdaan taliskii ku mamay dhiigga shicibka Somaliland.
Isku soo wada xoori, Muddo labaatan sano(20) ah ayaa shicibka Somaliland goonni u taagnaa, maalinba maalinta ka dambaysana horu mar mooyaan e wax ka dhacay aanay jirin, maantana wuxuu marayaa halkii ugu wanaagsanayd iyo heerkii lagu tilmaami lahaa Dawlad si heer sare ah u hana qaadday, balse aan loogu dhawaaqin ictiraaf ay kaga mid noqoto dawladaha maanta adduunka laga aqoonsanyahay. Waxaa la oran karaa Dawaladda Somaliland waxba iskalama hadhin, mar haddii laga helay ama ay ku dhaqmayso shuruudihii adduunka maanta waddanada hore u maray lagaga dhaqmayey, Markhaatina ay u tahay sidii doorashadii ugu dambeysey ee madaxtooyada Dalka uga dhacday, Xukuumaddii Kursiga ku guulaysateyna si sharaf leh ugala wareegtey Xukuumaddii hore ee uu ka talinayey Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Arrintaasu waa mid muujinaysey in aanay marnaba ka hirgelin waddamada kale ee Afrika ku yaalla amaba dawlado kale oo adduunka muctarif caam ku ah. Tafiirta dadku ma dabar go’do inta aanay iman maalinta suurka la afuufayo, Jiilna jiilka ka dambeeya wuxuu ka dhaxlaa taariikh dhaxal gal ah oo lagu xasuusto wanaag iyo mid madow oo lagu xusuusto murugo. Ragga midba waxbaa lagu xasuustaa, waa mid belo ka talis ah oo taariikhda meel madaow ka gala iyo mid taariikhda aduunka ka gala baal dahab ah, laguna xasuusto halyeynimo iyo geesi ummaddiisa wax manaafacaad ah uga taga.
Maanta waxaa Dalka Somaliland lagu xasuustaa halyeeyadii iyo geesiyaashii SNM ee ku shahiidey halgankii Gobanimadoonka Somaliland iyo kuwa maanta ka nool ee midhihii iyo gobanimadii ay dhaliyeen qarankooda kula dhex nool. La iskuma hayo in geesiyaashaas iyo shicibkuba muddo toban (10) sanno iyo wax ka badanba halganka ugu horeen naftooda iyo maalkoodaba ilaa ay ku hantiyeen waxay hiigsanayeen oo ah inay gobanimadoodii iyo xorriyadoodii dib ugala soo noqdaan taliskii ku mamay dhiigga shicibka Somaliland.
Isku soo wada xoori, Muddo labaatan sano(20) ah ayaa shicibka Somaliland goonni u taagnaa, maalinba maalinta ka dambaysana horu mar mooyaan e wax ka dhacay aanay jirin, maantana wuxuu marayaa halkii ugu wanaagsanayd iyo heerkii lagu tilmaami lahaa Dawlad si heer sare ah u hana qaadday, balse aan loogu dhawaaqin ictiraaf ay kaga mid noqoto dawladaha maanta adduunka laga aqoonsanyahay. Waxaa la oran karaa Dawaladda Somaliland waxba iskalama hadhin, mar haddii laga helay ama ay ku dhaqmayso shuruudihii adduunka maanta waddanada hore u maray lagaga dhaqmayey, Markhaatina ay u tahay sidii doorashadii ugu dambeysey ee madaxtooyada Dalka uga dhacday, Xukuumaddii Kursiga ku guulaysateyna si sharaf leh ugala wareegtey Xukuumaddii hore ee uu ka talinayey Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Arrintaasu waa mid muujinaysey in aanay marnaba ka hirgelin waddamada kale ee Afrika ku yaalla amaba dawlado kale oo adduunka muctarif caam ku ah.
Mudane Madaxweyne (Mudane Cumar Geelle), labaatankaas Sannadood intiisa badan Qaranka Somaliland iyo Xukuumadiisuba Xaggaaga ayey soo eegayeen, waxay u soo eegayeenna waa kalsooni ay adiga iyo shicibkaaba ka qabaan, waa taariikhda waxay ka barteen oo xaqiiqa ah, welina sidii baa la idiin soo eegayaa, inta la is eegayaana waa inta ay ku habboontahay in wax la isu qaban karo, giraanta taariikhduna wareegayso, haddiise giraanta taariikhdu is taagto Ilaah bay ku caalim tahay, Somalilandna Kolley Ictiraaf way helaysaa ee yaan lagaaga horrayn ku dhawaaqisteeda, guusheeduna taariikhdana ha kuu gasho.
Mudane Madaxweyne (MADAXAA HA RAAGEE), Sharafta aad maanta ku soo dhoweysey Madaxweynaha Somaliland waa mid aad u muujisay Qaranka Somaliland, waa sharaf u soo hoyatey Shicibkaaga, Dalkaaga iyo Shicibka Somalilandba. Waa guul aan cidina dafiri Karin taariikhdana ka gelaysa baal dahab ah oo aan duugoobin, waa mid ku abuurtay labada shicib ee walaalaha ah yididiilo hor leh oo lagu illaawi karo wax kasta oo hore loo hatiyi waayey ama tabasho ah.
Mudane Madaxweyne (MADAXAA HA RAAGEE), Maanta shicibka Somaliland iyo Shicibka Reer Jabuuti ee walaalaha ah dhegaha ayey wada taagayaan, dareen keliyana way wada qabaan, hammigooduna waa adiga oo maanta ugu dhawaaqa Shicibka Somaliland ICTIRAAF ay kaga mid noqdaan qaran laga aqoonsanahay daafaha adduunka, si soo dhowentii sharafta lahayd ee aad ku soo dhoweysey Madaxweynahooda u noqoto mid maamuuskeedii iyo milgaheediiba dhammaystiranyahay.
Mudane Madaxweye (MADAXAA HA RAAGEE), Somalidu waxay tiraahdaa, HADALKII MAQALKAAGA KU BATA, HORRAAN BUU KA YIMAADDAA. Ayaamahan dambe waxaa dhegaha Shicibka Somaliland ku soo badanayey in ICTIRAAFKII kunuuniga u soo saaranyahay, cid ugu dhawaaqdana waxay ugu jecelyihiin inuu noqdo adiga oo aad ugu dhawaaqdid. Waxa kaloo arrintaas u daliil ah durba sida Abwaanadii Somaliland ugu diyaar garoobayaan soo dhoweynta iyo munaasabaddaas qaaliga ah heesihii iyo gabayadii lagu soo dhowayn lahaa. Waxaa dhegahayga ku soo dhacayey qaar ka mid heesahaas oo kooraskoodu u dhacayey sidatan:
Afrikaba Geesiga ka kacay… Gaashaan iyo Garrabba laga helay …..Ogow Cumar Geelle weeyaan….Taariikh gobanimoo u Gaarka ah iyo …. Adduun Cisi aan gaboobayn … Allahayow gu’yaal badan …… Guulloow Caafimaad ku gaadhsii….. Ma Goblame Geyiguu ka taliyana …. Eeebboow guri barwaaqo uga yeel
Mudane Madaxweyne (MADAXAA HA RAAGEE), Murti Somaliyeed ayaa tiraahda “waari maysid e war ha kaa hadho”. Mudane Madaxweyne Caafimaad iyo Cimri dheer baan kuu rejeynaynaa, Dalka Jabuuti iyo shicibkaagana Guul iyo Guri Barwaaqo. Aamiin
Qore: Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), UAE
yufle1@hotmail.com