Inkasta oo aanay dareen iyo wax-fikrad ah u lahayn shaqsiyaddaada, balse waa wax lala yaabo oo aad cajiib u ah, marka ay la wadaagayso dadka waaweyn dhinaca madadaalada iyo
weheshiga, sababtoo ah waa qalab sameynaya dhaq-dhaqaaq iyo cod, kaas oo loo sameeyey maskax yar oo lagu kaydiyey barnaamijyo xiiso badan, sida Riwaayado ama filimada muuqaal arraga oo kale, kaasoo jilaya hadba dabeecadaha nooca uu u eg-yahay xayawaanada.
Hindisaha qalabkan cusub waxa ka shiray saynis-yahano kala duwan, ka dib markii aqoonyahano ku taxa luqa daryeelka caafimaadka iyo daaweynta xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn, kuwaas oo u soo gudbiyey saynisyahanada daraasad ay ku ogaadeen, in xayawaanaadka nool ee dab joogta ahi, ay ka waxtar-badan karto sameynta manoole dab joog ah, sida; Bisaddaha, bakaylaha, Fardaha, Sakaaradda, Daayeero, xayawaanadaas oo inta badan lajoogitaankooda dadka waaweyn lagula tacaali jiray in lagu dabiibo nooc ka mid ah xanuunada ku yimaada dadka da’doodu waynaato ee afka-qalaad loo yaqaan amnesia.
daraasadaas oo si faahfaahsan loogu cadeeyey kala duwanaanshaha waxtarka noolaha dab joogta ah iyo manoolaha dab-joogta ah, waxaanay ku macneeyeen in xayawaanadda noolaha ah ee dab joogta ahi leeyihiin dabeecado kala gadisan iyo qorshe la xidhiidha hab nololeedkooda, waa kuwo leh xiliyo ay seexdaan, ciyaaraan, nastaan, mararka qaarkoodna waxay u baahdaan cunto iyo biyo ay cabaan, taasina waxay caqabad ku noqotay dabiibkii ay ka heli lahaayeen dadka da’doodu waynaato, sababtoo ah waxay u baahdeen in agjooga xayawaankaasi aanu mar qudha aanu ka ag-maqnaan ama aanu ka ag-tagin oo uu la joogo.
Khubarada ku takhakhusay cilmiga sayniska ayaa markii danbe ku guulaystay manoole dab-joog ah oo leh dabeecadaha hadba nooca xayawaanka dab-jooga ah ee uu u eegyahay, qalabkaas manoolaha ee dab-jooga ahi, wuxuu wax weyn u taray kuna caafimaadeen nooc ka mid ah xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ee la yidhaahdo xusuusla’aanta, ee afka-qalaad loo yaqaano Amnesia.
Mana jirto illaa hadda daawayn u gaar ah oo lagu daweeyo xusuus la’aanta, balse waxa lagula tacaalaa farsamooyin macquul ah oo ku salaysan waxyaabihii ay caanka ku ahaayeen wax u eeg ama habab kale oo cilmiyaysan, taasoo usoo celisa habka kaydka xog-ururineed ee maskaxda, kaydinta xoggaha cusub iyo xusuusashada dhacdooyinkii hore.
Noocyada kala duwan ee xusuusla’aanta ee Afka qalaad lagu yidhaahdo “Amnestic Disorders “ waxa inta badan sababa dhaawac soo gaadhay qaybo ka mid ah kaydka xog ururinta ee maskaxda , mana aha xusuustii oo marmar kaa lunta, laakiin waa mid joogta ah, in kastoo lala xidhiidhiyo kaydkii xog ururineed oo lumay iyo inuu abuuri kari waayo kayd cusub oo xog ururineed ama uu awoodi kari waayo inuu barto wararka cusub.
Xusuusla’aantan waxa la moodaa in loola jeedo mid ka mid ah khasaaraha soo gaadha xusuusta, sida ay xaqiiqadu tahay dhinaca xoggaha iyo waayo-aragnimada, kumana keento guud ahaan nolosha dhabta ah, khasaare u ah dhinaca Aqoontiisa ee gaarka u ah, laakiin badanaaba waxa ku adkaanta inuu si cad wax u fahmo , ama ay ku adkaato barashada macluumaadka cusub iyo abuuridda xusuuso hor leh.
nooc ka mid ah xusuus la’aanta taasoo Afka-qalaad lagu yidhaahdo “ anterograde amnesia” ayaa iyadana lala xidhiidhiyaa inay ku adkaato khibradihii iyo dhacdooyinkii dhacay ee la soo dhaafay ama xaqiiqada dhabta ah ee ay mudadaasi ay ka soo barteen inuu ka warbixiyo ama xog hore inuu dib uga hadlo, iyo inay ku keento feejignaan la’aan iyo inuu ixtiraamo wakhtiga mudada u dhaxaysa, taas macnaheedu waxa noqonaysaa ma awoodi karaan inay kuu sheegaan haddii aad imtixaamto ama aad weydiiso maanta maalintu todobaadka halkay kagaga jirtaa.
Mr. Maxamed Faarax Qoti
mfqoti@gmail.com