Dhibaatadda haysata Somalia waxay gunteedu tahay iyadoo dhiiga Binu-Aadamigu aanu wax qiimo ah ku fadhiyin. Tani iyo intii Siyaad Barre talinayey ilaa iyo maantadan aynu joogno

waxa ugu horeeya ee dhegeheenu maqlaan waxay tahay intaas oo qof oo Somali ah ayaanu dilney. Kaaga sii darane, waxaad arkaysaa dad farabadan oo sacab iyo mashxarad la barbar taagan ruuxaas ku faanaya in uu diley dad tiro badan oo ka mid ah dadka uu sheeganaayo in uu xukumo.
 
Hadaba khaladka iyo khalkhalka haysta reer Somalia wuxu yahay iyada oo ka talinaaya iyo ka loo talinayaa mid koodna aanay fahmin micnaha taliska iyo dawladnimada toona. Nimanka xukunka qabsadda Somalia oo ay ku jirto Majeertenya waxay u haystaan inaan waxba la xukumi karayn hadii aan dadkaaga aan dhegta dhiiga loo darin, sidaas darteed ay tahay wax lagu faano dhiiga dadka ee la daadinyaa, sida uu manta sameeyey gacan ku dhiigle Faroole marku yidhi “Galgal waxaan ku diley 92 qof”.
 
Faroole ma ah nin la soo doortay ee waa nin Majeerteniya ku haysta qabiil nimo. Marku ku faanayo dhiiga dadka waxa uu moodayaa in ay raganimadiisa iyo sharaftidiisa ay wax u soo kordhinayso.  Isaga iyo ku wa la midka ah ee Somalia inteedda kale dadka ku xasuuqayaa waxay yehiin dad buka oo ay ka maqantahay kalsoonidu. Sidaas darted waxay u baahanyehiin in xabsi adag lagu hubsado ee uma baahna in sacabka loo tumo.
 
Faroole Somaliland waxa uu ku booriyey inay layso dadkii kabadbaadey xasuuqiisa. Faroole waxaan leeyahay; haw fadhiyin in Somaliland ku faroxalato dhiig. Hadii Somaliland dhiig ku faraxalanyso adiga iyo kuwii kaa horeeyey ee xasuuqay reer Somaliland ayay Garowe iyo Xamar ugu iman lahayd. Dhaqanka Somaliland kuma jirto xasuuqa dadka Somaliyeed hadii ay xitaa ku soo gardaroodaan reer Somaliland ee maxkamad sharci ah ayaa la soo taagaa cidi dembi gasha.
 
Dhamaan reer Somalia waxaan ku la dardaarmayaa inay iska dhaafaan sacabka ay u tumayaan kuwa ku haya xasuuqa oo ay diidaan in ay naftoodda u huraan dhiigyo cabyadda.
 
Faroole iyo kuwa la midka ahi ha ogaadeen in lawadda ogyahay waxay dadka reer Somalia ku hayaan, goor ay noqotaba in ifka abaal koodii lagu marin doono, hadii ay ifka ka badbaadaana aanay ka badbaadi doonin maxkamadda Ilaahay.
 
Dr. Yusuf Dirir Ali
London, UK

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *